Sababaha Loogu Dardaarmo Caleenta Koostada & Qaababka Ugu Fiican Ee Loo Isticmaalo

Caleenta Koostada waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan sababtoo ah waxaa ka buuxa faytamiinno, macdano iyo walxaha jidhka sunta kaa saara.

Waa khudrad kulansatay nafaqo kala duwan oo qeyb kasta oo jidhka ka mid ah wax u tarta, waxaa ka buuxa faytamiin A, Faytamiin C, Faytamiin E, Faytamiin K, folic acid, kalsiyaam, magnesium, potassium iyo xadiid. Waxaa kaloo laga helaa maadooyinka lutein, zeaxanthin, quercetin iyo nitrate kuwaas oo caafimaadka faaido u leh.

Hadaba Daryeel Magazine waxa uu halkaan ku xusayaa qaar ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee laga helo caleenta koostada ee cilmi baadhis ahaan la hubiyay.

Caafimaadka wadnaha:

Koostada waxaa ku jira xaddi fiican oo maadada “nitrate” ah, maadadani waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga, waxa ay dejisaa dhiigga karka waxayna yareysaa halista wadne xanuunka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in faytamiinnada, macdanaha iyo walxaha sun saarista ee ku jira koostada ay sare u qaadaan caafimaadka wadnaha.

Ka hortagga dhiig yarida:

koostadu waa khudrad hodan ku ah macdanta xadiidka qofka joogteeyana isma arkaan xanuunka dhiig yarida khaasattan nooca ka dhasha xadiid yaraanta

Caafimaadka indhaha:

Caleenta koostada waxaa ku badan maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo uroon caafimaadka indhaha kuwaas oo yareeya halista caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration. Waxay kaloo khudraddani qani ku tahay faytamiinka A oo kordhiya awoodda aragga.

Difaaca jidhka:

Koostadu waxa ay caawisaa awood siinta difaaca jidhka, waxayna ka hortagtaa jeermisyada dhibaatada badan ee soo weerara hab-dhiska difaaca jidhka.

Caafimaadka lafaha:

Koostadu waxa ay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin sida faytamiin K iyo kalsiyaam, waxayna ka hortagtaa cudurka lafo beelka.

Dheefshiidka:

Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool istaagga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Caafimaadka uurka:

Koostada u wanaagsan tahay hooyooyinka uurka leh maxaa yeelay waxaa ku badan maadada “folic acid” oo caawisa korriimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed hooyooyinka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista koostada si ay uga helaan faytamiinno ku filan koriimada uurjiifka.

Xakamaynta cudurka macaanka

Koostadu waxay kordhisaa xakamaynta xanuunka macaanka sababtoo ah waxaa ku jira asiidhka “alpha-lipoic” oo hoos u dhiga heerka sonkorta dhiigga, kordhiyana shaqada iyo firfircoonida hormoonka insulin.

Sunsaarista:

Walxaha “phytonutrients” ee laga helo koostada waxa ay jidhka ka nadiifiyaan qashinka iyo sunta. Tani waxay yareysaa caabuqa iyo halista cudurrada.

Maqaarka iyo timaha:

Faytaamiinnada A, C iyo E ee laga helo koostada waxay uroon yihiin caafimaadka maqaarka iyo timaha

faytamiinka A waxa uu tinta iyo maqaarka ka ilaaliya qallaylka, waxaana uu dib u dhigaa soo shaac bixidda caalamadaha gabowga.

Dhinaca kale, faytamiin C waxa uu ka qayb qaataa soo saarista barootiinta “collagen” waxaana uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawaca fallaadhaha cadceeda. Halka Faytamiin E uu dhalaal siiyo maqaarka iyo timaha.

Waxaa intaas dheer, macdanta xadiidka oo jidhka ku yaraataa waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena timo daadashada waxaana looga hortagi karaa in lagu dedaalo cunnoooyinka hodanka ku ah macdanta xadiidka sida koostada.

Waa maxay khasaaraha koostadu?

Koostada waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “oxalate” oo ka qayb qaadata samaysanka dhagaxaanta kilyaha, sidaas awgeed isticmaalkeeda oo aad loo badsado waxa ay kordhisaa halista dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

Dadka qaata dawooyinka dhiigga jilciya waa inay ka fogaadaan isticmaalka koostada maadaama uu ku badan yahay faytamiinka K oo door wayn ka ciyaara guntamaha dhiigga.

Sidee cabitaan looga sameeyaa?

Koostada cabitaan ahaan ayaa loo cabbi karaa, waxaa lagu dhex shiidan karaa furuutka iyo khudradda kala duwan sida muuska, timirta, tufaaxa, afakaadhada, kaarootada iwm.

Sidee loo kariyaa koostada?

Waa in koostada lagu uumiyaa biyo ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashana lama daadiyo oo koostada ayaa suugo looga dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *