Faa’idada Karootada Iyo Cabitaankeeda & Xanuunada Ay Ka Hortagga U Yihiin

Karootadu waa khudrad ay Soomaalidu si fiican u taqaanno oo dhulkooda laga helo. 

Karootada waxaa lagu tiriyaa khudradaha ugu caafimaadka badan, waxa ay xambaarsan tahay nafaqo kala duwan iyo walxo kale oo caafimaadka faaido ugu jirto. 

Haddaba Daryeel Magazine waxa u warbixintan ku soo gudbinayaa faaidooyinka karootada ama dabacasaha ee cilmi baadhis ahaan la xaqiijiyay 

Awood siinta diifaca jidhka:

Karootadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa xoojinta habdhiska difaaca ee jidhka ee aadamaha, sida oo kalana waxa ay hodan ku tahay Faytamiinnada A iyo C oo jidhka muhiim u ah. 

Caafimaadka wadnaha:

Karootadu waxa ay yareysaa xaddiga Kolestaroolka dhibaatada leh ee jidhka ku urura waxayna sare u qaadaa kolestaroolka fiican, tani waxay ka hortagtaa xanuunnada ku dhaca wadnaha. 

Xoojinta aragga:

Faytamiinka A oo jidhka ku yaraada waxa ay kordhisaa halista indho beelka habeenkii ama waxa ay Soomaalidu u taqaanno “habeenada”. 

Karootada waxa ka buuxa maado la dhaho “beta-carotene” taas oo jidhku u beddelo faytmiin A.

Faytamiinkani waxa uu siyaadiyaa awoodda aragga wuxuuna ka hortagaa indho beelka habeenkii, caadka indhaha fuula iyo xanuunka “macular degeneration” oo ah cillad ay badanaa duqnimadu keento. 

Miisaan dhimista:

Karootada waxay hoos u dhigtaa cayilka maadaama si dhaqso ah loogu dhergo, jidhkana aanay ku kordhin dufan iyo kalooris badan.

Haddii aad qorsheynayso in miisaankaaga aad dhinto, ku dedaal cunista kaarootada. 

Caafimaadka afka:

Karootadu waxay siyaadisaa calyada, waxayna la dagaallantaa bakteeriyada afka ku dhalata, sidaasna waxa ay ku yareysaa bololka ilkaha iyo suuska.

Ka hortagga kansarka:

Karootada wuxuu Alle ku abuuray walxo la dagaallama cudurka kansarka. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in kaarootadu ay hortag fiican u tahay kansarka noocyadiisa ku dhaca sambabada iyo naasaha. Daraasad kale waxa ay iftiimisay in cunista karootadu ay yareyso halista kansarka ku dhaca malawadka oo aad dunida ugu soo badanaya.

Dhiig karka:

Karootadu waa il hodan ku ah maadada “potassium” taas oo ballaadhisaa xididada dhiigga khaasattan marka cadaadiska dhiiggu uu kaco. Dhiig karku?waxa uu ka mid yahay waxyaabaha keena xanuunada wadne qabadka iyo dhan qallalka. 

Xoojinta lafaha:

Karootada waxaa ku jira “calcium” iyo faytamiin K oo labaduba muhiim u ah caafimaadka lafaha. 

Xakamaynta xanuunka macaanka: 

Karootadu waxa ay nidaamisaa heerka sonkorta dhiigga, waxayna ka hortagtaa firfircooni yarida ama howlgabka unugyada soo saara insulinta. Dadka qaba xanuunka macaanka waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista kaarootada, cabitaan ahaanna ay u cabbaan iyadoo aan lagu darin sonkor.

Dheefshiidka:

Karootada waxaa ku badan ganka loo yaqaanno “dietary fiber” kaas oo wanaajiya dheefshiidka, calool istaaggana ka hortaga.

Kobcinta caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Karootadu waxa ay u fiican caafimaad maqaarka. Faytamiinnada A iyo C ee ka buuxa kaarootada waxa ay jidhka ka ilaaliyaan dhaawaca fallaadhaha qorraxda, waxayna dib u dhigaan calaamadaha duqnimada sida in maqaarku uu yeesho laalaab ama duuduub. 

Karootadu waxay kaloo uroon tahay timaha, waxa ay wanaajisaa habsami u wareegga dhiigga si uu u gaadho timaha jirriddooda, sidaa awgeedna timaha ayaa xoogeysta si fiicanna u baxa. 

Karootada faa’idadeedu waxa ay badan tahay inta aan la karin, sideeda ayaa loo cuni karaa ama cabbitaan ahaan ayaa loo shiidan karaa.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *