Wax Ka Ogow Faaidooyinka Caafimaad Ee Baamiyaha

cilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baambiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddani waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuhu uu u fiican yahay caafimaadka kelyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.

-Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *