Faaidada Ukunta Ay U Leedahay Koritaanka Timaha Iyo Caafimaadkooda & Sida Loo Isticmaalo

ukunta waxa ay ka hortagtaa timo daadashada, waxayna leedahay nafaqooyin muhiim u ah daryeelka timaha.

Ukunta waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu fiican ee wanaajiya caafimaadka timaha. Waxa ay xambaarsan tahay barootiinno, isku-dhisyada faytamiin B iyo macdano sidaas awgeed waxa ay caawisaa koritaanka timaha.

Faaidooyinka ukuntu ay leedahay timaha:

Koritaanka timaha: Ukunta waxaa ka buuxa barootiino iyo nafaqooyin kale, waxa ay caawisaa in timo cusub ay soo baxaan, waxayna kobcisaa heerka koritaankooda.

Ka hortagga timo daadashada: Ukunta waxaa lagu yaqaannaa in ay timaha ka ilaaliso burburka iyo go’idda, waxa ay adkeysaa salka timaha. Sida oo kale, waxa ay nafaqaysaa basada.

Awood jiidmasho ee timaha: Ukunta waxaa aad ugu badan maadada “lutein”, taas oo qoysa timaha islamarkaana wanaajisa awood jiidmasho ee timaha (hair elasticity).

Marka laga soo tago faaidooyinka aan kor ku soo xusnay, barootiinta ku jirta qaybta cad ee ukunta waxa ay aad u nafaqaysaa timaha, waxayna siisaa dhalaal dabiici ah.

Timuhu 70% waxa ay ka samaysan yihiin barootiin. Barootiinta ka buuxda ukuntana waxa ay awood u leedahay in dawayso dhibaatooyinka timaha soo gaara.

Fahan ukunta qeybta ku habboon timahaaga:

Iyada oo la eegayo nooca tinta, waxaa muhiim ah in la ogaado ukunta qaybta faaidada u leh caafimaadka timaha. Si guud, dumarka timahoodu ay yihiin nooca saliida leh waxa u fiican inay isticmaalaan xabka ukunta ama qaybta cad, halka dumarka timahoodu ay yihiin nooca qallan ay u fiican tahay ukunta qaybta huruudda ah.

Dumarka leh timaha nooca caadiga ah (normal type) ama nooca isku jira (combination type), waxa ay isticmaali karaan ukunta oo dhan.

Sida loo diyaariyo mask-ha ukunta ee kobcin kara bixitaanka timaha, sida oo kalena ka hortaga timo daadashada.

Waxaad u baahan tahay hal ama labo xabbo oo ukun ah (waxay ku xiran tahay dheerarka timahaaga) iyo saliid saytuun

  • Isku qas ukunta iyo saliid saytuunta
  • Mari isku-darkan timahaaga adiga oo wada gaarsiinayaa timaha oo dhan.
  • U daa 30 daqiiqo kadibna biyo qabow kaga mayr.
  • Waxaad habkan isticmaali kartaa hal ama labo goor toddobaadkii.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *