Hababka Saliid Saytuunta Loogu Isticmaalo Nafaqaynta & Qurxinta Jirka

Saliid saytuunku waa saliid dabiici ah oo laga soo saaro miraha iyo geedka saytuunka. Muddo dheer ayaa saliiddan ayaa loo isticmaali jiray qurxinta jirka.

Faaidooyinka saliid saytuunta ay u leedahay maqaarka:

Lidka sunta:

Saliid saytuunta waxaa ka buuxa maadooyinka liddiga ku ah sunta sida faytamiin E. Maadooyinkani waxa ay maqaarka ka ilaaliyaan dhaawaca waxa loo yaqaanno “free radicals” waxayna ka hortagaan laalaabka maqaarka iyo dhakhso u duqoobista. Waxaa kale oo maadooyinkani ay dejiyaan casaanka iyo cuncunka maqaarka ee ay keenan findoobka iyo cilladda “psorias”.

Lidka bakteeriyada:

Saliid saytuunta marka la mariyo wajiga waxay kobcisaa bilicda maqaarka waxayna sare u qaadaa caafimaadka maqaarka maadaama jeermiska ay disho.

Waxaa ku jira faytamiinno:

Saliid saytuunta waxaa ku jira faytamiinnada ku milma dufanka ee kala ah faytamiin A, D, E iyo K kuwaas oo faa’ido u leh jirka.

Waxa ay qoysaa maqaarka:

Saliid saytuuntu waxa dux siiye dabiici ah, waxaana la mariyaa jirka iyo timaha.

Saliid saytuunta iyo maqaarka: 3 qaab oo loo isticmaalo:

  • Saliid saytuun, boorash iyo malab:
  • Shiid boorashka oo budo ka dhig
  • Ku dar malabka iyo saliid saytuunta si fiicanna iskugu qas.
  • Mari isku-darkan wajigaaga adiga oo u deynaya muddo 10 daqiiqo ah.
  • Kaga mayr biyo diirran

U marso isku-darkan scrub ahaan si uu maqaarka uga qaado qolofta iyo unugyada dhintay.

Malabka waxaa ku jira dheecaan oogada sare ee maqaarka xariir ka dhigta, sida oo kalana hoos u dhaafta oo dux siisa lakabyada hoose ee maqaarka.

Isku-darkan waxa uu qooyaa maqaarka, waxa uu kobciyaa cusboonaysiinta unugyada, waxaana uu maqaarka unugyada dhintay.

Scrub-kan waxaa loo adeegsan karaa jilbaha iyo suxullada, waa uu iftiimiyaa waxaana uu ka dhigaa jileec.

Saliid saytuun iyo afakaadho:

  • Isku dar hal qaaddo oo saliid saytuun ah iyo jeex afakaadho ah oo aad burburisay.
  • Si fiican iskugu shiid si uu noqdo cajiin jilicsan.

Alaabtan oo si joogto ah loo isticmaalo waxa ay jirka ka dhigtaa mid jilicsan. Afakaadhadu waxa ay caan ku tahay awoodeeda lid-huriye (anti-inflammatory).

Saliid saytuun, caano garoor (yoghurt) iyo malab:

  • Isku qas saliid saytuunta, caanaha la fadhiisiyay iyo malabka.
  • Cajiin ka dhig oo wajiga marso
  • U daa muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah kadibna ka mayr.

Mask-haan waxa uu si dhakhso ah u qooyaa maqaarka, waana uu nadiifiyaa.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *