Caanaha Iyo Malabka Oo Isku Daro Waxa Ay Ka Hortag Iyo Dawo U Yihiin….

Caanaha iyo malabka la isku daro

Caanaha dabiiciga ah waxaa ka buuxo nafaqooyin kala duwan oo aasaas u ah caafimaadka. Calcium-ta iyo fiitamiinnada ku jira caanaha waxay kobciyaan caafimaadka lafaha wayna adkeeyaan.

Caanaha qaar sida kuwa geela wuu ku noolaan karaa qofka, waxay u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka, wixii nafaqo jirka u baahnaa waa laga helaa oo waad kaga maarmi kartaa cuntooyinka kale haddii aadan haysan, geellayda badanaa inta ay geela la joogaan caanahiisa ayay ku noolyihiin.

Malabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka dabiiciga ah ee ugu faa’idada badan caafimaadka qofka, sababtuna waa xaddiga aadka u badan ee faytamiinnada, macdanaha kala duwan iyo asiidhada Amino ah ee ku jira malabka iyo sida oo kale maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah bakteeriyada, dulinka iyo mariidka. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in malabka ay ku yar yihiin Kalooriska isla markaana aanu wax dufan ah lahayn, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku uu caadaysto in maalin kasta uu cuno malqacad malab ah.

Qoraalkaan waxaan ku eegaynaa faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo cabbista caanaha malabka lagu isku daro:

Tamar iyo firfircooni:

Caabista koob caano ah oo lagu daray malab subaxdii waxaad ka helaysaa tamar iyo firfircooni. Carbohydrates-ka ku jira malabka waxay si deg deg ah kor u qaadayaan tamartaada. Caaanaha waxaa laga helaa barootiin kaas oo kordhiya awoodda qofka.

Caafimaadka Dheefshiidka:

Cabitaanka isku-darka malabka iyo caanaha wuxuu uroonyahay caafimaadka dheefshiidka. Malabka waxaa ku jira maadooyin “prebiotics” ah kuwaas oo ka shaqaysiiya bakteeriyada nacfiga u leh jirka ee loo yaqaanno “probiotics” ee laga helo caanaha, tani waxay kordhinaysaa bakteeriyada wanaagsan ee cunno-mareenka. Cabitaankaan waxa uu la dagaallamaa calool istaagga iyo dibirada.

Caafimaadka lafaha:

Caanuhu waa isha ugu fiican ee laga helo macdanta calcium. Malabku waxa uu caawiyaa in dhiiggu uu kalsiyaamta uu ka nuugo caanaha kadibna u gubiyo lafaha, waana sababta ay muhiimka u tahay cabbista caanaha malabka lagu daray.

Daawaynta calool istaagga:

Caanaha waxaa ku jira nafaqo dhamaystiran iyo maaddooyin cunto oo jirka ka caawiya in uu si habsami ah u dhamaystiro hawsha dheefshiidka. Sidaa awgeed waxa ay qofka ka caawiyaa in aysan calooshu istaagin. Cabbista caano dhiirran oo lagu daray malab ka hor inta la seexan waxay daawo u tahay calool istaagga. Malabka waxaa ku jira dheecaan burburiyeyaal caawiya in cunnadu ay si fudud uga gudubto mindhicirrada. Cabitaankan waxa uu dilaa bakteeriyada loo yaqaanno “Staphylococcus” waxaana uu ka hortagga cilladaha mindhicirrada.

Ka hortagga calaamadaha duqnimada:

Maadooyinka sun-saarista ee laga helo caanaha iyo malabka waxay la dagaallamaan waxa afka qalaad lagu yiraahdo “free radicals” oo sababa dhaqso u duqoobista.

Daawaynta qufaca:

Caanaha iyo malabku waxa ay la dagaalamaan bakeeriyada waxa ay daaweeyaan cuncunka iyo bararka dhuunta waxayna yareeyaan qufaca, malabku xabeebta wuu u fiican yahay, hadii aad leedahay riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka.

Daawaynta walwalka:

Caanaha iyo malabka la isku daro waxa ay hoos u dhigaan heerka hormoonka loo yaqaanno “cortisol” oo ah hormoonka stress-ka qaabilsan. Cabitaankaan waxa uu dejiyaa neerfayaasha maskaxda waxaana uu kordhiyaa xasiloonida

Xusuusta iyo foojignaanta:

Malabku waxa uu wanaajiyaa awoodda maskaxda, waxa uu yareeyaa walwalka waxa uu kor u qaadaa shaqada maskaxda iyo xusuusta. Caanaha iyo malabka la isku qaso waxay kobciyaan xusuusta iyo foojignaanta.

Infekshannada caloosha:

Maadooyinka liddiga ku ah bakteeriyada ee ku jira malabka waxay dilaan bakteeriyada keenta infekshanka. Caanaha waxaa  ku jira dheecaan burburiyeyaal uroon dheefshiidka taas oo hagaajisa caafimaadka caloosha.

Hurdo la’aanta:

Macaanka malabka ku jiraa waxa uu kordhiyaa maadadda Insulin ee jirku u baahan yahay, waxa kale oo uu kordhiyaa hormoonnada qofka ka caawiya hurdada wanaagsan. Caanuhu waxay caawiyaanin neefayaasha qofku ay degaan, hurdo la’aanta oo ay ka hortagaan maadaama oo ay hodan ku yihiin asiidhada Amino lagu magacaabo, gaar ahaan kuwo qofka xasilooni badan ku abuuraya.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *