Caanaha La Karkariyay Miyay Ka Caafimaad Badan Yihiin Caanaha Kale? Kuwee Se Fiican In La Cabo?

Caanahu waa cunno dhamaystiran oo ay ku jiraan nafaqooyin iyo macdano jirku uusan ka maarmi karin. Waxay hodan ku yihiin kalsiyaam, barootiin, kaarbohaydareetyo, fitamiinno, macdano iyo dufanno, waxayna jirka u leeyihiin faa’idooyin kala duwan oo ay ka mid tahay ilaalinta miisaanka jirka iyo sare u qaadista caafimaadka lafaha. 

Caanaha la karkariyay miyay ka caafimaadka badan yihiin caanaha kale? Sii akhri si aad u ogaato..

Sida la ogyahay caanaha dhayda ah oo la karkariyo ka hor inta aan la cabin waxay dishaa bakteeriyada waxayna ka hortagtaa cillado badan oo caafimaad.

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan caanaha xoolaha ee aan warshada soo marin ayaa u baahan in la karkariyo si looga dilo bakteeriyada balse caanaha warshadaysan qasab ma ahan in la karkariyo, haddii la karkariyana dhibaato ma lahan..

Caanaha xoolaha ee aan la karkarin waxaa ku jiri kara noocyo bakteeriyada ka mid ah oo halis ah, taas oo dhaawac u geysan karta dadka difaaca jirkoodu uu daciifka yahay, dumarka uurka leh, caruurta iyo dadka waayeelka ah.

Caanaha xoolaha ee aan la karkarin waxaa ku badan nafaqada, si kastaba ha ahaatee, waxaa ku jirta bakteeriyo dhibaato leh, taas oo keeni karta cudurro halis ah. Sidaas darteed, waxaa lagu dardaarmaa in caanaha la karkariyo ka hor inta aan la cabin.

Caanaha geela waxaa mararka qaar laga qaadaa jeermisyo halis ah oo caafimaadka ama noloshaba qatar gelin kara, taasi waxaa sabab u ah dadka geela lisa badankood oo aan nadaafadda ku dadaalin, gacmahane iska dhaqin, sidoo kale weelasha lagu liso oo aan nadiif ahayn, waxaa intaa sii dheer geela waxaa la mariyaa sun si cayayaanka iyo cudurradaba looga daaweeyo, taasoo si sahlan caanaha ugu gudubto, intaasoo halis ah iyadoo ay jirto haddana caanaha geela lama karkariyo oo sidooda ayaa lagu cabaa, markuu qofka ku xanuunsadane horay dhakhtar kama tago illaa uu ka fuuq baxo iyadoo loo malaynayo shubankii lagu yaqiinay caanah geela.!!

Si dhibkaas oo idil looga badbaado, maxaa diiday in caanaha Geela aan iska karkarinno?!

Waaa maxay faaidooyinka caanaha la karkariyay?

  • U dulqaadashada barootiinta caanaha:

Marka caanaha la karkariyo, barootiinta caanaha ku jirta way isbedeshaa taas oo u fududaynaysaa dadka xasaasiyada ku qaba barootiinta in calooshoodu ay shiiddo caanaha.

  • U dulqaadashada la’aanta laktoos:

Si la mid ah barootiinta, caanaha marka la karkariyo waxaa yaraada sonkorta laktoos ee ku jirta caanaha. Karkarintu waxay sonkorta laktoos u bedeshaa aasidhyo iyo “lactulose” oo ah nooc sonkorta ka mid ah jirka u bini-aadanku uusan nuugin.

Digniin: inkastoo caanaha oo la karkariyo ay yareyso sonkorta laktoos iyo barootiinta ku jira, waxaa dhici karta inaysan wax wayn ka beddelin oo aysan cabin karin dadka qaba xasaasiyadda barootiinta caanaha iyo cillada u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance).

  • Dufanno faaido leh:

Caanaha la karkariyay waxaa dufanno faaido u leh caafimaadka..Dufannadaani waxay wanaajiyaan caafimaadka caloosha waxayna hoos u dhigaan halista kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn.

Sidoo kale, dufannada caanaha la karkariyay ku jira waxay yareeyaan baruurta jirka, waxayna kordhiyaan dheregta sidaas darteed waxay caawiyaan miisaan dhimista.

Waa maxay khasaaraha caanaha la karkariyay?

Khaasaraha caanaha la karkariyay waxaa ka mid ah inay saamayn taban ku yeelato fiitamiinnada ku jira caanaha. fiitamiinnada B, sida thiamine, riboflavin, niacin, folic acid, B6, iyo B1 way yaraadaan marka la karkariyo.

In kastoo caanuhu aysan ahan isha ugu muhiimsan ee ay dadka waa wayn ka helaan fiitamiinnada B, balse waa isha ugu badan ee cunnada ay caruurtu ka hesho fitamiinkan… sidoo kale, hadii caanuhu ay yihiin halka ugu badan ee aad ka hesho barootiinta waxay sababi kartaa barootiin yar hesho.

Sidoo kale karkarintu waxay ka bedeli kartaa dhadhanka iyo midabka caanaha.

Caanaha oo la karkariyo miyay yareysaa nafaqada…

Karkarintu waxay yareysaa baroootinta

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *