Xilligee Ugu Fiican In Caanaha La Cabbo?

Waxaa hubaal ah in caanuhu ay yihiin cabitaan caafimaad badan laga helo laakiin waqtigee ugu fiican in la cabbo? Ma subaxdii mise habeenkii?

Ugu horreyntii, cabista caanuhu waa hab fiican oo laga helo kalsiyaam iyo barootiin.. Caanuhu way kuu wanaagsan yihiin xilli kasta oo aad cabto, haddii adan qabin cilladda u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance).. Laakiin waqtiyada la cabo ayay sii kala waxtar badan yihiin. Waxaad u samaysan kartaa waqti gooni ah oo aad caanaha cabto adigoo u eegayaa nooca faaidada aad rabto inaad ka hesho caanaha.

Xaqiiqada 1-aad:

Haddii aad doonayso inaad barootiin badan hesho xilliga quraacda, caanuhu waxay kuu fiican yihiin inaad cabto subaxdii. Caanuhu waa il hodan ku ah kalsiyaam, barootiin, potassium, phosphorus, magnesium iyo fitamiinno.

Xaqiiqada 2-aad:

Haddii aad ka mid tahay dadka aroortii jimicsiga sameeyaa, caanuhu waxay kuu fiican yihiin inaad cabto subaxdii si jirkaagu uu u helo barootiin iyo kalsiyaam. Lafahaagu iyo murqahaagu waxay u baahan yihiin barootiin iyo kalsiyaam si ay u soo kabtaan islamarkaana ay u koraan.

Xaqiiqada saddexaad:

Haddii aad doonayso inaad dareento dhereg, cunno doonistooduna ay yaraato maalintii oo dhan, waxaa kuu fiican inaad caanaha cabto subaxdii. Laakiin haddii aad isku aragto dibiro caanaha markaad caanaha cabto kadib, ka dheerow cabistooda subaxdii.

Xaqiiqada 4-aad:

Haddii aad ka cabanayso hurdo la’aan ama inaadan dhaqso u gam’i karin waxaa habboon inaad cabto koob caan diirran ah intaadan seexan ka hor. Caanuhu way ku dejinayaan waxayna kaa caawinayaan inaad hurdo fiican seexato.

Xaqiiqada 5-aad:

Haddii aad dareemayso daal badan shaqada maalintii kadib, cab caanaha habeenkii.. Waxaa caanaha ku jira asiidhka amino ee loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo maskaxda ka caawiya inay soo deyso maadada “serotonin” oo hurdada u fiican. Sidoo kale,  caanuhu waxay kaa caawinayaan inaad dareento xasilooni.

Xaqiiqada 6-aad:

Haddii aad tahay qof raba inuu iscaateeyo laguma taliyo cabista caanaha habeenkii.

Xaqiiqada 7-aad:

Xilli kasta oo aad caanaha cabayso, ku dedaal inaad caanaha diirran ka doorato kuwa qabow. Caanaha diirrani waxay wanaajiyaan cunno shiidista.. Sidoo kale, xasuusnoow ma fiicno in caanaha si xad dhaaf ah loo cabo. U isticmaal si dhexdhexaad ah.. 150 ml illaa 200 ml ayaa laga yaabaa inay ku filan tahay maalintii..

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *