7 Xanuun Oo Lagu Daweeyo Caanaha, Filfisha Iyo Dhagayaraha La Isku Karkariyay

Haddii aad tahay qof aaminsan dawooyinka dabiiciga ah, waa inaad tijaabisaa cabitaankan caafimaadka badan ee aan maqaalkan kuugu sheegi doonno.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa shaacisay in caanaha la karkariyay, khaasatan marka lagu daro dhirta dabiiciga ah ay daawo ka noqon karaan cillado badan.

Caanuhu waxa ay leeyihiin waxtar badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka faa’iidada badan ee ay qaniga ku yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Kalshiyaam, Fitamiin B-12, fitamiin A, barootiin iyo dufanno faa’ido u leh jirka.

Maqaalkaan waxaan ku soo bandhigaynaa 7 faa’iido oo laga helo cabitaanka caanaha, filfisha iyo dhagayaraha la isku karkariyay waxayna kala yihiin:

Daaweynta goon-jabka:

Wuxuu cabitaankani kordhiyaa qulqulka ogsijiinta ee maskaxda wuxuuna hoos u dhigaa hurka (inflamation) sidaas darteed wuxuu yareeyaa madax xanuunka goon-jabka.

Hargabka iyo ifilada:

Cabitaanka caanaha lagu karkariyay filfisha iyo dhagayaraha waa daawo u fiican hargabka iyo ifiliada, wuxuu yareeyaa san-xiranka, qufaca iyo riiraxyada. Filfisha waxaa ku jirta maado soo saarta xabka iyo duufka sababa qufaca iyo hindhisada badan. Haddii aad la ildaran tahay cune xanuun iyo qufac daran cabitaankani waa daawo heersare ah maadaama uu dejiyo cuncunka dhuunta.

Awood siinta difaaca jirka:

Caanuhu waxay qani ku yihiin bakteeriyada fiican ee xoojisa hab-dhiska difaaca ee jirka qofka, bakteeriyadaas oo faa’ido badan u leh unugyada dhiigga cad ee cudurrada jirka kala dagaallamo. Dhinaca kale, dhagayaraha iyo filfisha waxaa ku jira waxyaabo liddi ku ah bakteeriyada sidaas darteed waxay sare u qaadaan awoodda difaaca jirka.

Hoos u dhigista infekshannada:

Cabitaankan caafimaadka leh wuxuu yareeyaa infekshannada ka dhasha bakteeriyada jirka.

Ka hortagga kansarka:

Waxaa cabitaankan ku badan barootiinno iyo maadada loo yaqaanno “phytonutrients” wuxuuna awood u leeyahay ka hortagga taranka unugyada kansarka. Caanuhu waxay jirka ka difaacaan burooyinka kansarka.

Dheefshiidka:

Cabitaankani wuxuu u fiican yahay caafiimaadka dheefshiidka.

  • Caanuhu waxay caawiyaan dedejinta iyo fududeynta dheefshiidka.
  • Filfishu waxay siyaadisaa dheecaanka aashitada caloosha ee loo yaqaanno “Hydrochloric Acid” oo muhiim u ah cunno shiidista, waxaana lagula tacaalaa calool istaagga iyo shubanka.
  • Dhagayaraha wuxuu caawiyaa cunno shiidista iyo la dagaallanka bakteeriyada caloosha waxaana lagu daaweeyaa dheefshiid xumada iyo calool majiirka.

Ka hortagga cudurka lafo beelka:

Maadaama ay caanaha ku jiraan xaddi badan oo macdanta kaalsiyam ah iyo barootiinno, waxay adkeeyaan lafaha waxayna kobciyaan caafimaadkooda. sidaas darteed waxay ka hortag u yihiin cudurka lafo beelka (osteoporosis)

Sidee loo diyaariyaa?

Waxaa la isku shiidayaa ama la isku tumayaa 3 illaa 4 xabbo oo dhagayare ah iyo 3 illaa 4 xabbo oo filfil ah illaa ay budo ka noqdaan kadibna waxaa lagu karkarinayaa caano, waxaana la cabayaa cashada kadib.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *