Toonta Iyo Malabka Oo La Isku Khamiiriyo Waa Dawo Tayo Badan Oo Lagula Tacaali Karo….

toonta iyo malabka

Toonta iyo malabka oo la isku daray ama la isku khamiiriyay waa jeermis dile heer sare ah oo u roon caafimaadka caloosha iyo dheefshiidka, waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka iyo dhiig-karka, waxay kobcisaa difaaca iyadoo jirka ka saarto sunta “detoxification” waana sababta bukaanada qaato daawooyinka kiimikada ee kansarka lagula taliyo inay alaabtaan isticmaalaan.

Labadaan shay mid walba waxa uu leeyahay faa’iidooyin u gaar ah oo tiro badan, marka la isku darana waxtarkooda caafimaad ayaa sii siyaada.

Cunista Malab saafi ah oo lagu daray toon ceyriin ah oo aad joogteyso ayaa wax wayn ka bedeli doonta caafimaadkaaga Ilaahay idankiis.

Faaidooyinka kale ee isku-darka toonta iyo malabka:

  • Waxa uu xoojiyaa awoodda difaaca jirka isaga oo la dagaallama bakteeriyada, fayraasyada iyo jeermisyada keena cudurrada
  • Waxa uu waasiciyaa halbowleyaasha diigga, waxaana uu kobciyaa qulqulka dhiigga ee jirka gaaraya sidaas darteed waxa uu yareyaa dhiig karka.
  • Toonta waxaa ku jirta maado la dhaho “Allicin”, malabkana waxaa ku badan walxaha sunsaarista labadaan maado waxa ay nafaqeeyaan unugyada maskaxda sidaasna waxa ay ku kobciyaan caafimaadka maskaxda. Cilmi Baadhisyo la sameeyay waxaa lagu arkay in toontu ay awood u leedahay ka hortagga cudurrada xasuusta lumiya sida “dementia” iyo “Alzheimer”, sida oo kalena ay wanaajiso caafimaadka maskaxda.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *