Dhir Guryaheenna Taalla Oo Ah Dawo Lagula Tacaali Karo Xanuunno Badan

SINJIBIISHA:

Sinjibiisha waxa ay ka mid tahay dawo dhaqameedka facaweyn ee bulshooyin kala duwan oo dunida ku nooli muddo dheer soo isticmaali jireen. Dhiigga oo ay dejiso kana ilaaliso xinjirowga, Daweynta madax xanuunka, hargabka iyo dhaxanta ama qabowga feedaha gala ayaa loo isticmaali karaa.

FG: Sinjibiisha oo la isku badiyaa waxa ay keentaa khatarta ah in xinjirowgu uu dhiigga ku yaraado.

TOONTA:

Toontu waxa ay ka mid tahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagula taaali karo caabuqa, daweynta qabowga, sanboorka, iyo Xaaladaha nafsiga qaarkood sida warwarka iyo qulubka.

KARKARMA (HURUUDDA):

Karkamku waa geedka ay qurux ahaan dumarka Soomaalidu wejiga u mariyaan ee deegaannada qaar Huruudda looga yaqaanno. Geedkan oo aad looga isticmaalo qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalka Hindiya oo uu ka baxo, waxaa lagu tiriyaa xawaashyada cuntada lagu daro, waxa aanu dawo ka yahay noocyo badan oo ka mid ah caabuqa iyo ololka xaglaha.

QORAFAL (QOLAFAL/ QORFE)

Qorafalku waxaa ku jira maaddooyin ku liddi ah caabuqa, boogaha iyo xaglo xanuunka. Sida oo kalana waxa uu si aad ah ula dagaalamaa bakteeriyada.

BASBAASKA KULUL:

Basbaaska kululi waxa uu ka mid yahay dhirta ugu fiican ee lidka ku ah caabuqa. Waxaa ku badan maaddooyinka ay ka mid yihiin Potassium, Calcium, Vitamin B iyo Vitamin C. waxaana la ogaaday in uu u fiican yahay Daweynta xaglaha.

DACARTA

Dacartu waxa ay hodan ku tahay maaddooyin liddi ku ah caabuqa iyo xanuunka ku yimaadda xubnaha jidhka, waxa kale oo uu dawo ka yahay nabarrada iyo gubashada oo la mariyo.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *