Aymiyadda Ay Leedahay In Miraha Chia Seeds La Cuno Maalin Kasta Iyo Sida Loo Isticmaalo

Chia seeds waa miro Alle ku abuuray walxo caafimaadka faaido ugu jirto. Mirahaan yaryar waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka ku jira kalluunka.

Isticmaalka mirahaan ayaa aad dunida ugu soo badanaya waayahaan dambe sababtuna waa qiimahooda caafimaad oo lagu baraarugay.

Chia Seeds waxa ay qani ku yihiin asiidhada duxda ah ee Omega3 oo muhiim u ah caafimaadka maskaxda iyo jirka. Sida oo kale, waxaa ka buuxa barootiin, gan (fiber), kalsiyaam potassium, magnesium iyo xadiid.

Sii akhri si aad wax badan uga ogaato waxtarka ay mirahani u leeyihiin caafimaadka.

La dagaallanka macaanka:

Miraha Chia seeds waxaa la aaminsan yahay inay uroon yihiin dadka qaba sonkorowga maadaama ay caawiyaan nidaaminta heerka sonkorta dhiigga.

Barootiin:

Mirahani waxa ay hodan ku yihiin barootiin taas oo muhiim u ah howlaha kala duwan ee jirka. Barootiintu waxay kaloo u fiican tahay dhismaha murqaha iyo xoojinta difaaca jirka.

Miisaan dhimista:

Nafaqooyin ku jira waxa ay caawiyaan dhimista miisaanka. Ganka ku badan mirahaan waxa uu oo qofka dareensiiya dherag, taas yaranaysa jamashada badan ee cunnada. Chia seeds waxay jirka ka saaraan sunta, waxayna yareeyaan gaajada, taas oo faa’ido u leh dadka doonaya inay iscaateeyaan.

Caafimaadka lafaha iyo ilkaha:

Miraha chia seeds waxay hodan ku yihiin macdanta kalsiyaam oo aasaasi u ah caaafimaadka lafaha iyo ilkaha. Waxaa kaloo mirahaan laga helaa barootiin, magnesium, iyo phosphorous kuwaas oo lafaha adkeeyaa.

Cillada caloosha:

Mirahani waxa ay kobciyaan caafimaadka dheefshiidka, waxaa ka buuxo gan, sidaas awgeed waxa ay ka hortagaan calool istaagga.

Caafimaadka wadnaha:

Miraha chia seeds waxa ay sare u qaadaan caafimaadka wadnaha. Waxa ay kobciyaan kolestaroolka faaidada leh ee jirka, waxaa ku badan dufanka Omega3, saliidaan oo uroon caafimaadka wadnaha. Waxaa kaloo mirahaan ku jirta maado la yiraahdo “quercetin” oo ah sunsaare ka hortaga cudurro badan sida wadne xanuunka. Sidaan aan soo xusnay mirahaan waxaa ku badan faybar oo hoos u dhiigga cadaadiska dhiigga ee sarreeya.

Mirahana waa miro ka mid ah waxyabaha uu Allah (swc) ku mannaysaty faa´iidooyin aad u tiro badan lana rabo in laga faa´iidaysto. Waxaad ka soo iibsan kartaa tukaanada iibsha alaabaha dabayciga ah.

Chia Seeds sidaad doonto ayaad u isticmaali kartaa ama aad u karsan kartaa, dabkuna ma dilo anfacooda, cunnooyinka kala duwan ayaa si fudud loogu darsan karaa sida boorashka, yoghurt-ka, cabbitaannadana waa lagu shiidan karaa. Mirahaan ma lahan wax dhadhan ah sidaas darteed cunto kasta ayaa lagu darsan karaa mana bedelayaan dhadhanka cunnada lagu daray.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *