Shaqaysiga Madaxabanaan (Freelance)

Waxaa dunida si xawli ah ugu soo badanaya in dadka shaqaalaha ahi ay ka tagaan shaqooyinka shirkadaha iyo hay’adaha dawladda ama madaxbannaan iyaga oo ka doorbidaya in ay iskood si madaxbannaan ugu shaqaystaan xirfadahooda.

Sahamin ay samaysay hay’adda Edelman Intelligence ee Maraykanka oo kaashanaysa madasha ‘Upwork’ ayaa daahfurtay in kala badh dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay haystaan shahaadooyin jaamacadeed, waxa se ay hoosta ay ka xariiqday in shaqada madaxabannaani aanay shahaado sare u baahnayn sida shaqada rasmiga ah, balse ay u baahan tahay xirfad in uu qofku leeyahay.

Wanaagga ay shaqada madaxa bannaani qofka u leedahay waxaa ka mid ah in ay aqoontiisa iyo waayoaragnimadiisu u korodho si aanay u kordhin qofka shaqaalaha ah. Waxaa sababaha ka mid ah qofka suuqa xorta ah ka shaqaysta oo ku qasban in uu joogto u dhiso xirfaddiisa iyo aqoontiisa shaqo si aan loogaga adkaan loollanka adag ee suuqa shaqooyinka madaxbannaan, halka qofka shaqada rasmiga ah hayaa aanu ku dadaali aqoon korodhsi, marka laga reebo tababarrada kooban ee shaqada qasab kaga dhigayso. Arrintan ayaa sababtay sida ay sahamintu xustay in dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay boqolkiiba 61 leeyihiin xirfado laba ama saddex ah oo ay ku xoogsadaan.

Sahamintan oo soo baxday 2019 kii korodhka tirada shaqaalaha sida madaxabannaan u shaqaysta waxa ay tusaale u soo qaadatay dalka Maraykanka oo ay iftiimisay in 57 milyan oo Maraykan ahi ay iskood si madaxbannaan u shaqaystaan. Tiradaas ayaa la saadaalinayo in ay sannadka 2027 ka gaadho in kala badh dadka Maraykanka ah ee shaqaalaha ahi ay iskood si madaxbannaan u shaqaysan doonaan (Freelance).

Dhinaca kalana dakhliga dalka ka soo gala dadka sida madaxbannaan u shaqaysta ayaa ay warbixintu ku sheegtay Hal Tirilyan oo doolar sannadkii, taas oo boqolkiiba 5 ka noqonaysa waxsoosaarka gudaha (GDP) ee dalka Maraykanka. Marka ay sidaas tahayna waxa ay ka dhaqaale badatay suuqyo Maraykanka ah oo muhiim ah, sida suuqa dhismaha iyo gaadiidka, waxa aanay in yar ka hoosaysaa suuqa xogta (Information).

Waxaa xiise leh in boqolkiiba 51 dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay sheegeen in aanay marnaba diyaar u ahayn in ay qabtaan shaqo rasmi, si kasta oo mushaharka iyo dheefta kale ee loo ballanqaadaa u badan tahay. Sababta ugu badanina waa iyaga oo shaqadan madaxabannaan u arka in ay tahay mid nolosha qofka hadba sida ku habboon ula jaanqaadi karaysa, qofka oo wadi kara isaga oo danihiisa wata, iyo in meel kasta oo uu tago uu shaqadiisa ka sii wadan karo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *