Nolol Wanaag

Hadmaad ogaataa inaad maskaxda ka qaangaadhay??!

Markay ku xiiso galin waayaan waxyaabo aad horey ugu riyaaqi jirtay Marka deganaanshaha naftaada iyo calool samidaadu kuu noqdaan labada shay ee aad ku faro- adaygto Markaad naftaada siin kartid wehel oo inaad adigu isbarato aad ka hormariso waxkasta Markaad miisaanto hadalka afkaaga kasoo baxaya inta aanuu kasoo bixin ka hor Markaad adiga oo saxsan aamusto si aanad awood ugu …

Read More »

Caalim Caan Ku Ah Cilmi-Nafsiga Oo Soo Saaray Talooyin Qofka Ku Dhaqma Noloshiisa Wax Badan Ka Beddelaya!

Mikhail Litvak waa caalami ku xeeldheer cilminafsiga oo qoray 30 buug oo ka warramaya noocyada kala duwan ee cilminafsiga, gaar ahaan qaybaha taabanaya nolosha maskaxeed ee aadamaha iyo habdhaqankiisa. Buugtaas oo isku darkooda laga daabacay in ka badan 5 Milyan oo nuskhadood, waxaa u dheer maqaallo qoraallo cilmiyeedyo uu kaga waramay aqoonta la xidhiidha dabiibka nafsiga ah iyo cilmi nafsiga. …

Read More »

8 Astaan Oo Ay Wadaagaan Dadka Caqliga Badan!

dadka maskaxda badan

Horay ma u ogeyd in habdhaqankaagu yahay natiijo ka dhalatay laba qodob? Wax dhiigga kuu soo maray oo aad labadaada waalid ka dhaxashay (hiddosideyaal) iyo wax kaaga yimid degaanka (environment) aad ku nooshahay. Sidaa waxaa qabta culumada cilmiga aadanaha (anthropology). Sidaas oo kale, garaadkaaguna wuxuu ka samaysmaa labadaas qodob. Daraasad ayaa waxay tilmaantay in qofku 55% caqligiisa uu ka dhaxlay waaridkiis. Waxaa …

Read More »

7 Caado Oo Ay Ka Simanyihiin Dadka Guulaysta

dadka guulaysta, guul. guusha

Waxaa la yidhaahdaa ma go’aamisid mustaqbalkaaga, waxa aad go’aamisaa caadooyinka aad samaysanayso, caadooyinkaaguna waxay go’aamiyaan mustaqbalkaaga sida uu u ekaanayo!. Daraasaadku waxa ay tilmaamayaan 95% qofka bini-aadamka ah waxa uu sameeyo inay tahay caadooyin soo noqnoqday, inta badan waa fikrado, dareemo iyo hab-dhaqanno qofka uu samaynayo. Guusha iyo horumarka ma ahan wax habeen iyo maalin lagu gaaro, guusha waa tillaabooyin …

Read More »

Sida Guul Looga Gaadho Wada-Xaajoodka Iyo Gorgortanka

Haddii macmacaamilka uu qofku sameeyo noloshiisa oo dhan laba loo qaybiyo, qayb ahaan ayaa noqon karta wada-xaajoodka iyo gorgortan. Laga bilaabo wax iibsiga ama iibinta iyo iska cadaadinta sicirka, ilaa marka uu ilmuhu doonayo in uu waalidkii ku qanciyo in loo iibiyo wax uu xiisaynayo. Shaqada oo ay ugu yartahay in aad ku gorgortanto in mushahar laguu kordhiyo, iyo xitaa …

Read More »

Dhaqannada Aan Ku Wacnayn Maqaaxiyaha Iyo Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan

Hargeysa (Geeska)- Maqaaxiyaha iyo goobaha cuntada fudud ee dhalinyaradu isugu timaaddaa waa goobta saddexaad ee waqtiga ugu badan lagu qaato, marka laga yimaaddo shaqada iyo guriga, waana goobta uu qofku ka helo isdhexgalka bulsho iyo xidhiidhada ugu habboon ee uu sameeyo. Maqaal ay dhowaan faafisay majaladda Readers Digest oo ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa qoraaga Isabel Tavares ay kaga …

Read More »

Deymada Indhaha Iyo Faaidooyinka Ay U Leedahay Xidhiidhka!!

Haddaad moodayso in xidhiidhka wanaagsani u dhalasho yahay, waad qaldan tahay. Waa xeelad iyo xirfad la barto, qof kastaana awood u leeyahay in uu ku tababarto. Hababka xidhiidhka tayeyntiisa iyo adkayntiisa qaybta libaax ka qaatana waxaa ka mid ah deymada indhaha, oo awooddeeda iyo muhiimaddeedu ku xidhanyihiin awoodda uu qofku u leeyahay ka faa’iidaysiga deymadaas, oo ay ka mid tahay …

Read More »

6 HAB OO KAA CAAWIN KARA IN AAD MAALMAHA FASAXAAGA KA FAA’IIDAYSATO

Aalaaba ayaamaha fasaxu waxa ay dhammaadaan innaga oo aan uga faa’iidaysan sidii ugu habboonayd, ama uba aragna maalmo macna daran, oo xiise u qabna in aynu shaqadii dhaqso dib ugu noqonno. Haddaba siyaaba ugu fiican ee uu qofku uga faa’iidaysan karo maalmihiisa fasaxu waxa ay u baahan tahay qorshayn fiican iyo in uu marka hore si deggen uga sii fikiro. …

Read More »

Muhiimadda Ay Leedahay Raali Galinta

Raali galin,

Umadda Soomaliyeed sida ay u badan yihiin raali galinta ma siiyaan xaqeeda oo way ku xad gudbaan, in ka mid ahi maba taqaan haba yaraatee raali–galinta iyo qiimaheeda taasina waa ta keentay in qoysas badani  ku burburaan waxaanay sakaaro ka biiqsan, beelona iskugu rogmadaan oo colaado dhex dhigta. Waa tiir ka mida tiirarka nolosha oo ay tahey in si fiican …

Read More »

Hababka Ugu Habboon Ee Uu Qofku Isaga Oo Gurigiisa Jooga Lacag Ku Shaqaysan Karo

Nolosha Casriga ah ee adduunyadan aynu ku noolnahay waa ay abuurtay duruufo nololeed oo mar kasta aanay is daboolayn dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka uu u baahan yahay in uu isticmaalo. Dadka badankooduna waxa ay ku jiraan kifaax iyo halgan ay ku raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen ilo dakhli oo ku sii kordha kuwa ay hadba haystaan. Maqaal …

Read More »

7 Xaqiiqo oo Qaraar oo Markii aad Ogaato Nolosha Kuu Iftiimin Doona

Haddii aad baadigoob ugu jirtay talooyin dabacsan oo nolosha ku saabsan, kuwani saas ma aha. Talooyinkaan 7-da ah ee qaraar waxaa laga yaabaa in maqalkooda ay dhegtu u bogi wayso, balse waxaa la hubaa in ay kugu caawin doonaan habeynta noloshaada.     1) Qof ay shaqadiisu tahay in uu adiga ku toosiyo ma jirto, naftaada adigu toosi Ma waxaa …

Read More »

5 Arrimood Oo Dadka Guulaysta Ay Sameeyaan Maalin Kasta!!

Cilmi baadhe Mareykan ah oo lagu magacaabo Tom Corley ayaa muddo sannado ah baadhitaanno ku samaynayay waxyaabaha muhiimka ah ee ay ku kala duwan yihiin shakhsiyaadka dadka maalqabeenka ah iyo dadka kale, baadhis dhinacyo badan ah. Meelaha ay sida gaarka ah hoosta uga xariiqday waxaa ka mid ah caadooyinka maalin laha ah iyo ka faaidaysiga waqtiga oo labaduba si miro …

Read More »

Caqabadaha kaa Hortaagan inaad Horumar Sameyso?

Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso: 1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle: Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa “U kaalaya Guusha” haddii aadan ka jawaabin isla …

Read More »

Dadka Qaar Mabaadii’dooda Iyo Mowqifkoodu Waxa Ay Isla Beddelaan Dantooda Shakhsiga Ah!

Nin doonayey in uu tijaabiyo cadaaladda garsoorka deegaankiisa ayaa Ey dhintay ku dhex aasay xabaalihii dadka. Dadkii oo aad uga xun arrintan ayaa dacwad u gudbiyey garsoorihii maxkamadda oo isna u yeedhay ninkii. Garsooraha qudhiisa oo ka cadhaysan ayaa ninkii weydiiyey in uu qabo eeddan, isna kama uu qarin ee waa uu qirtay. Markii sababta la weydiiyeyna waxa uu sheegay …

Read More »