Shaqada 8 Saacadood Maalintii, 5 Maalmood Toddobaadkii Waxa Ay Qofka…..

Shaqada ah siddeeda saacadood, shan maalmood toddobaadkii waxa ay qofka ka xidhxidhaa fursad kasta oo uu naftiisa si madax bannaan ugu horumarin karo, ama uu yeelan karo waxsoosaar kale oo shaqada ka baxsan.

Arrintan ayaa la aaminsan yahay in tahay, sababta muddooyinkan dambe ay dadyowga adduunku si aad ah uga tagaan shaqooyinka, iyaga oo raadsanaya shaqooyin madaxbannaan.

Haddaba, shirkado arrintaas xal u raadinaya ayaa bilaabay in ay shaqaalahooda ay siiyaan xorriyad dheeraad ah oo shaqo. Waxa ay kula xisaabtamaan waxsoosaar la isla ogolyahay, waxa aanay meesha ka saareen in shaqaalaha lagula xisaabtamo saacadaha shaqada, ama in ay goobta shaqada soo xaadiraan.

Shirkadaha qaar ayaa maalmaha shaqada ee toddobaadkii ku soo koobay afar maalmood, halka kuwo kalana ay shaqaalaha xorriyad u siiyeen in ay ku shaqeeyaan guryahooda iyo meelaha kale ee ay doonaan.

Arrinta yaabka leh ayaa ah, shaqaalaha xorriyadda u haysta goobta ay ka shaqaynayaan, ama maalmaha shaqada laga yareeyey in ay ka waxsoosaar badan yihiin kuwa toddobaadka shan ama lix maalmood shaqeeya ama ku qasban in ay goobta shaqada xaadiraan. Tusaale ahaan shirkadda ‘Microsoft Japan’ ayaa waxsoosaarka shaqaalaheedu uu boqolkiiba 40 kor u kacay, kaddib markii ay dhaqangelisay nidaam ah in shaqaaluhu toddobaadkii afar maalmood shaqeeyo.

Waxa kale oo la ogaaday nidaamka yaraynta maalmaha shaqada, ama xorriyad u siinta goobta shaqadu in uu kor u qaado niyadda shaqaalaha iyo jacaylka ay shaqada u qabaan.

Waxaa iyaguna jira shirkado qofka shaqaalaha ka raba in uu xafiiska yimaaddo toddobaadkii saddex maalmood oo keliya, laakiin maalmaha kale ee toddobaadka uu soo qabto wixii waajibaad ah ee u yaalla isaga oo jooga halka uu doono, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa labadaba. Habkan waxaa dhawaanahan aad u dhaqangeliyey shirkado badan oo dalka Maraykanka ah.

Adiga maxay kula tahay?

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *