Akhriska Iyo Dhegeysiga Waa Iyama..?

Kacaanka Teknoolajiyadda ee dunida maanta ka tisqaaday iyo waqtiga cidhiidhiga noqday, waxa uu laba u qaybiyey jamaahiirta wax akhriska jecel;

1. qayb doorbidda in kitaabka ay cod ahaan ku dhegeystaan. Waa sababta keentay kitaab kasta oo soo baxa in laga dhigo qoraal iyo cod, si qof kastaa uu u iibsado midka uu xiisaynayo.

2. iyo dad ku adag in kitaabka qoraalka ah ay akhriyaan.

Sida aynu qormadii hore ku soo sheegnay horumarka Teknoolajiyaddu waxa uu isbeddel weyn ku keenay guud ahaanba nolosha aadamaha. Qoraalka iyo akhriskuna waxa ay ka mid yihiin meelaha isbeddelkaasi raadka muuqda ku yeeshay. Haddii shalay kitaabka akhris keliya lagaga bogan jiray, maanta in dhegeysigu fududyahay doodi kama taagna, balse keliya waxaa la is weydiinayaa, akhris iyo dhegeysi midkee uu buuggu waxtar iyo ka faa’idaysi badanyahay?!!

Si guud waxa aynu odhan karnaa, kala doorashada labadan hab waxa ay ku xidhantahay xiisaha iyo doorbidista qofka. Waxaa iyaguna kala duwi kara, Nooca kitaabka la akhriyayo ama la dhegeysanayo. Tusaale ahaan, haddii uu yahay akhriska buugta maadayska iyo sheekooyinka ah dhegeysiga ayaa fiican, waa se ay ka duwantahay marka uu kitaab cilmiya yahay. Sida oo kale marka uu yahay mawduuc u baahan lafagur, wax ka barasho iyo faham xeeldheer, waxa ay ku fiicantahay in u noqdo kitaab daabacan.

Waxaa iyaguna jira xaalado aanay kala doorashadu furnayn oo qofku ku qasbanyahay akhriska ama dhegeysiga midkood. Waxaa ka mid ah marka uu yahay qof naafo ka ah aragga ama maqalka, dadka aan akhris-qoraalka aqoon ama ku fiicnayn oo dhegeysigu u fududaynayo in ay ka faa’idaystaan kitaabka, iyo dadka dhibaatada akhriska qaba (Waa xaalad abuur ah oo aan dawo lahayn oo dadka qaar lagu arko, taas oo ah in qofku aanu ku fiicnayn akhriska, sidaas awgeed waxa ay ku adkaynaysaa fahamkii kitaabka.)

Si kastaba ha ahaato ee waxa aan hoos idinkula wadaagayaa qaar ka mid ah waxyaabaha uu mid kastaa ku fiicanyahay iyo waxa uu ka kale kaga liito.

B. DHEGEYSIGA

DHINACA TOGAN

1. Waxa uu caawiyaa Maaraynta iyo ka faa’idaysiga waqtiga, maadaama qofku uu dhegeysiga hawlo kale ku dhex wadan karo, sida socodka, jimicsiga, iwm.

2. Waxa uu kobciyaa ‘Dhegeysiga Naqdiga ah’ (Critical Listening). Kaas oo ah in maskaxdu ay dhadhansato, gorfayso, lafagurto, su’aalo iska weydiiso, qiimayso isla markaana go’aan ka gaadho saxnaanshiyaha ama qaladka mabaadii’da, aragtiyaha iyo guud ahaan xogta ay maqlayso.

Dhegeysgia naqdiga ahi waxa uu calaamad u yahay sarraynta wacyiga iyo aqoonta qofka.

3. Dhegeysigu sidiisaba waxa uu kor u qaadaa dhugmada iyo baraarugsanaanta maskaxda, qaybteeda fahamka. Maadaama oo qofku uu ka cabsi qabo in waxa dhaafa aanu ku ceshan karin, ama dhib ay tahay ku celinteedu waxa ay maskaxdu isu diyaarisaa in aanay waxba dhaafin, xitaa haddii xubnaha iyo qaybo maskaxda ka mid ahi wax kale ku mashquulsanyihiin.

4. Dhegeysigu waxa uu abuuraa xiise akhris, isaga oo dhiirrigeliyaa akhriska. Daraasad uu sameeyey ururka ‘National Literacy Trust’ ee dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dadka kutubta aad u dhegeystaa ay yihiin kuwa ugu badan ee kutubta qudhoodana iibsada.

5. Dhegeysigu waxa uu saxaa ku dhawaaqista ereyada, akhriska saxan ee la ilaalinayo xeerarka qoraalka sida hakadka, joogsiga, iyo hannaanka isku xidhka hadallada iyo sheekada. Arrimahaasi waxa ay muhiim u yihiin barashada afka. Sida oo kale waxa uu dhegeysigu kor u qaadaa fahamka luuqadda

6. Nafsad ahaan qofku dhegeysiga waxa uu ugu raaxaystaa si ka badan akhriska, sababtuna waa dadaalka iyo hawsha gelaya dhegeysiga oo ka yar dadaalka naftu ku bixinayso akhriska.

7. Dhegeysigu waa uu ka saamayn badan yahay akhriska, gaar ahaan marka ay tahay qisaska iyo taariikhaha xiisaha leh, qofku waxa uu dareemaa xaalad uu la noolyahay, si ka badan inta uu akhriska ku dareemo.

DHINACA TABAN:

1. Waxa uu fursad siiyaa maahsanaanta iyo in maskaxdu ay marar badan baxdo, taasina waxa ay caqabad ku noqotaa ka bogashada kitaabka, iyo xitaa in si fiican loo dhammaystirto.

2. Codka akhriyaya kitaabku haddii aanu ahayn mid lab oo soo jiidanaya Dhegaha qofka, waxaa ka dhasha caajis iyo in xiisaha kitaabka iyo guud ahaan dhegeysiguba hoos u dhaco.

3. Waxaa qasab ah in aad haysato qalab / aalad teknoolajiyadeed oo kuu suurtagelinaysa in aad ku dhegeysato, sida Talefan casri ah, Taablet (Tablet) ama kombiyuutar, iyo kaabayaasha ay ka mid yihiin sameecado iyo internet.

4. Waxaa dhib ah in xogta ku dhaafta aad dib ugu noqoto, marar badanna waxaa dhacdaba in xogta aad ku noqotay ay haddana mar kale ku dhaafto, sidaas awgeed aad marar badan ku noqnoqoto oo ay waqti kaa lumiso, ama ka caajisto oo ay kaa maqnaato.

B. AKHRISKA

DHINACA TOGAN

1. Xusuusta maskaxda aadamuhu waxa ay waqti ku qaadato ayaa ay kaga fiicantahay waxa degdegga u dhaafa.

Sidaas awgeed, waxa ay akhrido ayaa ay ka xasuusan ogtahay waxa ay dhegeysato, maadaama oo ay akhriska ku hakanayso waqti ka badan inta codka ay dhegeysanaysaa uu ku dhaafayo.

2. Akhrisku waxa uu qofka ka mashquulinayaa hawlaha kale ee uu qaban lahaa iyo waxyaabaha hareerihiisa ka dhacaya, sidaas awgeed maskaxda oo dhammi waxa ay u jeesanaysaa buugga, taas oo fududaynaysa in ay fahamto iyo in ay marka dambe xasuusato wixii ay akhriday.

3. Waxyaabaha u baahan rogrogista iyo maskax shiilista, waxa uu maskaxda ka rabaa in ay waqti ku hakato, sidaas awgeed mawduucyada cilmi ah sida saynis, taariikh, teknoolajiyad, iwm. iyo waxyaabaha la xidhiidha waxbarasho, takhasus, shaqo iyo manhajka waxbarashadu, waxa ay ku fiican yihiin in la akhriyo. Halka waxyaabaha la xidhiidha dhiirigelinta, sheekooyinka, maadayska iwm. ay isku mid yihiin akhriska iyo dhegeysigu, ama mararka qaarkood dhegeysigu ku sii raaxaysi badan yahay.

4. Akhrisku waxa uu maskaxda ka xakameeyaa bixitaanka iyo maahsanaanta, sidaas awgeed waxa uu kordhiyaa dhugmada, fiirfiirsiga iyo la falgalka xogta iyo culuumta la akhriyayo.

5. Akhrisku waxa uu kor u qaadaa xasiloonida, iyo guud ahaan caafimaadka nafsiga ah.

6. Akhrisku waxa uu firfircooni geliyaa, isla markaana kobciyaa shaqada maskaxda qaybteeda qaabilsan aragga. (Lagama hadlay awoodda aragga oo dabcan akhriska badani hoos u dhigi karo)

7. Dhammaysashada kitaabku akhriska ayaa ay ka dhaqso badantahay dhegeysiga, maadaama oo waqtiga la akhriyayaa uu yahay mid loo gaar yeelayo oo wax badani aanay soo dhexgelayn, halka dhegeysiga ay waxyaabo badani hakad gelinayaa.

Dhinaca kalana, qofku celcelis ahaan waxa uu daqiiqaddii akhriyi karaa 250 illaa 300 oo erey. Xawaaraha hadalka ama ku dhawaaqista ereyada ee qofka dhegeysanayaa si fiican u dhuuxi karo, ama faham buuxa ka qaadan karaana celcelis ahaan waa marka qofka hadlaya/ wax akhriyayaa uu halkii daqiiqo ku dhawaaqayo 150 illaa 160 erey. Taas macnaheedu waa in kitaabka oo aad akhridaa ay ka xawaare badan tahay kitaabka oo aad dhegeysato.

DHINACA TABAN

1. Waxa uu kaaga baahanayaa in aad waqti gaar ah u goyso, sidaas awgeed shaqooyin ka kale marar badan buu caqabad ku noqdaa.

2. Si fahamku u sii xeeldheeraado, waxa uu marar badan u baahan yahay in aad u hesho duruufo iyo deegaan ku habboon in aad wax akhrido. Maadaama oo helitaankeeda ama diyaarinteedu waqti qaadan karto, waxa uu caqabad ku noqonayaa akhriska badan.

3. Qarada kitaabku waxa ay sababi kartaa in marar badan aan gacanta lagu haysan ama aanu kaa agdhowaan, halka dhegeysigu mar kasta kula socon karo.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *