Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla markaana ugu xawaaraha badan. Laakiin cod dheer oo wax lagu akhriyaana waxa ay leedahay faa’idooyin ay ka mid yihiin carruurta oo ah dhinaca waxbarashada iyo xasuusta, iyo nafsad ahaan oo ay ku beerto furfurnaanshiyo bulsho. Halka ay dadka waaweyn u leedahay faa’idooyin ah xoojinta awoodda xasuusta, fahamka iyo dhugmada, iyo nafsadda oo ay ku abuurto nafis iyo xiise. Tijaabooyin la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in kor u akhrisku uu xitaa u fiicanyahay xoojinta xusuusta dadka qaba xanuunka asaasaqa Alzheimer’s oo bilow ah.

Faa’idoooyinka kale ee kor u akhrisku uu leeyahay waxaa ka mid ah in uu yahay Shaybaadh goor hore lagu ogaan karo in qofka uu ku soo socdo xanuunka xusuusta dila ee Alzheimer’s ama uu isaga oo bilow ah uu hayo. dadka xaaladdan ku jira ayaa la arkay in qaladaad badan ay ku sameeyaan waxa ay cod dheer ku akhriyayaan.

Inkasta oo xasuusashada waxa la akhriyaa ay ka badan tahay xasuusashada waxa la maqlo, haddana daraasaddu waxa ay iftiimisay in dhegeysiga qudhiisuna uu leeyahay

faa’idooyin ay ka mid tahay xoojinta awoodda dhugmo iyo faham ee maskaxda iyo dhadhaminta iyo lafagurka xogta ay maqashaa si ka badan xogta ay akhrido.

-Kamaal Marjaan

BBC Future / Nature

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *