In Qofku Uu Laba Luuqadood Ku Hadlo Waxay Maskaxda U Leedahay Faa’iidooyinkan!

In qofku uu laba af ku hadlaa waxa ay xoojisaa awoodda maskaxdiisa ee u fiirsiga, dhugmada iyo xallinta dhibaatooyinka. Marka shaqada fulineed ee maskaxdu hoos u dhacdana waxa ay ka caabbidaa Xanuunnada xusuusta iyo unugyada maskaxda dila ee ‘Dementia’ iyo ‘Alzheimer’s’

Ellen Bialystok oo ka tirsan jaamacadda York Toronto, dalka Kanada, ayaa iyaduna isbarbardhig ku samaysay isbedellada shaqada maskaxda dadka afka keliya ku hadla iyo kuwa laba af iyo ka badan yaqaannaa marka ay gaboobaan. Natiijada ay gaadhayna waxa ay noqotay, “In marka xanuunka xusuusta dila ee Alzheimer’s uu ku bilawdo bukaanka, haddii uu Laba-luuqadle yahay, fiditaanka xanuunkaas iyo khatartiisuba in ay dib u dhacaan ama gaabis noqdaan muddo afar illaa shan sano ah, marka la barbardhigo dhiggooda afka keliya yaqaan ee uu xanuunku helo”

Macnuhu waa, marka uu xanuunku maskaxda qaybo ka mid ah ku bilaabo dhaawaca, in maskaxda dadka labada luuqadood yaqaannaa ay awood u leedahay in ay kabto / magdhowdo burburkaas, si ka badan dadka afka keliya yaqaanna. Sababtuna waa qofka laba-luuqadoodlaha ah oo marka hore ay maskaxdiisa qaybta xudunta u ah unugyada iyo shabakadaha neerfeed ee ‘Grey matter’ ka loo yaqaanno iyo marinnada dareen-sideyaashu ku badanyihiin, marka la barbardhigo qofka hal af yaqaanna.

“Qaybta hore ee maskaxda qofka Laba luuqadlaha ahi waxa ay qabataa shaqo ka badan midda ay qabato qofka luuqadda keliya ku hadla, sidaas awgeed awoodda shaqo ee qaybtaasi waa ay kobocdaa, waana ay ka fiicantahay sida qofka caadiga ah. Taasina waxa ay siisaa awood ay ku buuxin karto kaalinta shaqo ee maskaxda qaybaheeda dhexe banneeyaan, marka uu dhaawacu gaadho”

Ellen Bialystok oo ku xeeldheer cilminafsiga afafka (Psycholinguist) ayaa sidaas u sharraxday, laakiin waxa ay intaas ku dartay, laba-luuqadlanimada laga hadlayaa in ay tahay, in qofku uu labada af si caadi ah u isticmaalo ama ugu shaqeeyo joogto, mark kasta oo isku dhex wadkoodu ku sii batana ay faa’iidadu sii kordhayso.

Laba luuqadlanimadu waxa kale oo ay maskaxda ka yarayn kartaa dhaawaca Faaligga, daraasad lagu sameeyey xaaladda maskaxeed iyo aqoonta afafka ee 600 oo qof oo dalka Hindiya ka badbaaday faalig, waxaa lagu ogaaday in bukaanka laba-luuqadoodlayaasha ahaa ay dhinaca soo kabashada garashada laba-jibbaar ka xawaare dheeraynayeen soo kabashada dadka afka keliya yaqaannay.

Waxaa intaas dheer in isku dhex wadka isticmaalka labada af ay tahay nidaam ay maskaxdu ku hesho jimicsi shaqo, waxa aanay khubaradu caddeeyeen in jimicsiga jidhku u baahan yahay mid la mid ay maskaxdu u baahantahay, si shaqadeeda iyo caafimaadkeeduba u xoogaystaan.

***

Qormadan waxa aan ka soo ururiyey warbixin sannadkii 2016 kii lagu daabacay majaladda caanka ah ee Mosaic oo arrimaha sayniska ka faalloota, waxaana dib u daabacay BBC qaybteeda caafimaadka.

Akhriso: 7 Hab oo aad Luuqada English Ka Ku Baran karto

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *