Caadooyin Xirfad Darro Oo Ay Dadku Kugu Nici Karaan, Keeni Karana In Shaqada Lagaa Eryo

Maadaama oo xidhiidhka bulshadu uu muhiim u yahay gudashada dhammaan waajibaadka shaqo ee qofka saaran, waxaa qasab noqonaysa in aynu wax iska weydiinno caadooyinka iyo habdhaqannada laga yaabo in dadka aynu la macaamilaynaa dhibsadaan ama sababa in ay qalad ka fahmaan shakhsiyaddeenna.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah caadooyin ay qortay shabakadda caanka ah ee Business Insider oo ay qoraaga Rachel Gillette ku soo bandhigayso caadooyinka aan mihnadda iyo xafiiska ku fiicnayn ee dadka kugu xeerani dhibsan karaan.

Habsan Shaqada:

In qofku caadaysto shaqada oo uu goor dambe yimaaddaa waxa ay ka mid tahay habdhaqannada calaamadda u ah xirfad darrada qofka, si isku mid ahna ay u necebyihiin masuuliyiinta qofka shaqada uga sarraysa iyo shaqaalaha uu maamulayaa.

Ka dib-dhaca waqtiyada shirarka:

Qoraaga Vicky Oliver ayaa buuggeeda caanka ah ee ‘301 Smart Answers to Tough Business Etiquette Questions’ ku sheegaysa in qofka oo shirarka yimaadda waqti ka dambeeya ballantu, ay calaamad u tahay in aanu xushmaynayn dadka shirka ka qaybgelaya ee iyagu ilaaliyey ballanta, iyo sida oo kale dadka shirka soo qaban-qaabiyey.

Is bukaysiinta:

In qofku mar kasta isu muujiyo bukaan iyo in xaaladdiisa caafimaad aanay fiicnayn, waxa ay ugu dambaynta sababtaa in qofka loo arko in aanu muddo dheer shaqada ku sii jiri karin, waxa aanay caqabad ku noqotaa in qofku uu helo dallacsiin iyo abaalmarinaha kale ee shaqaaluhu mutaystaan.

Cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka:

Sunnaha Islaamka ayaa diiday in qofku marka uu toon ama basal cuno tago jamaca salaadda oo dabcan ay meelaha kale ee dadku isugu imanayaanna la mid yihiin. Waxaa la ogaaday in qofka neeftiisa ama dhididkiisa oo ur aan fiicnayn lihi ay sababto nicis iyo in aanay dadku jeclaysan la kulankiisa iyo la shaqayntiisa labadaba. Ku dadaal in aanad cunin cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka. Ha tegin goobta shaqada illaa aad hubiso in urta neeftaada iyo dhididkaagu aanay diidmo ku abuurayn dadka kugu xeeran.

Hab-dhaqan taban:

Sahamin cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda ‘Career Builder’ ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 62 ka mid ah shaqaalaha goobta shaqada wada joogaa aanay jeclayn in la dallacsiiyo ama abaalmarinno la siiyo shaqaalaha niyadda xun, dhinaca xun wax ka eega, ama inta badan qaata go’aannada taban.

Su’aal badnaan:

Su’aaluhu waxa ay muhiim u yihiin in qofku uu fahmo hawsha u taallo iyo midhaha laga rabo in shaqadiisu soo saarto. Laakiin waxaa jira dad caado ka dhigta in marka cidda ka sarraysaa ay waajibaad shaqo siiso, ay su’aalo badan ka weydiiyaan shaqada.

In su’aalo kadeedis uun ah qofka kaa sarreeya aad weydiisaa waa calaamad muujinaysa in aanad doonayn ama xiisaynayn in aad qabato shaqada cusub ee laguu diray. Iska jir su’aalaha tirada badan ee shaqada ka hor aad warsanayso, ku dadaal in aad shaqada bilowdo kaddibna su’aalaha qaar iyagu iska jawaabaan, ama waayo-aragnimada aad heshaa ay xaliso caqabadaha qaar, wixii ka maaranwaa ahna su’aalahooda u mar nidaam anshaxa maamul iyo shaqo dhowraya.

Nidaamka iyo nadaafad xumada goobta shaqada:

Boqolkiiba 36 dadka madaxda ka ah goobaha shaqada waxaa dhibaato iyo cadho joogto ah ku haya shaqaalaha goobtooda shaqo ay ka muuqato nidaamdarrada iyo nadaafad xumadu, waxa aanay marar badan ku kalliftaa in ay shaqaalahaas sababtaas oo keliya u eryaan ama ugu yaraan uga hor istaagaan dallacsiinta iyo abaalmarinaha shaqaalaha la siiyo.

Jooge maqan:

Qofka shaqaalaha ah waxaa ceeb ku ah in waqtiyada shirarka ay maskaxdiisu maahsanaato ama meel kale ka fikirto. Waxaa dhibaato ah in uu ku mashquulo taleefankiisa gacanta, sida in uu farriimo ka diro ama internet ka galo. Waxa ay abuurtaa dareen taban oo laga qaato daacadnimadiisa shaqo.

Waa ixtiraam darro aad u muujinayso maamulka, shaqaalaha iyo guud ahaan dadka shirka kuugula jira.

Warka ha ka dhexgelin dadka:

Qof kastaa waxa uu jecelyahay in uu hadalkiisa dhammaysto si uu ugu qanco in dadka uu la hadlayaa ay fahmaan ujeedadiisa. Haddii hadalka laga dhexgalana waxa uu qaataa dareen ah in aan la ixtiraamin aragtidiisa iyo in aan la fahmin waxa uu u jeedo.

Waayahaaga gaarka ah laabtaada ku hayso

Noloshu waa dhibaato u joog, waagii baryaba caqabadihiisa iyo waayihii gaarka ah ayaa ku lammaan, nolosha oo dhamina waa sidaas oo kale, laakiin sida ugu fiicani waa in geesinimo lagu waajaho. Dhibta adiga ku haysata dadkana dhib ha uga dhigin. In aad mushkiladahaaga gaarka ah dadka joogto ugala sheekaysato, sida dhibaatooyinka qoys ee laga yaabo in ay ku haystaan, waa arrin aanay dadku soo dhoweynayn. Sida oo kalana laga qaadanayo sawir ah in aanad marnaba sidii la rabay u shaynayn, oo fikirka iyo walaaca dhibtaasi kugu haysaa u ugu yaraan shaqada tayadeeda dhimayo.

Siyaasadda iyo shaqada

Siyaasaddu waxa ay ka mid tahay arrimaha ka sheekayntoodu dadka xiisaha gaarka ah u samayso, waa mawduuc ka sheekayntiisu aanay cilmi sii ridan u baahnayn oo qof kastaa in uu ereygiisa ku darsadaa ay fududahay, taas oo inta badan ka dhigta macno darro iyo sheeko aan gun laga gaadhin. Dhibta ugu badan ee ay sheekada siyaasaddu leedahay waa in ay waqti dheer lumiso. Waxa ay khasaare ka dhigtaa waqti aad shaqo fiican oo dheeraad ah qabsan kari lahayd, iyo waqti aad saaxiibbo iyo gacal iyo sokeeye kula qaadan lahayd sheekooyin kalgacalka iyo isu soo dhowaanshiyaha sii kordhiya. Xitaa waxa ay xumaysaa xidhiidhka adiga iyo madaxdaada ama adiga iyo dadka aad wada shaqaynaysaan, waayo waxaa qasab ah in aad siyaasadda ku kala aragti duwanaanaysaan, dooddeeduna idin kala kaxaynayso.

Doodaha iyo sheekada siyaasaddu shaqaalaha waxa ay ka jeedisaa shaqada, waxa ay maahsanaan gelisaa maskaxda, waxa aanay la dagaalantaa dhugmada iyo dareenka feejigan ee qofka. Waana sabab macquul ah oo keenaysa in maamulaha shaqada iyo loo shaqeeyuhu aanu jeclaysan in shaqaalihiisu ay sheekooyin iyo doodo siyaasi ah ku mashquulaan.

Naftaada ku fooganoow

Qof kastaa iin ayaa uu leeyahay, ceebi cidna kama maqna, waxaana dadka ugu Sharaf badan ruuxa asturidda iyo u fiirsiga ceebtiisa kaga mashquula sheeg-sheegga ceebaha dadka kale. Dadka qaar ayaa ay dhaqan ka tahay in shaqaalaha goobta shaqada ay mar kasta faalleeyaan, muuqaalkooda, labbiskooda iwm. Taasina waxa ay abuurtaa kala fogaanshiyo iyo in qofka oo ogaaday ama dadka kalaba ay kuu arkaan ruux aan shaqadiisa ku koobnayn.

Waxaa iyaduan hubaal ah in haddii qofka labbiskiisa iyo quruxdiisa aad la dhacdo oo aad ka sheekayso, ama siyaabo kala duwan u fallayso, ay kaa bixiso sawir qaldan oo ah in qofkan aad ka leedahay ujeedo kale, gaar ahaan marka qofku uu yahay jinsigaaga jinsi ka duwan; waxaa dhacdaba in jacayl iyo dareen gaar ah loo qaato.

Xidhiidhka taleefanka iyo buuqa

Goobta shaqadu waxa ay ku habboon tahay, xasilooni iyo deggenaanshiyo. Xafiis buuq, muran iyo doodo ka dhex socdaan macnaheedu waa in aanay shaqo jirin, ama in qofkii shaqayn lahaa aanu waajibaadkiisa gudan karin.

Waxaa iyaguna goobta shaqada dhibaato ku ah in aad caadaysato taleefanka ku hadalkiisa iyo xidhiidhka farriimaha taleefanka ama baraha bulshada. Waqtiga shaqadu waxa uu u baahan yahay xirfad yahannimo iyo in aad maskaxdaada ku jeediso waajibaadka kuu yaalla. Saacadaha firaaqada iyo maalmaha fasaxa ku qaado xidhiidhka bulshada iyo booqashada ehelka.

Qab iyo santaag:

Goobta shaqadu kama maaranto is dhexgalka shaqaalaha iyo wada shaqaynta wanaagsan kibirka iyo in qofku uu qab la santaagaa waxa keliya ee ay abuurtaa waa nacayb iyo kala fogaanshiyo, taas oo shaqada dhibaato ku ah. iska jir in aad shaqaalaha iska weynayso ama gaar isaga faquuqdo.

Afxumo:

Ereyga xumi nacayb iyo kala fogaanshiyo ayuu horseedaa, afxumadu waxa ay abuurtaa dagaal iyo rabshad. Waa xarif darro in qofka shaqaalaha ahi qofka ay is qabtaanba afxumo ugu jawaabaa waxa ay caqabad ku tahay habsami u socodka shaqada.

Goobta shaqada ha u beddelin meherad aad ku ganacsato:

Dad badan ayaa ay caado u tahay in ay goobta shaqada ka dhex wadaan ganacsi u gaar ah. Waxaa jira dad jumlad ku soo iibsada alaabooyin fudud oo ay shaqaaluhu u baahan yihiin, kaddibna tafaariif qay faa’iido u saarantahay dib ugaga iibiya shaqaalaha. Waa khiyaamo iyo shaqadii aad mushaharka ku qaadanaysay oo aad shaqo kale ku hoos wadato, waayo daqiiqad kasta oo saacadaha shaqada ka mid ah waxaa iska leh goobta shaqada oo kaa iibsatay.

Waxa ay carqalad ku tahay habsami u socodka shaqada, waxa aanay xumaysaa xidhiidhka dadka wada shaqeeya oo danaha shaqo ee dhex marayaa ay khatar ku yihiin in ay khilaaf iyo kala urursasho ku abuuraan.

Waxaa iyaduna la mid ah in qofku uu goobta shaqada ka dhex bilaabo qaadhaan ururin, iyo ol’oleyaal shakhsi ah ama arrimo shaqada ka baxsdan khuseeya, gaar ahaan inta saacadaha shaqada lagu jiro.

Caadooyin muujinaya sakatiga aad qabto:

Waxaa jira xarakaad iyo habdhaqanno calaamad u ah cabsi, walaac ama sakati uu qofku qabo, waxa aanay taasi kugu soo jeedinaysaa dareenka maamulka shaqada iyo shaqaalaha. Furayaasha oo aad lusho, qalinka oo aad ka sanqadhiso furkiisa, lugaha oo aad si joogto ah u lusho ama hadba mid ta kale weydaariso, taleefankaaga oo aad si joogto ah u eegto ama u baadho, xanjada oo aad calaashato, madaxa oo aad xoqato, iyo ciddiyaha oo aad cuntaa dhammaan waa calaamado muujinaya in xaalad sakati iyo walaac ah ku jirto, waxa aanay maamulaha shaqada iyo qof kasta oo dan shaqo idinka dhexeyso tusaysaa in aanad shaqada kuu taalla dareen u lahayn, ama qaban karin.

Munaasabadaha shirkadda:

Haddii aad tahay ruux khajilaad badan, ama aad tahay qof hawlo badan oo ay u taallo shaqo kale oo ay tahay in uu muhiimad siiyo, ama aad sabab uun u necebtahay ka qaybgalka casuumadaha ay saaxiibbada shaqadu kuu fidiyaan, ama aad xanuun ku marmarsooto, waxa ay dadka kugu xeeran u muujinaysaa in aad tahay ruux bulshada ka xidh-xidhan, ama qof ka kibirsan in uu bulshada farxadda la wadaago. Ku dadaal in aad ka qaybgasho munaasabadaha laguugu casuumo iyo gaar ahaan kuwa shaqaalaha dhexdooda ah.

Qallafsanaan iyo erey xumo:

Weligaa yaanay kaa suurtagelin in awooddaada aad uga faa’iidaysato ku xumaynta qof shaqaale ah. Ka dheeroow aflagaadada iyo in aad shaqaalaha erey xun ku tidhaahdo. Shaqaalaha aad maamusho dadka dhexdooda ha ku canaanan. Ogowna inta tilmaamta iyo hadalka dabacsani saxo, ma saxaan ciqaabta iyo canaantu.

Akhriso: Xirfadaha & Kartiyaha Kala Duwan Ee Ku Habboon Da’a Kasta Oo Ka Mid Ah Cimriga Dadka

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *