Ducada Ay Tahay In Uu Akhristo Qof Kasta Oo Hadafyo Leh

Cali Ibnu Abi Daalib RC ayaa waxa uu imaanayaa Nebiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu wuxuu ku oranayaa Rasuulkii Ilaahayow ii dardaaran, wax i bar, i tusaalee, i tilmaan.

Daawo ducada loo akhristo hadafyada:

Qofka dhalinyarada ah waxa uu leeyahay riyooyin aad u balaaran, aragtiyo tiro badan, tamar aad u fara badan ayaa ku jirta laakiin waxaa ku yar khibradda.

Rasuulkkeenna suuban waxa uu oranayaa waxaad ku ducaysataa “Allahummahdinii wasiddinii”, ilaahayow ii hanuunii sidoo kalena isug inta aan hadafyadayda ama yoolayashayda aan ka gaarayo.

Hannuunku aad ayuu u balaaran yahay, ilaahayow fikradda teeda saxan igu hag, ilahayoow go’aammada aan doonayo ii horyaal kuwa saxda ah i waafaji, ilaahow hadalka kiisa saxan igu hag, ilaahow ficillada kuwa wanaagsan igu hag, Ilaahow i hadee aad u macno ballaaran tahay. “Wasiddinii” waa in yoolkaaga iyo hadafyada aad doonay aad u dhabar adaygto, aad kaadsiimo u yeelato, aad fadhi iyo dulqaad aad u yeelato illaa aad ka gaadhayso in aad isku daydo in aad wixii gaadho Markale waa kii Nebigeennu CSW uu lahaa “saddiduu wa qaaribuu” Ku sugnaada wadadaa oo dhoweeyaa. Nebigeenna dardaraankaas ayuu siiyay waa dardaaran aad inoo wada anfacaya, dhalinyarada oo dhan aad u anfacaya, sidaas darteed waa inaad markasta ku ducaysato oo aad tiraahdo Allahummahdinii wasiddinii (ilaahow i hanuuni oo i hag, sidoo kalena i sug inta hadafkayga iyo yoolayashayda aan ka gaarayo).

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *