Haddii Aad Isku Aragto Astaamahan Ogoow Waxaad Tahay Qof Af-Gaaban (Introvert)

Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah astaamaha aad ku ogaan karto haddii leedahay dabciga af-gaabnida, ama qof noloshaada ku jira uu leeyahay dabcigaan.

Marka aad badan ku dhex jirto waxaa kaa dhamaada tamarta:

Ma dareentaa daal iyo burbur marka aad waqti la qaadato dad badan? Kadib marka aad dad la soo joogto maalintii, ma u baahataa inaad hesho meel xasiloon iyo waqti aad naftaada keliya la qaadato? Mid ka mid aastaamaha waa wayn ee lagu garto dadka leh dabciga af gaabnida waa inay tamartu ka dhamaato marka ay dad badan ku dhex jiraan, halka dadka leh dabciga furfurnaata iyo bulshaawinnimada (extroversion) ay tamartoodu badato marka ay ku dhex jiraan bulsho badan.

Tan macnaheedu ma ahan in dad leh dabciga af-gaabnidu ay gebi ahaan ka fogaadaan bulshada iyo la joogga dadka. In badan oo ka mid ah dadka afka gaaban, way ka helaan inay waqti la qaataan dadka kale, laakiin waxay door bidaan asxaabta ay isku dhow yihiin.

Halka qofka furfuran ee bulshaawiga laga yaabo inuu xaflad aado isagoo raba inuu dad cusub soo barto, qofka afka gaaban wuxuu badanaa doorbidaa inuu waqti la qaato oo uu la sheekaysto asxaabta ay isku dhow yihiin.

Waxaad xiiseysaa kelinimada:

Haddii aad leedahay dabciga af-gaabnida, waxaa jawi wacan kuu ah inaad naftaada keliya waqti la qaadato  adiga oo ku raaxaysanayaa hiwaadahaaga iyo waxyaabaha aad xiiseyso sida inaad buug fiican akhrido, inaad TV-ga ka daawato barnaamij aad xiiseyso, inaad ku soo lugayso meel qurux badan oo xasiloon ama inaad kalluumaysato, waxaadna howlahaan ka heshaa tamar iyo dhiirranaan.

Waxaad jeceshahay inaad dadka qoraal kula xiriirto:

Waxaad dhibsataa taleefan ku hadalka, waxaadna ka doorbidaa inaad dadka qoraal kula sheekaysato. Badanaa dadka leh dabciga af gaabnida, horay kama qabtaan taleefanka haddii aysan ogayn sababta loo soo wacayo, wicitaanka waxay ka jecel yihiin in qoraal lagula soo xiriiro. Waa dad jecel inay ka fiirsadaan hadalkooda, Marka ay dadka qoraal kula sheekaysanayaan waxay helayaan waqti ay jawaabahooda uga fikiraan.

Waxaad leedahay tiro yar oo asxaab ah:

Mid ka mid ah fikradaha khaldan ee laga haysto dadka afka gaaban waa inaysan jeclayn dadka kale. Walow dadka afka gaabani aysan ka helin in dad badani ay ku hareeraysan yihiin, haddana waxay jecel yihiin inay yeeshaan tiro yar oo saaxiibbo ah oo ay aad iskugu dhowyihiin oo uu xiriirkoodu adag yahay.

Halkii ay lahaan lahaayeen dad badan oo ku hareeraysan oo ay is yaqaaniin, dadka afka gaabani waxay ka doorbidaan inay sameystaan xiriiro luxdan oo waaro, kuwaas oo ku suntan isu dhowaansho.

Haddii aad leedahay tiro yar oo saaxiibbo ah balse si aad ah aad isku dhowdihiin, waxay u badan tahay inaad leedahay dabciga af-gaabnida.

Dadka way ku adkaataa inay burtaan:

Dadka leh dabciga af-gaanida waxaa lagu tilmaamaa, dad aan hadal badnayn, xirxiran oo deggan, Mararka qaarna waxaa lagu qaldaa inay yihiin dad khajilaad badan.

Inkastoo qaar ka mid ah dadka afka gaaban ay xishood badan yihiin, haddana ma ahan in la isku khaldo af-gaabnida iyo khajilaadda badan. Dadka leh shakhsiyaddaan, waxay doorbidaan inay ka fiirsadaan erayoodada, islamarkaana waqti iyo tamar aysan ku luminin hadallo macno darro ah.

Haddii aad tahay qof aan hadal badnayn oo deggan, waxaad tahay qof af-gaaban.

Waad iska-warqabtaa:

Maadaama dadka leh dabcigaan ay diirradda saaraan gudahooda, sida fikradahooda iyo dareemadooda waxay waqti badan geliyaan xaaladahooda gudaha. Haddii aad dareemayso inaad fahan iyo aqoon fiican aad u leedahay naftaada, xammaasadaada, laxowyadaada, waxay u badan inaad leedahay shaqsiyadda af-gaabnida.

Iska-warqabka (self-awareness) iyo inay naftooda fahmaan aad ayay muhiim ugu tahay dadka afka gaaban, Waxayna geliyaan waqti badan sidii ay naftooda bartaan.

Waxaad wax ku barataa daawashada:

Halka dadka bulshaawiyiinta ahi ay badanaa doorbidaan xirfadda ama waxa ay baranayaan inay ku boodaan oo gacmaha lagalaan oo iyagoo wixii qabanayaa ay sidaas ku bartaan, dadka afka gaabani caadiyan waxay doorbidaan inay bartaan iyagoo daawanaya.

Dadka afka gaaban waxay jecel yihiin inay daawadaan dadka kale oo qabanaya howsha, oo weliba loogu celceliyo, ka hor inta aysan iyagu isku dayin ficilka. Dadka leh dabciga af-gaabnida waxay jecel yihiin inay ku tababartaan meel khaas ah oo aysan dad kale daawanaynin

Waxaad ka heshaa shaqooyinka la qabto markii keli la yahay

Shaqooyinka u baahan bulsho la macaamilka badan, inta badan ma soo jiitaan dadka leh dabciga af-gaabnida. Dadka leh dabcigaan waxay jecel yihiin howlaha badanaa la qabto markii keli layahay sida wax-qorista, naqshad dejinta, injineernimada, farshaxanka, xisaabiye, borogaraaminta kombiyuutarka iwm. Marka ay keligood yihiin wax-soo-saarkoodu aad ayuu u sarreeyaa.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *