Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii 1-Aad

Dhammaysashada waxbarashada jaamacaddu waxa riyada ugu weyn ee waalidka iyo ilmihiisa midaysa.

Waalidka waxaa u muuqda midhaha tacabkii uu ku dhowaad 20 sanno ilmihiisa gelinayey, dhinaca kalana waxa uu arkayaa dhammaadka itaalkii iyo tamartii ku jirtay oo gabaabsi sii noqonaya, markaasuu niyadda ku dhistaa in geedkii uu beeray (Ilmihiisa) haatan hadhac noqonayo oo uu hadhsan doono. Hadhsashada dantiisa ah oo keliya ma aha, qof kastaa waxa uu jecel yahay in shaqada uu maanka iyo maalka geliyey ay guulaysato oo uu arko iyada oo taabagashay, waalidkana shaqada ugu weyn ee dunda uu qabanayaa waa in qof uu samaynayey.

Haa, qofku waa jidh iyo ruux oo dhan ah iyo qofnimada (Shakhsiyadda) oo dhanka kale ah. Abuurta Alle ayaa uu ku yimaaddaa jidh ahaan iyo ruux ahaanba, laakiin qofnimadiisu dhisme, dadaal iyo maagelin u baahan ayaa ay ku samaysantaa, waalidka ayaanay shaqadaasi u taallaa. Sidaas awgeed waalidku inta uu ku farxo adduun uu ilmihiisa ka helo, in ka badan waxa uu ku farxaa in uu arko ilmihii oo inta uu kaalingalay si xilkasnimo ah u gudanaya waajibka nolosha kaga beegan.

Noloshu waxa ay u qaybsantahay laba weji, muddo uu qofku ku tiirsane u yahay waalidka iyo qaybta isaga lagu tiirsanyahay, ee ubad iyo waalidba ay isaga eegayaan.

Aadamuhu, marka ay dan dhowrashada tahay, isma bixiyo, inta badanna sahal fursadaha isuma amaahiyo. Waa loollan u joog oo sarraynta, dheefta iyo wanaagga ayaa uu isku garbiya, ragga ayaana ugu daran oo malaha bahalnimadu ku badantahay. Waxa se hubaal ah in aabuhu uu yahay qofka keliya adduunka ee ogol in aad ka sarrayso, in aad hesho dheef iyo samaan uu isaguba jeclaan lahaa.

Jaamacadda dhammaysashadeedu waa yoolka ugu weyn ee ilmuhu niyadda ku hayo, inta uu waxbarashada ku gudajiro. Waa himilada iyo barwaaqada uu nafta ku sabaaleeyo muddada 16 ka sanno ka badan, naftana ku dejiyo mar kasta oo uu dareemo daalka, hurdo la’aanta, shaqada maskaxeed iyo hawshan joogtada ah ee u taalla.

Farxaddan midaysa waalidka iyo ilmaha, waxaa la wadaaga macallinka oo maskaxdiisa, ardayga ugu xambaara sida duudka, si uu halkan u soo gaadhsiiyo. Waxa kale oo farxaddani gaadhaa cid kasta oo dani ka hayso mustaqbalka dalka iyo dadka.

Haddaba, si aynnu u ogaanno in filashadaas jaamacadda dabadeed ay run wada noqoto iyo in kale, iyo in farxadda dhammaysashada jaamacaddu ay waarto, waxa aynu dul istaagaynaa jawaabaha su’aalahan kooban.

Maxaa waxbarasho jaamacadeed laga dheefaa?

Aan ku horreeyo waxa ugu weyn ee inta badan maskaxda waalidka iyo ilmahaba ka guuxaya. Sida aynu kor ku soo xusnay waxa laga filaa waa in ilmuhu uu ku shaqo tago ama ay ka caawiso hal-abuur iyo hindise uu noloshiisa ku maamulo.

Fahamkaasi waa uu saxanyahay, waxbarashada faa’idooyinkeeda waxaa ka mid ah in qofka waxbarasho jaamacadeed leh uu filan karo; fursadaha ah in uu shaqo helo oo kordha, haddii uu shaqo hayo in uu ixtiraam shaqo ku helo, sida in uu helo mudnaanta dallacaadda iyo mushahar kordhinta ee shaqaalaha la siiyo. Waxa kale oo uu filayaa in waxbarashadu ay maskaxdiisa u furto awood fikir iyo curineed oo u horseedda horumar iyo hal-abuur uu la yimaaddo.

Filashooyinkaas oo dhammi waa ay saxan yihiin, laakiin waxaa qalad ah in uu qofku intaas oo keliya ka filo. Waa riyooyin ay marar badan dhacdo in qofku uu waayo, dad badan ayaanu waayitaankaasi u horseedaa xanuun nafsadeed iyo dhibaato nololeed oo badan.

WAXAA JIRA FAA’IDOOYIN WAXBARASHADU AY LEEDAHAY OO IYAGA AAN LA SEEGIN:

La Soco….

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *