Caadooyin Lagu Arkay Dadka Guulaystay Oo Ku Dhaqankoodu Uu Caawin Karo In…

Dadka oo dhami waxa ay haystaan waqti isku mid ah, sannadkoodu waa 365 maalmood, maalin kastaana waa 24 saacadood, laakiin waxa ay ku kala tagaan sida ay uga faa’idaystaan waqtiga iyo sida ay hawlahooda mudnaanta u kala siiyaan.

Maaraynta waqtiga, iyo in waqtiga ugu yar hawsha ugu badan la qabtaa, waxa ay ka mid tahay sababaha waxsoosaarka qofka kordhiya, himiladiisa gaadhitaankeedana ka caawiya.

Marka aad dib u eegto sooyaalka dadka guulaystay iyo dabeecadahooda, dhaqannada ay ka simanyihiin waxaa ka mid ah; in gorgortan aanay ka gelin maaraynta waqtiga, si feejiganna ay ugu xisaabtamaan daqiiqad kasta oo ka mid ah iyo waxa qabanayaan. Waa sababta marka waxsoosaarkooda la arko ay dad badani isu weydiiyaan, ‘in waqtiga qofka guulaystay haysaa uu ka badan yahay waqtiga ay iyagu haystaan?’.

Hoos waxa aad ka akhrisataa caadooyin lagu arkay dadka guulaystay oo ku dhaqankoodu uu caawin karo in waqtigaagu madhax yeesho.

Qofka hawsha neceb wax ka baro!

In badan ayaa aynu aragnaa iyada oo wahsiga iyo hawl nacaybka la isku dhaliilayo, laakiin ma ogtahay in dadka caajiska ahi ay xariif ku yihiin helidda Tabaha iyo xeeladaha hawshan u taalla ay sida ugu fudud ugu qaban karaan?!!

Qofka caajiska badani shaqo kasta waxa uu u maraa jidka ugu fudud, uguna dhow ee uu dhaqso ugu qaban karo. Sidaas awgeed qof kasta oo waqtiga in uu ka faa’ideeyo rabaa waa in uu sida caajiska u fikiro. In uu curiyo habab fudud oo uu ku qaban karo hawlaha u yaalla, isaga oo natiijada uu gaadhayaa ay la mid tahay uun natiijada uu gaadhayo qofka jidka dheer ka soo wareegay. In shaqada aad u marto jidka ugu gaaban ee aan natiijada xumaynayn, waxa ay qayb libaax ka qaadataa beekhaaminta waqtiga.

Is weydii, “MAXAAN HAWSHAA KA DHEEFAYAA?!!”:

Hawl kasta oo aad qabanayso waxa aad ka horreysiisaa in aad jawaab u hesho su’aasha ah, waxa aad ka faa’idayso iyo natiijadeedu macnaha ay kugu fadhido? Haddaanad garanayn in shaqadani ay mudantahay waqti in aad geliso, dib uga joogso ka shaqaynteeda. Laakiin ka fiirso jawaabta aad su’aashaas u helayso, waayo dad badan ayaa ku qaldama, maadaama oo natiijada ay ka filayaan ay ka eegayaan wax markiiba la gaadhi karo, ama shaqada marka ay dhammaataba ay helayaan, sida gunnada iyo dheefta maaliyadeed oo keliya.

Waxaa jira shaqooyin kaaga baahan in aad muddo waddo oo dheeftoodu si dadban kuugu soo noqonayso, sida waayoaragnimo aad ka hesho, iyo macag wanaagsan oo aad ku hesho, waayo taasibaa waa raasamaal wax loo dhigaa aanu jirin.

Cid ku dhaanta kaalmo weydiiso:

Weligaa waqti iyo dadaal ha ku lumin shaqo aanad aqoon u lahayn. Haddiiba hawl aad haysay ay kaaga hor yimaaddaan caqabad kaa hor istaagi kara dhammaystirkeeda, ama ay soo baxdo in aqoonta aad u leedahay aanay kugu filnayn, sidaas awgeed ay shaqada gaabis noqonayso, waa qasab in aad cid kale kaalmo weydiisato. Laakiin cidda aad gacan weydiisanaysaa ha noqoto cid takhasus iyo waayoaragnimo la ogyahay hawshaas u leh, qof aan kaaga fiicnayn oo aad caawimo ka dalabto.

Sideedaba qof aan ku dhaammin oo aad miciin biddaa, waxa ay lumisaa waqtiga iyo dadaalka, waxa aanay curyaamisaa dadaalka guusha aad ku gaadhi lahayd.

Daqiiqad kasta oo firaaqo ah ka faa’idayso:

Daqiiqad marka ay noqoto waa waqti aad u yar oo laga yaabo in macno badan aanu inoogu fadhiyin dhaafitaankeedu, sidaas awgeed inooma xisaabsana daqiiqado aynu kursi kelideen iska fadhinnay ama hawl aan macno lahayn aynu ku qaadannay.

Ha illaawin in maalinta iyo xitaa sannadkuba ay yihiin daqiiqado isu tegey. In aad ogolaato daqiiqad macno darro kugu dhaaftaa, waa Bilowga in aad ogolaato maalmo, bilo iyo sannado macna darro kugu dhaafa.

Fursad aad si fiican uga faa’idayn karto ayaa ku jirta daqiiqadaha aad sugayso qof kula ballamay, cunto aad dalbatay ama aad sugayso, macallin waxbarasho oo aan weli fasalka soo gelin, iyo xitaa bas ama tagsi aad meel u raacday inta uu sii socdo, iwm. Buug aad mar kasta sidataa waa hab aad waqtigaas yar uga faa’idaysan karto akhriskiisa, in aad qaadato buugga xusuus qorka iyo qalin, Mobile aad wax ku qori karto, Taablet (Tablet) ama kombiyuutarka gacanta (Laptop), waxa ay kuu suurtagelinaysaa in daqiiqadahaas firaaqada aad uga faa’idaysato wax akhris ama qoraal.

Mar kasta oo maskaxdu firaaqo dareento, waxaa dhici karta in fikrado iyo talooyin muhiim ahi kugu soo dhacaan, dhaqso u qor si aanad u illaawin.

Hawlaha kala mudnaysii laakiin ha isla sugin!

Waa muhiim in shaqada sida ay u kala miisaan iyo mudnaan badantahay loo kala horreysiiyo, laakiin qasab ma’aha in shaqooyinku sida ay u kala waaweyn yihiin ama u kala badan yihiin loo kala horreysiiyo. Waxa kale oo aan qasab ahayn in shaqo dhammaanshiyaheeda shaqo kale loo dabro.

Iyada oo shaqo weyni ay kuu socoto, lagana yaabo in waqti ay qaadato inta aad shaqo kale waqti u helayso, ayaa waxaa dhacda in waqtiyo aad u yar oo firaaqo ahi soo dhexgalaan shaqadaas aad wadday, tusaale ahaan maalmo fasax ah, saacado ballamo iyo hawlo kale aad leedahay iwm.

Naftu waxa ay dabeecad u leedahay in waqtiga firaaqada aanay shaqo kale qaban, iyada oo isku qancinaysa in horta shaqada hore dhammaato; laakiin marnaba ha ka yeelin taas. Weligaa waqtiyada yar ee firaaqada aad ka tahay shaqada weyn, uga faa’idayso dhammaystirka ama ku dhex wadka shaqooyin yaryar oo dhaqso aad u dhammayn karto.

Tusaale ahaan haddii aad qoraa tahay oo buug aad qoraalkiisa waddo, ma jiro wax diidaya in waqtiga yar ee firaaqada aad sixitaan iyo dib u habayn ku samayso buug kale oo hore kuugu qabyo ahaa.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

https://www.facebook.com/marjaankam

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *