Sidee Loo Akhriyaa Wax Ku Anfaca?

WAX AKHRIS KU ANFACA:

Wax kasta waad akhriyi kartaa laakiin in aad fahamtaa waa arrin kale, fahamkaasi in uu noqdo mid hoos ugu dhaadhaca maskaxdaada oo dhaqankaaga iyo ficilkaaga ka muuqdaana waa arrinta ugu muhiimsan uguna adag. Wax kasta oo aad akhrido saddexdan xeer mari:

  1. AKHRI Akhrisku waxa uu ku siinayaa maskax furnaan iyo qalbi wanaag, waxa uu ku siinayaa faham iyo il-dheeraan aanay lahayn dadka heerkaaga ah ee aan waxba akhriyin.
    Wax akhrisku waxa uu qofka siiyaa aqoon guud oo uu faham fiican ka qaato dhammaan qaybaha nolosha iyo xeeladaha loo maarayn karo.
  2. LA FALGAL

Xikmadi kuma jirto in aad tiriso tobannaan buug oo aad akhriday oo aan saamayn ku yeelan dhaqankaaga iyo noloshaada. Akhri oo la falgal akhriska. Mar kasta oo aad wax akhrido maskaxdaada dib ugu noqo oo sii fursad ay ku rogrogto midhaha ay ka guratay wax akhriskaas. Ka fikir sida ugu habboon ee aad u dhaqangelin karto waxa aad akhriday, iyo sida ay dhaqan ahaan kaaga muuqan lahayd aqoontaasi. Qorshee sidii waxa aad akhriday uu waaqacaaga iyo noloshaada maanta iyo berri ula falgeli lahaa.

  1. TIJAABO Waxa aad akhrido ee noloshaada iyo shaqadaada khuseeya tijaabi. Marka aad buug akhrido sida ugu fiican ee aad xusuustiisa ku dheerayn karto, kana dhigi karto in uu dhaqankaaga ka muuqdaa waa in casharrada aad ka baratay dhaqangeliso oo tijaabiso.
    Tusaale ahaan haddii aad akhriyeysay buug dabeecado iyo habdhaqan ka warramaya ama mid ku barayey maamulka waqtiga, la macaamilka cidda shaqo ama ganacsi idinka dhexeeyo, ama jidka loo mari karo guul arrin laga gaadhay, waxa ay ku fiican tahay in dabeecadahaas kuwooda ku soo jiito aad tijaabiso.
    Marka aynu soo koobnana xikmadda akhrisku waa in waxa aad akhrido aad u rogto dhaqan.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *