Nolol Wanaag

Casharka Nolosha

Waxaad tahay qof wanaagsan. Waxaad u qalantaa daacadnimo. Waxaad u qalantaa wanaag. Waxaad u qalantaa qof ku xushmeeya oo marnaba aan qalbigaaga been u sheegin. Waxaad u qalantaa farxad in aad hesho. Waxaad u qalantaa Jaceyl. Waxaad u qalantaa qof aan si Xun kuula dhaqmayn. Waxaad u qalantaa qof garabkaaga taagan mar kasta. Waxaad u qalantaa Nolol fiican in aad …

Read More »

Shan Arrimood Oo Horumarka Ka Hortaagan

Waa xalqad kale oo ka mid ah barnaamijka WAYDIIN IYO WARCELIN ee noo soo gudbiyo ustaad Mubarak Hadi, Qeybtaan ayuu ustaadku nagula wadaagayaa 5 arrimood oo qofka horumarka ka hor istaagga. Ka bogosho wacan:    

Read More »

Muhiimadda Is-moogaysiinta

Is-moogaysiinta

Ahmiyadda is-moogaysiinta: Waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay tahay qofku in uu ku foognaado inta uu nool yahay waxa ka mid ah, fahmidda iyo kala garashada waxa hadba u muuhiimka ah iyo waxa aan muhiimka u ahayn, waxa ay tahay in uu qabashadeeda u hollado iyo waxa ay tahay in uu is-moogesiiyo, waxa ay tahay in uu ka jawaabo iyo waxa …

Read More »

Maxaad Ka Cabanaysaa?

Halka aad ka cabanayso “boring” caajis badan & wax xiisa leh oo aad daawato, Waxaa jira qof indha la’ oo ku ducaysanaya in aragoodi u soo noqdo Halka aad ka cabanayso in cuntada laguu keenay aysan dha-dhan fiican lahayn, waxaa jira caruur gaajo ku seexda Halka aad ka cabanayso dhib yar oo u soo gaartay, waxaa jira qof dhaawac ah …

Read More »

9 Calaamadood oo muujinaya in Shaqadaadu bur burinayso Guurkaaga!

Waa laga yaabaa inaad tahay qof shaqo jecel, dadkuna ugu yeeraan hawl kar aan caadi ahayn, kaasoo shaqeeya asbuucii 80 saacadood. Waa laga yaabaa inaad habayn walba xaaskaaga ama ninkaaga aad u sheegtay in shaqadu kugu daahday, maamulahaaga ku kadeeday iyo wixii lamid ah Laakiin in asbuucoo dhan aan shaqada kaliya siinno waxay dhibaato iyo saamayn xun ku leedahay xiriirka …

Read More »

Sida Loo Abuuro Su’aalaha Wanaagsan Oo Noloshaada Wax Ka Badali Kara ?

Ugu horrayn hadaad ku guulaysato in aad wax ka badasho su’aalaha aad noolashaada waydiiso waxaa hubaal ah in ay wax wayn iska badali doonto sidaad noolasha oo dhan u arkaysay. Sababtuna waxa ay tahay su’aalaha uu qofku iswaydiiyo waxa ay ka qayb qaataan kobcinta iyo kor u qaadista fikradaha ay maskaxdu soo saarto. Sidaan wada ognahayba Maskaxdu waa sida dhul …

Read More »

Waxay kuu ciqaabayaan hal qalad aad sameysay

Boqor deegaan badan Madax u ahaa ayaa lahaa Eey duurjoog ah. Wuxuu u isticmaali jiray inuu ku ciqaabo adeegayaashiisa qalad ku sameeya. Mid ka mid ah shaqaalihiisi ayaa siiyay fikrad qalad ah, ka dibna Boqorki ma jeclaysan wuxuuna amray in loo tuuro eeyda si ay u cunaan. Adeegihi ayaa ku yiri, “Waxaan kuu khdimeeyay 10 sano sidan ayaana igu sameynaysaa? …

Read More »

Imtixaanka Nolosha

Waxaad soo martay maalmo wanaagsan, laakiin waxaad kaloo soo aragtay kuwa xun, Ma heysatid wax kasta aad rabtay laakiin waxaad heysataa wax kasta aad u baahneyd, Waxaad seexatay adigoo xanuun ku hayo hadana waxaad ka toostay hurdadi adigoo fiican, Waxaa jira dad ku bogaadinaya oo kuu sacab tumaya laakiin waxaa kaloo jira kuwa gadaashaada ka hadla oo xumaantaada ka shaqeeya, …

Read More »

5 Tallaabo Oo Aad Ku Abuuran Karto Caado Wax Akhris

wax akhriska

Waxeynu in badan ka dharagsanahay baahida aynu u qabno wax akhris, faaiidada uu inoo leeyahay iyo nolosheenna wax uu ka baddeli karayo, Hadaba sidee bey suurtagal u noqon karaysaa inaan abuuran karayno caado wax akhris. Muuqaalkaan ayuu Ustaad Mubarak nagula wadaagayaa shan arrimood oo qofka haddii uu sameeyo ay fududaan karayso inuu abuurto caado wax akhris. Daawasho wacan:  

Read More »

Jooji eedaynta iyo Faro ku taaga Dadka

Garoon weyn anigoo ciyaar ka daawanaya maalin ayaa waxaa i dhinac fadhiyay Nin dhalinyaro ah, wuxuu taageere u ahaa Laacib No. 10 xiran. Mar kasta oo Kubad lugtiisa soo gashay uu Gool ku dhalin waayo wuxuu eeda saaraa ciyaaryahanki u soo tuuray isagoo leh baaska ayuu ka gaabiyay ama dhaafsiiyay. Hadii Kubad laga qaato wuxuu eedeeyaa ciyaaryahaniinta ka soo horjeeda …

Read More »

FIKRAD & BUUG: Buugga The Four Agreements

Waa qeybtii 23-aad ee barnaamijka FIKRAD IYO BUUG, qeybtaan ayuu Mubarak Hadi nagula wadaagaya buug la yiraahdo “The Four Agreements”. Buuggaan ayaa waxaa qoray qoraa u dhashay dalka Mexico kaas oo lagu magacaabo Don Miguel Ruiz, buuggani waa mid xambaarsan dhambaal aad muhiim ah oo ay tahay inuu qofku la noolaado weligiis. Daawasho wanaagsan:  

Read More »

Waxyaabaha Caqabada Ku ah Horumarkaaga QEYBTII 3-AAD

? Jooji taxadarka badan. Waayo taxadarka faraha badan waxa uu qofku ku keenaa kalsooni daro iyo in qofku uu noqdo qof fikradaha uruuriya balse aan marnaba la imaanayn iskuday.  Waxaa la arkaa in aad hesho fikrad wanaagsan oo shaqaynaysa balse hadaad siiso wakhti dheer oo aad uga fikirto isla fikradii wanaagsaneed ayaad u samaysaa dhowr ciladood oo aad uga harto. …

Read More »

Waxyaabaha Caqabada ku ah Horumarkaaga QEYBTA 2-AAD

Waxaan qaybtii koowaad kaga hadlay caqabadaha kaaga yimaada dibada balse maanta waxaan diirada saaraynaa bal in aan wax ka ogaano qaar kamid ah caqabadaha uu qofku abuurto. ? Qiima u yeelo wakhtigaaga. Waxaa muhiim ah in aan ogaano hadii aad aragto dad waxay ku haminayeen ka guul gaaray waxa ay qiima u yeeleen wakhtigooda. Hadaba dhibta jirta waxa ay tahay …

Read More »

Waxyaabaha Caqabada Ku Ah Horumarkaaga QAYBT 1-AAD

Waxyaabaha Caqabada Ku Ah Horumarkaaga

Waxaan halkaan idinkula wadaagayaa waxyaabaha kaa hortaagan inaad ka dhabayso riyooyinkaaga oo u baahan in aad wax ka badasho. Ku soo dhawoow qaybta koowaad. 1. Wax ka badel dadka kugu heeraarsan. Run’aantii waxaa aad u adag in aad badasho dadka dabeecadahoodu balse waxaad awoodaa in aad adiga kala doorato dadka aad soo dhawaysanayso cida ay noqonayaan. Hadii wakhtigaaga ugu badan …

Read More »

3 Talo oo Kaa Caawinaysa In Aad Ka Guul Gaarto Go’aan Kasta Oo Aad Qaadato

Ugu horrayn wax waliba oo aan doonayno in aan ka guul gaarno waxa ay maraan 4 marxaladood. 1. In aad aaminto misana ku kalsoonaato waxa aad doonayso in aad qabato,  hadaba si’ aad u aaminto go’aamada aad qaadanayso waxaad u baahan tahay in aad siiso wakhti aad ku ogaato waxa ay yihiin iyo waxa kugu kalifaya in aad ka mira dhaliso. …

Read More »