Ka Hayaan Saboolnimada!

Bal aan iskudayo inan qeexid usameeyo macnaha faqriga balse sida aan ka aaminsanahy faqrigu inuusan ahayn oo kalya qof aan wax maal ama hanti haysan, balse qofka aadanaha ah waxa uu faqiir ka noqon karaa dhinacyo badan oo nolosha ah sida Iimaanka,maalka,ubadka,aqoonta iyo kuwo kale oo badan.

Sikastaba waxaan aaminsanahay  in alle ruux walba uu wax ugu qaybiyey xikmadiisa iyo awoodiisa , hadana saasooytahay alle sw cidna uguma balanqaadin inay kusugnaato nolol cidhiidh ama faqri ah,  faqiirnimaduna waa mid kamida imtixaanada uu maro aadamaha kunoll dunidaan cajaa’ibka ahi.

Waana xaalad halis ah oo dadka kusugan ufududaynaysa inay ku kakacaan faalal lidi ku ah xuquuqda aadanaha sida inuu qof xasdo, qofdhaco ama qof uu dilo .

Sida aan lasocono waxyaabihii uu suubaneheenii muhamed scw uu ka magan gali jiray alle sw uu kamid  ahaa faqrigu, halkaas waxaa kamida inuu faqrigu yahay cadaw soo weerara nafta iyo nolosha dadka.

Akhiste aan marwalba allle kamagan galno maadaama ay xaalad aad uqalfsan oo ku dhaxal siinaysa nolol khadhaadh ,Soomaliduna waxay ku maahmaahdaa bukto badan iyo baahi badan waa laysku nacaa .

Hadii aan intaas kaga baxno  sharixii iyo iftiimintii mawduucii aan ugu magacdaray ka hayaan saboolnimada, bal hadana aan milcsano waxyaabaha fududeeya xaaladan mana rabo inaan kadaba tago tafaasiilihii ay ka bixyeen khuborooyinkii iga horeeyey ee caalmaku  balse aan ku saleeyo waxyaabaha waaqiciga eek a dhex jira dalkoona hooyo waxaana kamida duruufo kala duwwan oo ay kamid yihiin :-

  • Wax soosaar la’aan :-qodobkan waxaa udirayaa qofkii wax baraty iyo kii aan waxbaran waxaa jira gaabisyo aad ubadan oo bulshada ka dhex jira allena wuxuu inoogu deeqay dal ay ka buuxaan khayraad iyo macdano hadii aan ka faa’idaysano ina wada deeqi lahaa sido kalena aynu uga faa’idayn lahayn kuwa kale ee caalmka kunool balse soomalidu waxay dhahdaa nin meeli ka cadahy meeli kamadow oo dadkan soomliyeed maba aaminsana nimcooyinkaas ka jira wadanka, balse ay uhanqal taagayaan dalal iyo dawlado shisheeye wax yaabha ay haystaan .
  • Ku tiirsanaanta dalal iyo dawleedo dhigeena waxsqabadyadooda,taas oo bulshadeena ka dhigtay curyaamin aan waxba qabsan Karin waxay kasugaan dawlado shisheeye mooyaane, taasna waxaan cadayn ugu dhigayaaa in bulshada soomalidu hadii ay lasoo daristo xaaladi ay ucabaadayaan ama ay baryayaan waxa ay ugu magacdareen hay’adaha caalamiga iyo beesha caalamka inay nasoo tabarucaan gargaarna noo fidiyaan, iyaga oo aan dib umilicsan in ay alle sw kaalmo waydiistan si dhaba, aaminaana in alle mooye cidkale aysan faydin dhibyaalka .

 

XALKA

  • Inaynu alle wayne utala saarano arimeheena lana nimaadno dadaalo iyo dhaqdhaqaaqyo aad uga baxdo duruufahan adag, dadaalyadaas oo noqon kara inaad la timaado dhiiranaan iyo kalsooni nafeed oo kuusuurto galiya inaad wax qabsan karto adiga oo aan cidna ku tiirsanayn,si aad u anfacdo naftaada,qoyskaaga,qarabadaad iyo dhamaan bulshadada.

Waxaan aaminsanahay kalamka uu alle ku leeyhahy mid kamida aaaydaha quraanka kariimka ee qawlka eebe oo dhanysa :-

 

Oo odhanaysa qofkii alle ka dhawrsada alle wuxuu ufuri faraj khayr qaba ama wuxuu heli naxariista eebe kor ahaaye.

Waxaa jirta aayad kale oo alle kuleeyahay culays walba fudayd Ayaan ka danbayn:-

?

Intaas kabacdi aamin oo ahow ruux kamarakaca kana shugriya nimcooyinka uu alle ugu deeqay sida islaanimada,ubadka,caafimaadka,maalka.

Iskuday oo same dadaal aad muquqaaga ku maasho intii aad bari lahayd aadame adoo kale, waxaan kuu nasteexaynayaa in hadii aad alle talo saarato alle kugu filanyahay .

Guntii iyo gabagabadii hadal haan ma buuxshee noqo haldoor oo hibadaada iyo hantidaatada uga faa’idee umadda aan helin fursada aad adigu heshay .

KA FAA’IDAYSI WACAN

 

Qoraa:- Nimco Mohamoud Jama Ali (Bachelor Degree Of Social Science Department Community Development From East Africa University Groe Campus)

Email:- Sagal1650@gmail.com

Garowe Puntland somalia

“ALLAA MAHAD OO DHAN USUGNAATAY”

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *