Dadka Waayadan Dunida jooga…

1. Marki qof dhibtiisa uga sheekeeyo waxay u qaataan in uu yahay qof daciif ah

2. Wixi private-ka u ahaa ayay dadka ula wadaagaan si public ah

3. Waxay wax u jeclaadaan in qofka ay ka helaan wixi ay ka rabeen hadii ay ka waayaan naceyb baa bilaabanaya

4. Waxay xasdaan qofka xushmeeya, waxayna qadariyaan qofka iska dhiciya

5. Waxay u dabaaldegaan marki qof jab soo gaaro, waxayna ka naxaan marki qof guuleysto

6. Waxay jecel yihiin in wax kasta oo noloshooda ah ku eedeeyaan dad kale

7. Waxay ku istareexaan caayda iyo ceebaynta dadka, halki ay caawin lahaayeen una ceeb asturi lahaayeen

8. Qalad kasta ay sameeyaan ma qaataan mas’uuliyadiisa waxayna u qabsadaan qof kale oo aan shaqo ku lahayn

9. Waxay ka xumaadaan qof in uu guul gaaro ama wax helo, waxayna bilaabaan ka shaqeynta siday u fashilin lahaayeen

10. Waxay ka sheekeeyaan ama qoraan wax aysan xaqiiqdeeda ogayn, jiha kalena u leexiyaan

11. Waxay ka cararaan saaxiibka dhabta ah oo daacada ah, waxayna u cararaan saaxiibka dhalanteedka iyo lugooyada

12. Si kasta oo aad u caawiso, wanaagna ula jeclaato, waa hilmaamaan, abaalna kaagama hayaan

13. Waxay ka cararaan qofka xooga weyn oo dulmiyay, waxay raadsadaan qof maskiin ah oo aan waxba ku sameyn

14. Marka ay ku soo booqdaan shaah iyo sharaab in aad u shubto waxa ay ka jecel yihiin in aad siiso charger iyo password internet-ka

15. Waa sida bluetooth oo kale; goortii aad u dhowdahay waa kugu xiriirsan yihiin, goortii aad ka fogaato waad kala go’deen, waana ku galayaan

Si kasta ay tahay hadana weli waxaa dunida ku harsan oo ka buuxa dad wanaagsan, qalbi nadiif ah leh, naxariis badan, xaqiiqdana aan ka leexan.

Si kasta oo la isugu dayo in cillad laguu sameeyo, laguu caayo, laguu cambaareeyo; Adigu Cafi, Alla ka cabsiga sii wado, si aad u yeelato Ciribta dambe.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *