Waa kuwee Dadka kuwa ugu Quruxda badan?

Dadka kuwa ugu qurxoon ma aha kuwa Quruxda u yaqaan dhar qaali ah oo la xirto, xaragada iyo Labiska oo la badiyo! Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa Qalbigooda saliimka yahay, waa kuwa Iimaanka leh, waa kuwa dadka aan caayin oo ceebtooda raadin. Waa kuwa aan Ciil iyo Caro ku seexan ee Cafiya cid kasta, wax kasta oo lagu sameeyana iska hilmaama, Waa kuwa dadka kula dhaqma akhlaaq wanaagsan, korkoodana ay ka muuqato nadaafad iyo waji furnaan.

Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa garanaya guuldarada, soo arkay dhibaato, la kulmay khasaaro, soo maray halgan adag, hadana kor isu qaaday, hoos ka soo bilaabay, isbedel dhanka wanaagsan sameeyay, horumarka iyo waxtarkoodana la arkay.

Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa aan uurkooda ka buuxin Xaasidnimo, naceyb, kuna fakirin aargoosi. Waa kuwa daacada ah, naxariista badan, ilaaliya Amaanada, difaaca diintooda, u damqada dadkooda, danta guud ka shaqeeya.

Dadkani waxay leeyihiin qanaaco gudaha ah, dulqaad badan iyo fahan Nolosha ah taasoo ka buuxisa dareen jaceyl, daryeel, dabacsanaan, damiir nool iyo deganaan.

Dadkani ma aha kuwa Quruxda u yaqaan mid banaanka laga soo iibsado Wejiga iyo jirkooda korena ku dhamaata, Dadkani waa kuwa Quruxda u yaqaan in ay Gudaha jirkooda ka soo bilaabato ka dibna ay banaanka u gudbiyaan.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *