Warqadda caleenta lagu soo shubo ee shaaha la dhex dhigo khatar caafimaad miyay leedahay? Dabcan caleenta bacaha yaryar ku jirta waxay kuu badbaadisaa waqti badan, si fudud, biyo kulul ayaad u dhex dhigaysaa shaahaagiina sidaas ayuu diyaar kuugu yahay, balse ma ogtahay halisteeda caafimaad? Daraasad ay samaysay jaamacadda McGill ee ku taalla wadanka Canada ayaa lagu sheegay in bacaha caleenta …
Read More »Health
Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Sare U Qaada Hamiga Kacsiga Ee Haweenka
Casharkan waxaan ku soo qaadanaynaa habab dabiici ah oo lagu kobcin karo doonista jinsiga ee dumarka. Inkasta oo aysan jirin fiyaagro loogu talo galay dumarka sida fiyaagrada ragga, haddana waxaa jira dawooyin dabiici ah oo geli kara beddelka fiyaagrada kuwaas oo sare u qaada kacsiga iyo doonista jinsiga ee dumarka taas oo ka dhigaysa kulanka sariirta mid xiiso leh. Geedka …
Read More »Ahmiyada Caafimaad Ee Saliida Qoondarka Iyo Cilladaha Ay Wax Ka Tarto
Saliida qoondarka waxaa loo yaqaannaa “flaxseed oil” ama “linseed oil”, waxaana laga dhaliyaa miraha qoondarka. Saliidani waxa ay hodan ku tahay asiidhada dufanka ah ee omega 3, barootiin, gan, faytamiinno iyo macdano. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa saliidaan sida in cunnada lagu karsado ama lagu darsado iyo in korka la marsado. Saliida qoondarku waa saliid xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo …
Read More »Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Subaga Lawska
Subagga lawsku waa cunno macaan, nafaqo ahaanna hodan ah. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaali karaa sida in roodhida la marsado iyo cabitaannada dabiiciga ah lagu dhex shiito. Subaga lawska waxaa ka buuxa dufannada loo yaqaanno “monounsaturated fats” iyo nafaqooyin kala duwan. Cunista 2 qaaddo oo subaga lawska ah waxa ay ku siinaysaa 188 garaam kalooris ah, 8 garaam oo barootiin, …
Read More »Faa’idooyinka Caafimaad Ee Xamarta (Raqayga)
Bogga Internetka ee Fitness oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa qoray qaar ka mid ah faa’idooyinka ay xamartu u leedahay caafimaadka. Boggan laga leeyahay dalka Maraykanka oo qormadiisan aynu soo turjunay waxa uu sheegay in Xamarta (raqayga) ay ku jiraan Faytamiinno aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida Faytamiinka C, sidoo kalana ay ku jiraan maaddooyin si dabiici ah …
Read More »Qaababka Jidhka & Timaha Loogu Qurxin Karo Timirta
Haddii aad hore ugu ogeyd timirta in ay tahay cuntooyinka aasaasiga ah ee bisha Ramadaan, maadaama oo ay si tayo badan leh ula dagaallanto mariidka, isla markaana ay leedahay faytamiinno ah noocyada E, B iyo A waxa aad ogaataa in isla faytamiinnadaas awgood ay sida oo kalana tahay dawo u fiican caafimaadka maqaarka iyo timaha. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa …
Read More »Calaamadaha Gaaska Caloosha Iyo Cunnooyinka Lagula Tacaali Karo
Gaaska caloosha (Gaastiriig) ayaa kamid ah xanuunada ugu badan ee ku dhaca dheefshiidka. Caloosha ayaa ka kooban qaab dhismeedyo kala duwan, waxaana uu caabuqa saameeyaa xuubka ugu koreeya ee gudaha caloosha. Xuubkaan ayaa ah midka ugu khafiifsan marka loo eego qaab dhismeedyada kale ee caloosha. Caabuqa ku dhaca caloosha ayaa loo qaybiyaa laba qaybood kuwaaso kala ah, Caabuq ku dhaca …
Read More »Muhiimadda Fitamiin C Iyo Calaamadaha Lagu Garto Hadduu Jirka Ku Yaraado
Fitamiin C waxaa kaloo loo yaqaannaa “Ascorbic Acid” waxa uu muhiim u yahay caafimaadka cirridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cunnada ka nuugo birta iyo kalsiyaamta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama boksoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka yiridka. Fitamiin …
Read More »Faa’idada Galmada Aroortii Iyo Ahmiyada Ay U Leedahay Ragga Iyo Dumarka
Ma ogtahay in galmada aroortii ay faai’do u leedahay caafimaadkaaga? Tijaabooyin la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lamaanayaal badan ay galmada habeenkii iskaga daayaan daal awgiis, haddaba maxaa diidaya in galmada la sameeyo subaxda hore? Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, galmada aroorta hore waxay leedahay faai’dooyin caafimaad oo badan. Sii akhri si aad wax badan aad uga ogaato faa’idooyinkaas. Kobcinta hammiga …
Read More »Faa’iidooyinka Cambaha & Cudurada Uu La Dagaalamo
Cambaha waxa uu ka mid yahay furutada ama faakihada ugu macaan uguna nafaqada badan, waxaa loo loo yaqaannaa boqorka furutada, waxa uu leeyahay faa’iidooyin tiro badan oo caafimaad. Waxa uu cambuhu qani ku yahay barootiin, faybar, fitamiinnada C, A, B6, K iyo maadooyinka folic acid iyo potassium. Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah faaidooyinka cambaha. Xakamaynta …
Read More »Cudurka Jabtada (Gonorrhea): Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa
Cudurka jabtada: Waa infekshan ku faafa galmada . Ragga wuxuu ka saameeyaa tubooyinka kaadida, dumarkana wuxuu ka saameeyaa afaafka hore ee ilmo galeenka iyo tubooyinka kaadida, waxay kaloo saameyn kartaa malawadka, futada, cunaha, iyo xubnaha ku jira miskaha, waxay kaloo si dhif ah kusaameyn kartaa indhaha. Cudurka jabtada ( gonorrhea) malahan wax dhibaato ah hadii si dhaqsa ah loo daweeyo, …
Read More »Ku Maydhashada Biyaha Kulul Waxaa Laga Qaadaa Cilladahan
In kasta oo guud ahaanba caafimaadku uu yahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee qofka bani’aadamka ah noloshii warwar geliya, haddana caafimaadka maqaarka iyo meelaha sida gaarka u muuqda dadka ayaa ah meelaha aynu sida gaarka ah caafimaadkooda uga warwarno. Muhiimadda innagu beeran ee ah in aynu ilaalinno caafimaadka iyo quruxda muuqaalkeenna jidheed ayaana keenta in aynu si joogto ah jidhkeenna …
Read More »Khataraha Caafimaad Ee Ka Dhalan Kara Fadhiga Saacadaha Badan
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digeen khatar caafimaad oo ka dhalan karta fadhiga saacadaha badan ah, kaas oo khatartaha uu keeni karo ay ka mid tahay asaasaqa (Dementia) oo ah maskaxda oo weyda ama hoos u dhacdo awooddeeda xasuuseed, fikir iyo hawlgudasho ee maalinlaha ahi. Cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah ayaa muujisay, in qofka oo muddo dheer …
Read More »Sababaha Keeno Neefta Oo Qofka Ku Dhegta Xilliyada Hurdada Iyo Xalkeeda
Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo …
Read More »Hadii Aad Gaadhay Da’da 30 Jirka, Ka Dheeroow Cuntooyinkan!
Marka ay da’da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku u leeyahay dheefshiga cuntada, sidaas awgeed waxaa la gudboon in uu fiiro gaar ah u yeesho cuntada uu da’dan kaddib cunayo. Haddii kale waxa uu halis u yahay in uu miisaankiisu kordho, ama buurnimada iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha. Warbixin ay Aljazeera ka soo …
Read More »
Daryeel Magazine