Ahmiyada Caafimaad Ee Saliida Qoondarka Iyo Cilladaha Ay Wax Ka Tarto

Saliida qoondarka waxaa loo yaqaannaa “flaxseed oil” ama “linseed oil”, waxaana laga dhaliyaa miraha qoondarka. Saliidani waxa ay hodan ku tahay asiidhada dufanka ah ee omega 3, barootiin, gan, faytamiinno iyo macdano.

Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa saliidaan sida in cunnada lagu karsado ama lagu darsado iyo in korka la marsado.

Saliida qoondarku waa saliid xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo tiro badan waxaana ka mid ah:

Ka hortagga kansarka:

Saliida qoondarku waxay ka hortag u tahay kansarka noocyadiisa ku dhaca malawadka, naasaha iyo qanjirka borosteytka. Saliidani waxa ay leedahay awood sunsaaris waxay ka hortagtaa dhaawaca ay jirka gaarsiiso sunta loo yaqaanno “free radicals”. Haweenka dhaxalka u leh kansarka naasaha waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan cunista midhaha qoondarka si loo yareeyo halista cudurkan.

Dheefshiidka:

Saliida qoondarku waxa ay wanaajisaa cunno shiidista sababtoo ah waxaa ka buuxa gan kaas oo u wanaagsan caafimaadka dheefshiidka, calool istaaggana ka hortaga.

Miisaan dhinista:

Saliida qoondarku waxa ay jirka ka caawisaa sifeynta sunta waxayna gubtaa dufanka.

Caafimaadka wadnaha:

Saliidan waxaa lagu yaqaannaa inay ka hortaggo cudurro kala duwan oo ku dhaca wadnaha. Saliida qoondarka oo si joogto ah loo isticmaalo waxa ay hagaajisaa shaqada wadnaha. Sida oo kale, waxa ay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga waxayna wanaajisaa caafimaadka wadnaha.

Hoos u dhigista kolestaroolka:

Saliida qoondarka waxaa ka buuxa dufanka omega 3 kaas oo hoos u dhiga kolestaroolka dhibaatada leh, islamarkaana isku dheellitira kolestaroolka jirka. Tani waxa ay yareysaa halista wadne istaagga iyo dhan-qallalka ama faaligga.

Ka hortagga indho qallaylka:

Saliidani waxa ay isha ka ilaalisaa qalleylka ama engagga. Haddii aad leedahay indho qalleyl, ku darso saliida qoondarka cunnada.

Lafo xanuunka iyo roomatiisamka:

Saliida waxay uroon tahay lafaha, waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo xanuunnada roomatiisamka iyo riixa ama tufta.

Dheellitirka hormoonnada:

Saliida qoondarku waxa ay isku dheellitirtaa hormoonnada sidaas darteed waxay uroon tahay haweenka ku jira dhalmo dayska.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *