Sirta Caafimaad Ee Saliida Qumbaha

saliida qumbaha, saliid qumbe,

Saliida qumbaha waa mid ka mid ah saliidaha ugu caansan ee dunida oo dhan laga isticmaalo. 

Saliid qumbaha 90% waxa ay ka samaysan tahay dufannada loo yaqaanno”Fatty acids”, saliidda ka samaysan dufannadan faa’ido ayaa ugu jirta bini’aadamka, sababtoo ah unugayda jirka waxaa laga sameeyaa badankood ashiidhada dufanka ah. 

Gubista baruurta caloosha:

Saliid qumbuhu waxa ay hoos u dhigtaa cirweynida, waxayna leedahay awood ay ku gubto dufanka. Labadaan arrimood marka la isku daro waa hab lagu gubi karo baruurta jirka khaasattan midda ku samaysanta dhexda. 

Xoojinta difaaca jirka:

Saliid qumbaha waxaa ku jira dufanno ka qayb qaata xoojinta difaaca jirka.

Dheelitirka hormoonnada dumarka:

Dufannada ku jira saliida qumbaha waxay kobciyaan awoodda jirku uu kaga faaidaysanayo nafaqada cunnada, Dheefsiga cunnada oo si fiican u shaqeeya, waxa ay wanaajisaa shaqada unugyada iyo hormoonnada jirka.

Kobcinta caafimaadka lafaha:

Xididada xorta ah iyo waxa loo yaqaanno “oxidative stress” waxa ay door weyn ka qaataan cudurka lafo beelka ee loo yaqaanno osteoporosis. Tani waa sababta loogu taliyo isticmaalka maadooyinka jirka sunta ka saaro si loo looga hortago ama loo daweeyo lafo beelka. Waxaa la aaminsanahay in saliid qumbadu ay ka hortag u tahay lafo beelka, sababtana waa maada “polyphenols” ee ku jirta saliidan.

Ka hortagga cudurka sonkorowga:

Cayilka waxaa lala xiriiriyaa xanuuno badan sida sonkorowga, wadne xanuunka, dhiig karka iyo beerka xeyrta leh. Xanuunadan waxaa loo yaqaannaa “metabolic syndrome”. Inkasta oo arrimo kala duwan ay xanuunadan keenaan, haddana cunnadu sababaha ugu waa wayn ayay ka mid tahay. 
 
Waxaa jira caddeymo muujinaya in dufannada ku jira saliid qumbada ay ka hortag u noqon karaan sonkorowga iyo xanuunada kale ee ka dhasha khalkhalka dheefshiidka iyo falgalka jirka (metabolic syndrome).

Ka hortagga dhiig karka:

Dhiig karku wuxuu ugu horreyaa sababa keena xanuunka xanniba xididada “atherosclerosis”, xanuunka xididka wadnaha (coronary artery disease) iyo dhan-qallalka (stroke). 

Saliida qumbaha oo la joogteeyo khaasattan nooca “extra virgin coconut oil” waxay nadiifisaa marinnada dhiigga si uuga hortago xinjir ku guntanto ama dufan xirto, sidaasna waxay ku yareeysaa halista wadna qabadka iyo cudurka dhan-qallalka.

Kordhinta kolestaroolka wanaagsan:

Waxaa la aaminsan yahay in saliid qumbadu ay sare u qaado dufanka dhiigga ee faa’idada leh islamarkaana ay yareyso dhibaatada kolestaroolka xun. 

Wanaajinta dheefshiidka:

Saliidani waxay uroon tahay dheefshiidka, waxay caawisaa dheefsiga dufannada si jirku tamar uga dhigto sidaas darteed, waxay yareysaa in dufan uu ku aruuro qaybaha kala duwan ee jirka. 

Caafimaadka maqaarka iyo timaha: 

Saliida qumbaha waxa ay kobcisaa quruxda iyo caafimaadka oogada iyo timaha, waxayna ka hortagtaa xanuunada maqaarka ku dhaco sida xanuunka eczema. Saliidani waxay maqaarka iyo timaha ka ilaalisaa qalleylka. 

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *