Saliidaha Caafimaad Ahaan Ugu Fiican In Cunnada Lagu Karsado

Horay waxaan uga soo hadalnay dhibaatada ay leedahay saliid cadeeyda oo ah saliidda ugu badan ee ay Soomaalidu cunnada ku karsato. 

Maqaalkan waxaan ku eegaynaa saliidaha ugu fiican caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaan ee cunnada lagu karsan karo ama lagu darsan karo. 

Saliidu waa door wayn ka ciyaartaa caafimaadka iyo nafaqada aadamaha. Waa il muhiim ah oo laga helo dufanno ka qayb qaata ka hortagga cudurrada, kobcinta shaqada maskaxda, koriimada uurjiifka iyo ka hortagga caabuqa.

Saliidaha ugu fiican cunnada lagu karsado:

1. Saliid saytuunta: 

Saliid saytuunku waa saliid dabiici ah oo laga soo saaro miraha iyo geedka saytuunka, boqolkiiba 73% waa dufan cufnaanteedu yar tahay, taasoo faa’ido wayn ugu jirto caafimaadka, waxaana loo yaqaanaa “oleic acid”, waxaa intaas sii dheer in saliidda saytuunka ay adkaysi u leedahay kuleelka iyo dabka taasoo ka dhigayso saliid ku habboon cunto karinta meesha saliidaha kale ay gubtaan inta aysan cunnada karin.

Saliid saytuuntu waxay kordhisaa Kolestaroolka nooca faa’idada leh kaas oo xoojiyaa caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, waxayna yaraysaa Kolestaroolka dhibaatada keena.

2. Saliid macsarada: 

Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehna caraf udgoon, waxaa laga shiidaa sisinta oo ka mid ah dalagyada wadankeenna ka baxa, waxaa loo yaqaannaa “boqoradii saliidaha” waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda nafaqo ahaaneed. 

Saliid Macsarta waxaa ka buuxa dufannada caafimaadka u fiican, walxaha sunsaarista iyo maadooyinka “sesamin” iyo “sesamolin”.

Caafimaad ahaan waxaa la ogaaday in macsartu ay u roon tahay caafimaadka wadnaha iyadoo hoos u dhigto dufanka kolestaroolka oo khatar ku ah xididada wadnaha, waxay kaloo hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga sarreeya.

3. Subagga sixinta ah: 

Dad badan kuma baraarugsana qiimaha caafimaad ee subagga caanaha laga culo. Subagga sixinta ah waxaa ku jirta dufan la yaqaanno “butyric acid” kaas oo masuul ka ah ilaalinta caafimaadka dheefshiidka. Waxaa kaloo subagga sixinta ah lagaa helaa fitamiin K, kaas oo xoojiya caafimaadka lafaha.

4. Saliidaha afakaadhada: 

Saliidan waxaa laga soo saaraa miraha afakaadhada waxaana loo isticmaali karaa cunno karinta. Waxaa ku badan tamar iyo dufannada caafimaadka u wanaagsan. Waxaa kaloo ku jira fitamiin A, fitamiin B-1, fitamiin B-2, folate iyo walxaha sunsaarista ee loo yaqaanno “antioxidants”. 

  • Saliida afakaadhadu waxay yaraysaa dibirada, laabjeexa, gaaska caloosha iyo dheefshiid xumada, waxayna kobcisaa shaqada habdhiska dheefshiidka. 
  • Waxay jirka ka nadiifisaa sunta 
  • Waxay awood u leedahay kontaroolista caadiska dhiigga ee sarreeya, waxay hoos u dhiigtaa kolestaroolka dhibaatada leh, waxay kor u qaadaa kolestaroolka caafimaadka u fiican. Arrimahaasi waxay xoojiyaan caafimaadka wadnaha iyo xididada.

5. Saliida qumbaha: 

Saliida qumbaha 50% waa ku jirta aashitada loo yaqaanno “Lauric Acid”, aashitadani ama dheecaankani wuxuu awood u leeyahay inuu dilo jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. Aashitadani waxay la dagaallantaa bakteeriyada sababta af-urka, suuska ilkaha iyo xanuunka cirridka. 

Faaidooyinka kale ee la xaqiijiyay ee saliidda qumbaha laga helo waxaa ka mid ah; yareynta baruurta caloosha, xoojinta difaaca jirka, kobcinta caafimaadka lafaha, ka hortagga dhiig karka, xoojinta awoodda maskaxda iyo wanaajinta cunno shiidista.

Saliida aad isticmaasho waxay door wayn ku leedahay caafimaadkaaga, haddaba akhristoow saliidee cunnada ku karsataa ama aad ku darsataa? Hoos nagula wadaag.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *