Faa’idada In Saliid Macsaro Cunnada Lagu Darsado

Saliid macsaro:

Saliid macsaradu waxaa laga dhaliyaa miraha sisinta, waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan waxay leedahay faa’idooyin tiro badan oo caafimaad, waana sababta loogu bixiyay “boqoradda saliidaha”. Saliid macsarada waxaa ilaa waqti hore loo adeegsan jiray cuntada, waxayna leedahay caraf udgoon oo gaara, waxaa loo adeegsan karaa karinta cuntada noocyadeeda kala duwan midda bisil waa lagu darsadaa.

Sisinta waxay hodan ku tahay barootiin, antioxidants, fiitamiin E, fitamiin B iyo macdano ay ka mid yihiin phosphorus, magnesium iyo calcium

Macsartu kama yaraysato saliid Saytuunka markii la is barbardhigo faa’idooyinkooda. Cilmibaarayaashu waxay xaqiijiyeen in saliid macsartu ay kaga sarrayso saliid saytuunka meelo badan sida hoos u dhigista kolestaroolka xun ee “LDL” iyo baruurta jirka lagu kaydiyo ee “TG”.

Si akhri faa’idooyinka caafimaad ee saliid macsarada…

Caafimaadka maqaarka:

Macsarada waxa ay ka mid tahay maaddooyinka dabiiciga ah ee maqaarka siiya dhal dhalaal, waxaana la isticmaalaa marka maqaarka abaareysto ama jafaaf ku dhaco. Waxaa kale oo uu aad waxtar u leeyahay marka maqaarka xasaasiyad ama cuncun ku dhaco iyo qolofta dul fuusha xasaasiyadda kaddib. Waxay kaloo ka hortagtaa laalaabka maqaarka.

Hoos u dhigista sonkorta dhiigga:

Macdanta magnesium ee ku jirta saliid macsarada waxay caawisaa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga. Waxaa kaloo saliidan ku jira fitamiin E iyo antioxidants kuwaas oo nidaamiyaa heerka sonkorta dhiigga.

Caafimaadka Wadnaha:

Macsaradu waxa ay firfircooni gelisaa halbowlayaasha dhiigga taasoo keenta inay baa ba’aan kolistaroolka markaa isku uruursanaya gidaarka halbowlaha. Sidoo kale waxa ay kordhisaa nashaadka wareegga dhiigga.

Macsarada waxyaabaha lagu tilmaamay waxaa ka mid ah inay hoos u dhigto cadaadiska halbowlayaasha, sida lagu sheegay diraasad lagu sameeyay 336 qof oo cadaadiska halbowlayaashoodu kacsanaa.

Macsarada waxay qani ka tahay waxa loo yaqaan unsaturated fatty acids oo dowr weyn ka cayaarta faya qabka jirkeena, gaar ahaan wadnaha.

Koritaanka lafaha:

Saliid macsarta waxaa ku jirta kaalsiyam oo xoojisa lafaha. Macdaha kale ee laga helo macsarta sida copper, zinc iyo magnesium waxay muhiim u yihiin caafimaadka lafaha.

Caafimaadka tinta:

Saliid waxay ilaalisaa caafimaadka timaha, wayna nafaqaysaa iyadoo ka hortagta cirrada waqtigeeda ka soo hormarta iyo timo daadashada. Saliid macsarta oo madaxa lagu masaajeeyo waxay wanaajisaa qulqul wareegga dhiigga, timaha way korisaa.

Caafimaadka afka:

Macsarta haddii lagu luqluqdo waxay yaraysaa huurada iyo noocyo bakkeeriyada ka mid ah, waxayna kor u qaadaa caafimaadka afka.

Diiqada iyo walwalka:

Saliidaan waxaa ku jiro maadooyin faa’ido u leh dareenka. Waxay la dagalaantaa diiqada iyo walwalka waxay caawisaa shaqada hormoonnada farxadda iyo xasiloonida qaabilsan.

Ka hortagga kansarka:

Saliid Macsarta waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay “Antioxidant” awood leh

Madax xanuunka niyad kaca (tension headache):

Haddii aad leedahay madax xanuun joogto ah, dhafoorrada u badan oo indhuhu kula xanuunayaan oo marmarka qaar aad rabto in indhaha godkooda aad cadaadiso, waxaa ku hayo madax xanuun loo yaqaano “Tension Headache”, laakiin nasiib wanaag dawadaadu waxay taallaa Jikada gurigaaga.Habeenkii inta aadan jiifanin, basada madaxa ku shubo saliid macsaro saafi ah, qadar ka badan tintaada, kadibna timaha wada gaarsii oo madaxa si fiican ugu daliig, kadibna maro baati ah madaxa ku xiro sidaasna ku seexo, Marka aad soo toostid subaxdii ka qubayso saliidaas, Insha Allah waxaad ka heli doontaa caafimaad hubaal ah, qofkii ogna wuuba hayaa faa’idadaas.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *