Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

Dabeecada gabada, caadada ka hor, dhiiga caadada

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba xanuunka xiliga caadada. Xanuunka ugu badan ayaa laga dareemaa qaybta hoose ee dhabarka iyo naasaha. Dumarka qaarkood ayaa sidoo kale isku arka dibiryo, waxaana hoos u dhaca abiteytkooda. Xaaladaan ayaa ah mid caadi ah oo aan la xiriirin wax xanuun ah.

Dumarka intooda badan ayaa sidoo kale lumiya ama ay is badashaa dabeecadooda iyagoo uu ka yaraado dulqaadka. Isbadalada noocaan ah ayaa waxaa ka masuul ah hormoonada is badalada ee xiliga caadada. Waxaa la aamin san yahay in jaaniska ay isbadaladaan iyo xanuunka caadada kahor ay ku imaan karaan uu bato markii aysan gabadhu qaadan xadi ku filan oo nafaqo ah sida fiitamiinka noociisa B6, macdanta kaalshiyaam ama magniisiyam kuwaasoo laga hello cunooyinka aan maalin walba cunno.

Waxyaabaha ugu badan ee ay gabadhu dareento xiliga caadada kahor ayaa waxaa kamid ah,

  • Dibiro
  • Madax xanuun
  • Itaal yari
  • Nabar ama calool qabad
  • Naasaha oo barara marmarna xanuuna Xanuun laga dareemo qaybta hoose ee dhabarka.

Sidoo kale waxaa lagu arkaa in badan oo dumarka ka mid ah xiliga caadada kahor inay isbadasho dabeecadooda iyagoo ah kuwo xanaaqsan, ama walwalsan. Xaaladaan ayaa kasii dari karta oo noqon karta mid u hormaraysa cillad kale wallow uu yar yahay jaaniska ay ku hormari karto.

Hadii ay soo noq noqdaan xaalada haan noocaan ah waxaadan fursanayn inaad la tashato dhakhtar ugana waranto xaalkaaga sida uu noqdo xiliga caadada kahor. Maahan inaad la jiifto iskana sugto inaad mar un ka raysan doonto, xaaladaan waa mid ay dhici karto inay horumar samayso marka waa muhiim latashiga dhakhtarku.

Isku day inaad samayso qodobadaan hoose, waxaa la yaabaa inaad ku dareento isbadal wanaagsan

  • Cun cunnooyin laga hello maadada kaalshiyamka
  • Samee dhaqdhaqaaq aan ahayn jimicsi dhuminaya awood badan
  • Ha cabin kafeega iskana ilaali shukulataata iwm
  • Qaado daawooyin kaalmaati ah sida ibuprofen waxay yaraynayaan xanuunka  

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *