Aqoon Buuxda U Yeelo Dhiigga Caadada

Wareega caadada waxaa laga ogaan karaa wax badan oo ku saabsan caafimaadkaaga.

Bilaaw inaad xisaabtid wareega caadadaada, si aad u ogaatid hadii ay dhacdo iney isdhaaf dhaafto.

Ma ogtahay xiliga ay bilaabatay caadaadi kugu dambeysay, ama ma ogtahay inta ay socotay? Hadii aadan ogeyn, waxaa la joogaa xiligi aad bilaabi lehayd inaad la socotid wareega caadada.

Inaad ku sameysid raad raac wareega caadada waxay kaa caawin kartaa inaad fahamtid waxa adiga caadi kuu ah iyo  waqtiga ay ugxaanta soo saareyso ukumaha, iyo inaad garatid marka ay jiraan wax is bedel ah, sida caadado waqtigeedi gabtay, ama dhiiga caadada oo aan la saadaa lin karin, in kastoo wareega caadada oo isdhaafa aysan ahayn khatar caafimaad inta bada,  mararka qaar waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad.

Waa maxay caadadu?

Caadada waa taxane waxayna imaataa bil kasta, waxay ka dhalatay isbedelo badan oo ka dhaca jirka dumarka, isbedeladaas oo udiyaariya jirka dumarka suurta galnimada ah iney uur qaado. Hoormonada ayaa diyaariya ilmo galeenka, hadii ukumuha ay soo deyso ugxaanta aan la bacrimin, waxaa soo data xuubka ilmo galeenka, taaso ah dhiiga ka yimaada dumarka xiliga caadada.

Maxaa caadi u ah caadada?

Xiliga udhexeeya maalinta ugu horeysa oo ay timaado caadada iyo maalinta ugu horeysa ee caadada xigata, ma aha mid isku mid u ah dumarka oo dhan. Dumarka qaar waxay caadadooda socotaa 7 maalood qaar na waxay usocotaa 2 malin.

Caadada waxaa laga yaabaa iney yaraato hadii ay da’da udhawaato xiliga dhalma joojinta, caadada waxaa laga yaabaa iney u timaado si joogta ah iyo iney isdhaa dhaafto mararka qaar, waxaa kaloo ay noqon kartaa caado fudud ama mid culus, mid xanuun badan ama mid aan xanuun lahayn, mid waqti dheer socota ama mid waqti gaaban socota, walina waxaa la dhihi karaa waa mid caadi ah. Maskaxda geli, isticmaalka daawooyinka ka hortagayaasha uurka waxay badalaan wareega caada.

Sideen ula socon karaa wareega caadadayda?

Si aad u ogaatid waxa adiga caadi kuu ah, bilow inaad kalendarka ku diiwaan gelisid xiliga uu yimaado dhiiga caadada, waxaa kaloo jira ablikeeshano lagu shubto mobeelka ku waasoo aad isticmaali kartid si aad udiiwaan gelisid.

Ku bilow diiwaan geliska mar kasta maalinta ugu horeysa oo uu yimaado dhiiga caadada, adigoo wadaya diiwaan gelinta bilooyin isku xiga si aad u garatid waxa joogta kuu ah adiga.

Hadii aad ka welwel santahay caadadaaada, sidoo kale meel ku  diiwaan gesho:

Xiliga ay dhamaatay: Imisa ayey socotaa caadadaada, caadi ahaan? Maka dheereed mise wey ka gaabneed marka loo fiiriyo sida joogta kuu ah?

Qulqulka: Ma cuslayd mise waxay ahayd mid khafiif ah, imisa tambooni ayaad isticmaashay?

Dhiig bax aan caadi ahayn: Ma waxaa jira dhiig kaa imaanaya inta udhexeysa 2 caado?

Xanuun: Tilmaam xanuunka la xiriiray caadada, xanuunka maka daran yahay sida caadi kuu ahayd?

Isbedelo kale: Madareentay wax kale oo isbedel ah, sida dabeecada, muudkaaga?

Maxaa sababa wareega caadada oo isdaba mara?

Isdaba marka xiliga uu yimaado dhiiga caadada waxaa keeni karo sababa badan sida:

  • Uur ama Naas nuujin: Caadada oo gabto waqtigeedi ama soo daahdo waa caalamadaha ugu horeeya ee tilmaamo inuu jiro uur, Naas nuujinta waxay daahisaa soo noqoshada caadada uurka kadib.
  • Cuna xumo, Culeeska jirka oo lumo, ama dhaqdhaqaaqa jirka oo xad-dhaaf ah
  • Caabuq ku dhaca miskaha.
  • Ugxaanta oo gabta shaqada adoon gaarin 40 sano.
  • Buro kasoo baxda minka.

Maxaan sameeyaa si aan uga hortago isdaba marka caadadayda?

Si joogta ah u samee baaritaan xaga miskaha ah, sababtoo ah waxay sahli kartaa in si dhaqsa ah loo ogaado hadii ay jirto xaalad khatar ku ah xubintaada taranka.

La tasho dhaqtar hadii:

  • Caadada aysan imaan in ka badan 90 malin adigoon lahayn uur
  • Caadada hadii ay isdaba marto ayadoo awal joogta ahayd
  • Hadii dhiiga uu socdo in ka badan 7 maalin
  • Hadii dhiiga uu dareero si ka culus sida caadi kuu ahayd, ama hadii aad isticmaashid 1 tambooni saacadi ama laba
  • Hadii 2di caado ay udhexeeso 21 maalin ama wax ka badan 35 maalin
  • Hadii dhiig uu kaayimaado ayadoo xiliga caadada ahayn
  • Hadii aad dareentid xanuun daran xiliga caadada
  • Hadii aad dareentid qandho ama aad xanuun saaid mar kasta oo aad isticmaashid tambooni.

La soco waa muhiim inaad ka warqabtid waqtiyada caadadaada iyo wax adiga caadi kuu ah, iyo waxa aan kuu ahayn, hadii aad ka qabtid suaal waxa kaaga soobax diiwaan gelinta fadlan la hadal dhaqtar.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *