Aqoon Buuxda Uyeelo Waqtiyada Ugu Fiican Ee La Cuno Lawska

Lawska wuxuu faa’idooyin badan u leeyahay jirka bini’aadanka waxaa ka buuxo fitamiinno iyo macaadin ay ka mid yihiin iron, calcium, magnesium iyo potassium. Waxaa kaloo laga helaa fiber, barootiin iyo dufannada omega 3 iyo nooca loo yaqaanno “unsaturated fats”. Dufannadaan waxay deg deg ah u kordhiyaan tamarta jirka.

Waxtarka lawska waxaa ka mid ah, kor u qaadista hab-dhiska difaaca jirka, in ay ka hortagaan cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, cudurka xusuusta dila ee Alzheimer ka, iyo Kansarka. Daraasad dhowaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu 21% hoos u dhigo halista cudurka sonkorowga, sababtana waxaa la sheegay inay tahay maadada “manganese” ee ku jirta lawska taas oo muhiim u ah koontaroolidda sonkorta dhiigga. Lawsku wuxuu kordhiyaa rabitaanka galmada ee ragga, shahwadana wuu badiyaa.

Inkastoo lawsku uu xambaarsan yahay faa’idooyin tiro badan oo caafimaad, haddana taas macnaheedu ma ahan in la iska badiyo. Lawska waxaa ku badan dufanka, taas oo keenaysa in jirku uu keydiyo dufanka dheeraadka ah. Dufanka xad dhaafka ah wuxuu culeys saarayaa shaqada dheefshiidka. Lawska oo la iska badiyo waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga.

Si looga faa’idaysto waxtarka lawska waxaa habboon in la cuno xilliyo gaar ah maalintii. Noocyada lawska ee ay ku badan yihiin macaadinta iyo fitamiinnada waxaa wanaagsan in la isticmaalo subaxdii, halka lawska uroon dheefshiidka ay habboon tahay in la cuno habeenkii.

Sii akhri si aad wax badan uga ogaato waqtiyada ugu fiican ee la cuno lawska iyo tirada uu jirku u baahan yahay maalintii.

Subaxdii:

Lawska almonds-ka:

Lawska almond-ka wuxu qani ku yahay fitamiin E, fitamiin B2, manganese oo xoojiya difaaca jirka, si weyna ula dagaallama infekshannada. Waxaa habboon in lawskaan la cuno subaxdii, Biyo ku dhig habeenkii kadib subaxdii cun adigoo qolofta ka fiiqaya. Quraacda ayaa lagu darsadaa sida boorashka, ama cabbitaannada ayaa lagu dhex shiitaa. Xeeldheerayaasha caafimaadku waxay ku taliyaan in la cuno 10 xabbo oo lawska almonds-ka ah oo biyo lagu dhigay maalintii.

galabkii:

Yicibta iyo Pistachios

Yicibta waxaa ku badan dufanno ku siinaya tamar deg deg ah. Sidoo kale waxay dilaan bakteeriyada afka sidaas darteed waxay ka hortagaan suuska ilkaha. Macdanta manganese ee ku jirta yicibta waxay la dagaallantaa dhiig karka iyo tabar darrada murqaha.

Dhinaca kale, lawska nooca loo yaqaanno pistachios-ka wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka wadnaha. Waxaa habboon in yicibta iyo pistachios-ka in la cuno galabkii maadaama ay qani ku yihiin duffano ku siinaya tamar aad uga soo kabsato daalka howlmaalmeedka.

Habeenkii:

Lawska walnut:

lawska Walnuts-ka wuxuu qani ku yahay dufanka omega 3, faybar, barootiin, magnesium iyo phosphorus. Lawskaan wuxuu door wayn ka ciyaaraa daaweynta hurdo la’aanta iyo sare u qaadista tayada hurdada, sababtoo ah waxaa laga helaa maadooyinka potassium, melatonin, calcium, “L-ornithine” iyo “hexadecanoic acid” oo ka qeyb qaata hagaajinta hurdada.

Lawskaan wuxuu hagaajiyaa shaqada maskaxda wuxuuna ka hortagaa cudurrada xusuusta lumiya ee Alzheimer’s, iyo dementia.

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxay dhiirra geliyaan in la isku darsado 3 xabbo oo timir ah iyo 4 xabbo oo lawska walnut-ka ah habeen kasta. Timirta iyo lawska walnuts-ka waxay caawiyaan cunno shiidista, waxay ilaaliyaan caafimaadka cunno mareenka, waxay jilciyaan saxarada waxayna la dagaallamaan calool istaagga.

Daryeel Magazine

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *