Aqoon Fiican U Yeelo Cudurrada Waalidka Laga Hidde Raaco

Markaad muraayadda isku fiiriso ma dareentaa inaad hooyadaa uga egtahay sanka, aabahaana aad uga egtahay indhaha? Hagaag, ma ogtahay in muuqaalka oo looga ekaado waalidka aysan ahayn waxa keliya ee waalidka laga hidde raaco, balse sidoo kale laga dhaxli karo cudurrada qaarkood?

Waxaan waalidiinteenna iyo xubnaha qoyskeenna ka raacnaa sifooyin badan oo jireed iyo kuwa shakhsiyadeed gudbinta DNA-ga awgeed.

Sidaas si la mid ah waxaa jira cillado iyo xanuuno ku yimaada dhaxal. Tusaale ahaan, haddii mid ka mid ah waalidiintaada uu qabo cudurka sonkorowga, waxaad fursad u yeelanaysaa in cudurkani uu kugu dhici karo xilli noloshaada ka mid ah.

Sidaas darteed aad ayay muhiim u tahay inaad ogaato taariikhda caafimaad ee qoyskaaga, si aad u qaado tallaabooyinka looga hortago ama lagu yarayn karo fursadda cudurrada qoyska laga dhaxlo.

Waa kuwaan liiska cudurrada laga hidde raaco waalidka iyo xubnaha qoyska:

Kolestaroolka Kacsan:

Marka caddadka kolestaroolka ama dufanka ku jira dhiigga uu bato waxaa loo yaqaannaa “hypercholesterolemia”. Waa xaalad la iska dhaxli karo, balse badanaa waxay timaadaa marka qofku ka taxadari waayo caafimaadkiisa ama uu dayaco noloshiisa, sidoo kale waa xaalad laga hortagi karo lana dawayn karo.

Kansarka Naasaha:

Kansarka ku dhaca naasaha waa cudur kale oo laga dhaxli karo waalidiinta (xittaa aabayaasha!). Kansarka naasaha malaha astaan gaar ah oo lagu garan karo, sababtaas awgeed majiro wax qaas ah oo looga hortagi karo. Si kastaba ha ahaato, waxaa la qaadi karaa talaabooyim hoos loogu dhigayo halista kansarka iyadoo wax laga badalaayo qaab nololeedka islamarkaana talaabooyin istaraatiiji ah la adeegsanayo sida in la sameeyo dhaqdhaqaaq joogta ah oo kor loogu qaadayo wareegga dhiigga, cunidda cuno wanaagsan, iyo ka fogaanshan sigaarka iyo waxyaabaha lagu sheego iney sababi karaan kansar.

Bidaarta:

Bidaartu waa cillad kale oo dhaxal ahaan la iskugu gudbin karo oo xittaa hooyada laga dhaxli karo. Waxa kale oo oo ay ku imaan kartaa sababo la xiriira cimilada iyo deegaanka oo timaha daadiya.

Cudurka Sonkorowga:

Cudurka sonkorowga waa cudur ku dhaca dheefshiidka, wuxuuna sababaa iney sonkorta ku jirta dhiiga ay ka badato xadki loogu talagalay, cudurka sonkorowga wuxuu qaataa xili dheer si ay calaamadihiisa u soo baxaan. Sonkorowgu waa xanuun kale dhaxal ahaan la iskugu gudbiyo.

U dul qaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance):

U dulqaadasho la’aanta sonkorta laktoos, waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sonkorta nooca loo yaqaanno “lactose” oo badanaa laga helo caanaha iyo cunnooyinka caanaha laga sameeyay. Dadka qaba cilladaan waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaanno “lactase”, kaas oo shaqadiisa tahay in sonkorta “lactose” uu burburiyo si jirka uga faa’idaysto. Waa cillad la kala dhaxlo, sababtoo ah haddii waalidka jirkiisa uu ka maqan yahay hidde-sidihii masuulka ka ahaa burburinta sonkorta laktoos, hidde-sidehaas looma gudbin karo ilmihiisa.

Niyad jab:

Niyad jabku waa xaalad nafsadeed oo qofku uu dareemo murugo, qasan dhinaca fikirka ah, niyadjab, iyo dareenno taban oo joogto ah, waxaana ka luma xiisaynta iyo danaynta waxyaabaha dadka caadiga ah ee la midka ahi ay ku raaxaystaan. Daraasad badan oo la sameeyay waxa ay caddeeyeen in dhaxalku uu ka mid yahay waxyaabaha sababa niyad jabka. Niyad jabku waa xaalad caafimaad oo u baahan in il gooniya lagu eego,

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *