Ogaal U Yeelo Cudurrada Waa Weyn Ee Laga Qaado Sigaarka

Caafimaadka shaqsiga ayaa ah mid muhiimad balaaran ku fadhiya waxaana wadamo badan ay ku bixiyaan miisaaniyad aad u fara badan si loo helo bulsho caafimaad qabta. Cabida sigaarka ayaa saamayn balaaran ku leh caafimaad qabka qofka, waxaana lala xariirayaa inuu sababo xanuuno tiro badan oo qaarkood ay adagtahay in la daweeyo. Sigaarku waxuu kaloo waxyeelo balaaran u geystaa dadka lagu ag cabbo.

Sigaarka ayaa ka kooban tubaako iyo ugu yaraan 600 oo kiimikaalo ah, tubaakada iyo kiimikaaladda uu ka koobanyahay sigaarku ayaa dhamaantood ah kuwo keeni kara xanuuno ku dhaca qaybaha kala duwan ee jirka. Xanuunada uu sababo qaarkood ayaa ah kuwo ku yimaada markii la cabo sanado badan. Caafimaad ahaan sinaba faaiido uma lahan cabida sigaarku. Waxaana bahda caafimaadku marwalba dhiirigalisaa sidii loo joojin lahaa maadaama waxyeeladiisu ay aad u sareyso.

Sigaarka ayaa ah sababta koowaad ee kansarka ku dhaca sambabada. Kaankaradaan ayaa ah mid rajadeedu aad u liidan karto maadaama aysan jirin daawo. Waxaana ay ku fidi kartaa qaybaha kala duwan ee jirka iyadoo u raacaysa dhiiga ama limfiga. Marka kiimikaalada wasaqda ah ee ku jira sigaarka ay ku nagaadaan sambabada waxaa adkaanaysa in lagu nadiifo qufac, waxaana tani keenaysaa in qofka caba sigaarka uu u sahlanaado xanuunada sida infekshinka iyo hargabka. Sigaarka ayaa sidoo kale ah sababe xanuunada loo yaqaan COPD kuwaasoo caan ku ah inuu xirmo qayb kamid ah hawo mareenka ama ay burburaan unugyada loo yaqaano alveoli ee qaabilsan kala badalka ogsijiinta iyo wasaqda ka timaada jirka ee loo yaqaan CO2.

Guud ahaan waxaa uu sigaarku ka qayb qaata waliba uu ka yahay qodobka koowaad kansarro badan oo ku dhaca xubnaha jirka sida, afka, ugxansidaha dumarka, sambabada, kilyaha, ganaca, hunguriga madow, iyo caloosha. Sigaarka ayaa sidoo kale noqon kara sabab uu yeesho xanuunka alsarka. Waxuu saamayn ku yeelan kara qanjirada soo daayo hormoonka loo yaqaano insulin kaasoo saxa xadiga sonkorta ee ku jirta dhiiga.

Sigaarka ayaa la rumaysanyahay inuu sababo dhiig kar, waxaana uu faragelin ku sameeyaa habka shaqada ee xididada yaryar. Taasoo keenta inuu siyaado cadaadiska uu dhiigu ku marayo. Waxaa uu hoos u dhigaa baruurta wanaagsan isagoo kor u qaada mida xun waxayna tani keeni karta in gudaha xididka ay ku abuuranto baruurta xunto taasoo ugu danbeyn gufeyn karta noqonaysana xanuun horleh oo saameeyay xididaha, khaasatan kuwa wadnaha. Tani waxay keeni kartaa in qayb kamid ah muruqa wadnuhu ay waydo dhiig iyo macdan ku filan iyadoo ugu danbeyn unugyada muruqu ay udhiman karaan marxaladaan, waxaana macquula in qofku uu wadnuhu istaago maadaama isu-soo arurida muruqa wadnuhu uu yahay mid aan wanaagsanayn. Sigaarka ayaa keeni kara in xididada maskaxda u qaada dhiiga ay dhumucdoodu yaraato, taasoo keeni karta xanuunka loo yaqaano faalug.

Dumarka caba sigaarka ayaa ah kuwo halis ugu jira waxyeeladiisa gaar ahaan xiliyada ay uurka leeyihiin. Waxuu saamayn toos ah ku yeelan karaa ilmaha ku jira uurka. Waxuu sababi karaa in ilmuhu uu ku dhasho cilado caafimaad oo qaarkood ay adagtahay in lala tacaalo. Dumarka uu ku dhaco kansarka ku dhaca afaafka hore ee ilma galeenka ayaa la ogaaday in intooda badan yihiin kuwo caba sigaarka wallow ay yeelan karaan sababo kale.

Sigaarku waxuu u xunyahay habka taranka, maadaama uu yareeyo dhumucda xididada jirka, waxaa uu saamayn ku yeelan karaa habka kacsiga labada jinsi.

Ragg badan oo caba sigaarka ayaa la ogaaday inaysan kacsan karin ama ay waqti badan ku qaadato. Sigaarku waxuu yareeyaa soo saarida shahwada ragga waxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyahaya ragga.

Dadka caba sigaarka ayaa lafahoodu yihiin kuwo awoodoodu liidato ayagoo gaari kara heer ay jabaan. Kalagoysyada oo xanuuna ayaa lagu arkay inbadan oo kamid ah dadka caba sigaarka, waxaana marwalba ay halis ugu jiraan in la kulmaan caabuqa ku dhaca kalagoysyada.

Dadka ka agdhaw marka la cabayo waxaa ay lakulmaan dhibaatooyinka caafimaad ee ay lakulmaan kuwa caba sigaarku. Waxuu saamayn ku yeelan karaa qofwalba iyadoo caruurta yaryar iyo hooyooyinka ka agdhaw ugu nugulyihiin. sigaarku waxuu yareeyaa muugaalka maqaarka maadama uu yaraynayo ogsijiinta maqaarka, waxuuna badiyaa kiimikaalo sun ah oo ku milma dhiiga iyo maqaarka. Arintaan ayaa keeni karta muuqaalka qofka oo xumaada.

Neefta dadka qaba sigaarka ayaa ah mid la dhibsado, waxaana uu saamayn ku yeeshaa niyada qofka maadama dad badani ay takooraan. Sigaarku maahan mid u wanaagsan nadaafada shaqsiga iyo mida bulshad uu la noolyahayba.

Akhriso: Wax Ka Ogoow Cudurrada Waa Weyn Ee Laga Qaado Cunitaanka Qaadka!

Talo:

Sigaarku waa dille! Shirkadaha soo saara ayaa soo raaciya fariin ah inuu caafimaadka u xunyahay! Waxaa hubaal ah hadii aad joojisid cabidiisa aad badbaadisay caafimaadkaaga, kan qoyskaaga iyo kan saaxiibadaaba. Hadii aadan joojin karin ka dheerow meelaha dadku ku badanyahay siiba haweenka iyo caruurta yaryar. Jooji sigaarka oo u fakar caafimaadkaaga

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *