Dhibaatooyinka Waa Weyn Ee Laga Qaado Siigeysiga Badan

Siigada waxaa loola jeedaa in qofka uu biyaha iska keeno isagoo ku ciyaaraya xubnihiisa taranka. Waa caado xun oo ka soo horjeeda diinta, dhaqanka iyo caafimaadkaba, waxaana laga qaadaa dhibaatooyin iyo cillado badan.

Siigadu waxay khatar ku tahay in jirku uu si caadi ah u shaqeeyo sababtoo ah waxay Khalkhal gelisaa hormoonnada, taas oo keeni karta cillado jireed iyo kuwa maskaxeedba. Qoraalkaan waxaan ku dul istaagaynaa cilladaha waa wayn ee laga qaado siigada badan. Si akhri si wax badan uga ogaato.

Daal badan iyo tabar yari:

Mid ka mid ah khasaaraha siigada waa in qofka ay ka lunto tamarta maskaxeed iyo midda jireed. Siigadu waxay qaadataa tamar badan. Siigadu waxay wax u dhintaa caafimaadka ninka maadamaa ay lumiso tamarta jirka. Siigeysiga badan ama joogtada ah waxaa lagaa qaadaa daal badan, caajis, lulmo iyo ufiirsiga qofka oo xumaada.

La qabatinka (addiction)

Qofku wuu la qabatimi karaa siigada, taasina waxay keeni kartaa in hadhow uu iska goyn kari waayo, taas oo saamayn xun ku yeelan karta nolosha guurka iyo qoyska.

Madax xanuun iyo wareer:

Siigeysiga badan waxaa waxaa laga qadaa madax xanuun iyo wareer. Xanuunka wuxuu ku dhacaa madaxa iyo qorta xilliga siigada.

Hoos u dhaca dareenka galmada:

Siigeysiga badan waxay yaraysaa dareenka xilliga galmada lagu guda jiro. Xubinta taranka oo si adag ama ciriiri ah gacanta loogu qabto xilliga siigada waxay keentaa in dareenka uu lumo.

Kacsi la’aanta dhalinta

Siigeysigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeeya ee sababa hami yarida gaar ahaan markuu qofka la qabatimo siigaysiga.

Biyo bax deg dega ah:

Siigeysiga badan waxaa lala xiriiriyaa biyo baxa deg dega ah. Ragga caadaystay siigeysiga waxaa la ogaaday in ay ku adag tahay inay koontaroolaan biyo baxa marka ay galmo samaynayaan. Taas oo caqabad ku noqon karta qancinta xaaskaaga. Kicinta xad dhaafka ah ee neerfaha guska ayaa inta ugu badan masuul ka ah biyo baxa deg dega ah.

Hurdo la’aan:

Melatonin waa hormoonka ku shaqada leh hurdada, siigeysiga badanna wuxuu yareeyaa hormoonkan taas oo ugu dambeyntiina keenta hurdo la’aan.

Timo daadasho:

Siigeysiga badan wuxuu ragga ku keenaa timo daadasho. Siigeysigu wuxuu kordhiyaa hormoonka testosterone, taas oo iyana kor u qaadaa hormoon kale oo lala xiriiriyo timo daadashada loona yaqaanno “DHT (dihydrotestosterone)”. DHT wuxuu ragga ku ridaa timo daadasho iyo finan.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *