Waa Maxay Xiriirka Ka Dhexeeya Siigada Badan Iyo Bidaarta?

Siigada waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka. Siigadu waa caado xun oo ku badan dhalinyarada khaasattan wiilasha, dhibaatooyin badanna laga dhaxlo

Raaxada galmadu waxay muhiim u tahay qofka qaangaarka ah, waana baahi ay tahay in guur sharci ah lagu daboolo.

Raaxa la’aanta galmada waxaa laga qaadaa caalwaa (frustration) iyo hungoobid taas oo keeni karta niyad jab.

Sida oo kale, raaxada galmadu waxay yareysaa stress-ka iyo walwalka, waxay kobcisaa cusboonaysiinta unugyada, waxayna daahisaa gabowga unugyada..

Maadaama galmada xalaasha ah laga helo faa’idooyin tiro badan waa muhiin in qofka qaangaarka ahi uu joogteeyo.

Si kasta ahaatee, waxaa jira dhalinyaro aan xaasas lahayn oo caadaysta siigada, taas oo laga dhaxlo dhibaatooyin ay ka mid yihiin; aragga oo daciifa, biyo baxa dega deg ah iyo timo daadasho.

Siigada badan iyo bidaarta:

Haddii aad tahay qof ku dedaala nolol wanaagga, xanuunno kalena aadan qabin oo aad isku aragto timahaaga oo daadanaya, sababtu waxay noqon kartaa siigada badan.

Sida lagu arkay daraasad dhowaan la sameeyay, siigada badan waxa ay jirka ka saartaa fiitamiinnada iyo barootiinnada, taas oo keenta in timuhu ay jiridka ka jilcaan slamarkaana  si fudud ay u daataan.

Waxaa intaas dheer, siigada badan waxa ay hormoonka “testosterone” ee ragga u bedeshaa maado lagu magacaabo “DHT”.

Maadada “DHT” waxay keentaa timo daadashada, basada saliida leh iyo findoobka.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *