Wax Ka Ogoow Cudurrada Waa Weyn Ee Laga Qaado Cunitaanka Qaadka!

Image source: talktofrank.com

Qaadka waa daroogo waxyeelaysa caafimaad qabka shaqsiga laqabatima cunidiisa. Daroogadaan ayaa ah mid saamayn balaaran ku leh bulsho badan oo ku dhaqan wadamada Somalia, Kenya, Ethiopia, Uganda, Djibouti iyo qaar kamid ah wadamada carabta sida Yemen. Qaadku wuxuu saameeyaa sidoo kale hab dhaqanka, nabadgalyada iyo dhaqaalaha bulshada.

Qormadaan waxaan inta badan ku eegaynaa sida qaadku uu u saameeyo caafimaadka qofka cuna.

Warbixino badan oo lagu daabacay joornaalada caafimaadka iyo cilmi baaris ay sameeyeen qaar kamid ah jaamacadaha caafimaadku ayaa lagu ogaaday in qaadku uu yahay daroogo waxyeelo u leh jirka iyo maskaxdaba. Daroogadaan ayaa saamaysa xubno badan oo kamid ah jirka sida ilkaha, wadnaha, maskaxda, caloosha.

Dadka cuna qaadka ayaa la ogaaday in qayb badan oo kamid ah ay lasoo darsaan xanuunno ku dhaca ilkaha. Xanuunnadaan ayaa badala qaab muuqaaleedka ilkaha sidoo kalana yareeya shaqadooda ahayd inay burburiyaan cuntada. Waxaa la ogaaday in dadka cuna qaadka saddex meeloodba meel ay halis u galaan in ilkuhu ka daataan taasoo ah waxyeelo balaaran maadaama ay meesha ka baxeen xubno jirka u qaabilsanaa shaqo muhiim ah.

Calool istaag waa calaamad guud oo lasoo darista dadka cuna qaadka. Daroogadaan ay dadku cunaan ayaa la ogaaday inay saamayso habka dheefshiidka. Taasoo sabab u ah in dadka cuna qaadka aysan u baahan cuno iskana dharagsanaadaan iyagoo u qaba faaido balse arintaan ayaa ah mid halis ku ah habka dheefshiidka, waxaana cilmi baaristu sheegaysaa inay dadkaan lasoo darsaan calaamado ay kamid yihiin dibiro iyo oomateetka oo xumaada. Itaal yarida ama muuqaalka qofka oo liita ayaa loo sababeeyaa ka caaganaanta cunada taasoo ay ka dhalatay cunida qaadka.

Daroogada qaadka ayaa la rumaysan yahay inay sababto inuu saro u kaco cadaadiska dhiiga. Arintaan ayaa ah mid aan u wanaagsanayn wadnaha iyo xididaha dhiiga qaada, waxayna saamayn xun ku yeelan karaan kilyaha iyo indhaha iyo xididada maraba. Dadka qaba xanuunka dhiigkarka ayaa khatar balaaran wajihi kara hadii ay joogteeyaan cunida qaadka.

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo. In badan oo kamid ah ragga cuna qaadka ayaa laga soo xigtay inay isku arkaan shahwada oo katimaada iyaga oo aan ogeyn, arintaan ayaa noqon karta mid khalkhal ku keenta kacsiga ama inuu meeshaba ka baxo dareenka.

Qaadku waxuu faragalin ku sameeyaa habka shaqada ee maxkaxda. Ugu yaraan daroogo walba ayaa la ogyahay inay saamayn ku yeelan karto maskaxda balse qaadka ayaa ugu duwan in qofku uu ku dhaqaaqi karo go’aano nafsadiisa khatar galin kara kaasoo ku yimid fariimo khaldan oo ay maskaxdu soo dayso marka ay ka tanbadato xadiga daroogo ee qaadka. Dadka cuna qaadka inbadan oo kamid ah ayaa lagu arkay inay mala-awaalaan waxyaabo aan jirin iyo khiyaali aad u baahsan. Qaadku waxaa uu sababi karaa inuu qofku ugu danbayn waasho ama uu gaaro heer uu naftiisa biimeeyo. Walwalka iyo walbahaarka ayaa aad ugu bata marka uu qofka ka dhamaado.

Muuqaalka qofka ayaa noqda mid ka duwan dadka intiisa kale, sida maqaarka oo mar mar kalarkiisu is badalo noqdana khafiif, sidoo kale faraha ayaa yeesha kalar ka duwan midka caadiga ah waxaana arintaani saamayn ku yeelan kartaa fayadhawrka shaqsiga iyo dadka uu la noolyahayba. Dad badan oo cuna qaadka ayaa dhibaato ka haysataa dhexgalka bulshada iyagoo u arka naftooda inay yihiin danbiilayaal. Takoorka lagu hayo dadka cuna qaadka ayaa noqon kara mid waxyeelaysa fikirka iyo aaminaada shaqsiga.

Go’aamada khaldan ee ay qaataan dadka cuna qaatka ayaa keeni karta inay ku dhaqaaqaan kufsi ama dil. Taasoo aan ku koobnaan shaqsiga sameeya falka ee ugudubta bulshada inteeda kale. Waxaa sidoo kale la oga’aaday in qaadku uu sababo argagax qabad, taasoo qofka ku abuurta nasniino la’aan sida qofka oo aamina in wadnuhu istaagayo.

Daroogadaan ayaa ah mid faro kulul ku haysa in badan oo kamid ah bulshada Soomaalida. Waxaana dhibaatooyinka caafimaad u dheer, dhibaatooyin kale sida, saamayn uu ku yeesho wada noolaanshaha lamaanayaasha ama dhaqanka qoyska, dhaqaalaha, nabadgalyada, nadaafada iyo qorshayaasha ama hadafka oo guul daraysto.

Talo:

Qaadku maahan wax faaido u leh caafimaadka jirka, iyo dhaqaalaha qofka waana mid sababi karo kala dhantaalida caafimaadka. Qof walba waxay masuuliyad ka saarantahay inuu isaga tago wax walba oo nafsadiisa halis galin kara, qaadkuna wuxuu dilaa dadka iyaga oo u qaba inuusan lahayn wax saamayn caafimaad ah. Waxaa lagama maarmaan ah inaad joojiso cunidiisa hadii aad aad tahay qof cuna, sidoo kalena ku waani  ehelkaaga iyo asxaabtaadu inaysan u dhawaan daroogadan. Wuxuu mustaqbal daro ku ridaa qofka cuna iyo dhalaankiisaba, waana masuuliyad daro in caruurta ay udayacmaan wax qofka caafimaadkiisa aan u wanaagsanayn.

Dadka inta badan cuna qaadka waxay aamin sanyihiin inuusan wax dhibaata ah lahayn, sababtoo ah ma arkaan wax dhib ka soo gaara cuniddiisa, hasa yeeshee xaqiiqada ayaa ah dhibaatada ugu badan ee qaadka waa mid dadban oo qaadata waqti dheer, marka ay soo ifbaxdana waa midka aan waxba laga qaban karin.

Akhriso: Sababahaan Awgood Jooji Cabidda Sigaarka

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *