Aqoon Fiican U Yeelo Qalliinka Jilibka Lagu Beddelo

Bedelidda jilibka waa qalliin yareyn kara xanuunka soona celin kara shaqada kala goyska jilibka. Dhakhtarka wuxuu soo goynayaa qeybaha dhaawacmay ee lafaha iyo carjawda bowdada, shanshada iyo isha lowga, wuxuuna ku bedelayaa kala goys macmal ah oo laga sameeyay bir iyo caag daraja sare.

Bukaanka iyo dhakhtarka waxey dooran karaan mid ka mid ah naqshadaha badan ee kala goyska macmalka uu lee yahay, ayadoo laga fekerayo da’da bukaanka, miisaanka, heerka shaqada iyo guud ahaan caafimaadka bukaanka. Kala goyska bedelka ah wuxuu isku dayaa inuu u shaqeeyo sida kala goysyada caadiga ah ee uu Eebe nagu abuuray.

Ujeedada loo sameeyo qalliinkaan

Baahida ugu badan ee loo bedelo jilibka ayaa ah in ay gargaarto xanuun badan oo riix sababo. Dadka inta badan u baahan in laga bedelo jilbaha waxey dhib ku qabaan socodka, fuulidda jaranjarada, iyo ku fariisiga iyo kasoo kicidda kursiga. Qaar ka mid ah waxey dareemaan xanuun dhexdhexaad ama mid daran marka ay nasanayaan.

Khatarta bedelidda jilibka

Sida qalliinka kasta uu khatar u lee yahay ayuu qalliinkaan khatar tiisa u wataa, in kastoo ay yartahay, khatarada waxaa ka mid ah:

  • Infekshan
  • Xinjir ku sameysanta arooraha lugta ama sambabada
  • Wadnaha oo istaaga
  • Faalug
  • Neerfe dhaawacma

Kala goyska macmilka ah oo dhamaada

Halista bedelidda jilibka waxaa ka mid ah iney kala goyska macmilka uu ku dhamaada socodka badan, xitaa birta ama caaga ugu adag ee ku jira kala goyska macmalka ah ugu dambeyti waa mid duugowda. Waxaa sahlaya in kala goyska uu dhamaado sameynta shaqooyinka saameyta adag ku leh jilbaha iyo misaanka qofka oo aad u badan.

Qalliinka kedib

Marka qofka laga soo saaro qalliinka waxaa loo kaxeynayaa qolka reysashada, kedib ayaa loo sii gudbinayaa qolka uu isbitaalka kaga jiray, asagoo qofka joogaya maalma kooban. Qofka waxaa laga yaabaa inuu dareemo xanuun, laakin dawooyinka loo qoray ayaa badanaa caawiya.

Inta qofka uu joogo isbitaalka waxaa lagu booriyaa inuu ka dhaqdhaqaajiyo lugta iyo canqowga si uu dhaqaaqa dhiiga ugu fido murqaha lugta, loogana hortaga barar iyo in xinjir ay sameysanto.

Maalinta qaliinka kedib waxaa tusinaya qofka dhaqtar ku taqasusay terabiga jirka sida qofka uu jimicsi ugu sameyn karo lugaha. Inta lagu guda jiro asbuucyada ugu horeeya qalliinka kedib waxaa suurtagalaya bogsasho buuxda hadii qofka uu raaco talada dhaqtarka.

Natiijada qalliinka

Dadka badan kooda qalliinkaan wuxuu ka qaadaa xanuunka, waxaana wanaagsanaada dhaqdhaqaaqooda iyo tayada nolosha.

Waa muhiim in bukaanka uu weydiiyo dhaqtarka waxa uu ka filan karo qalliinka lagu bedello jilibka. Qofka wuxuu si caadi ah u bilaabi karaa howlahiisa saddex ilaa lix todobaad qalliinka kedib.

Qalliinka kedib qofka wuxuu sameyn karaa shaqooyinka kala duwan ee aan jilibka saameyn weyn ku laheyn sida, socodka, dabaasha iyo baaskiileynta. Laakin qofka waa muhiim inuu ka fogaado shaqooyinka sida boodboodka, kubadda iyo wax kasta oo isku dhac keeni kara. Waa in qofka uu kala hadlaa dhaqtarka waxyaabaha uu qaban karo iyo wax yaabaha uusan qaban karin

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *