Xanuunada Iyo Dabeecadaha Waalidka Laga Hidde Raaco

Balwadaha iyo dabeecadaha qaarkood waxaa laga hidde raacaa waalidka, sida ay sheegtay shabakadda Internet ka ee ‘Bright Side’ oo Maraykanka laga leeyahay waxaa ka mid ah:

KALASTAROOLKA

Kor u kaca heerka Kalastaroolka / Dufanka dhiiggu waxa uu xidhiidh la leeyahay nidaamka cunto ee uu qofku raaco, sidaas awgeed ayaanay dhakhaatiirtu ku taliyaan in laga feejignaado cuntada Kalastaroolku ku badan yahay. Laakiin waxaa jirta mararka qaarkood oo dufanka dhiiggu aanu ku iman hab nololeedka qofka, balse uu ku yimaaddo nidaamka hidde-sideyaasha oo qofku uu waalidiintii ka wato.

Sahamin lagu sameeyey dadka Kalastaroolka lehna waxaa lagu ogaaday in 500 ee qof ee kastaba uu mid ka mid ahi leeyahay hidde side, gaar ah oo sabab u noqda in dufanku uu ku bato jidhkiisa, taas oo keenta in kalastaroolkoodu aanu ka tegin xitaa haddii ay khudrad keliya ay cunaan.

BIDAARTA HOOYADA AYAA AYNU KA RAACNAA

Dadka badankoodu waa ay fahamsanyihiin in ay bidaartu ka mid tahay Xaaladaha hidde raaca waalidka ku yimaadda, waxa se ay inta badan u tiriyaan dhinaca aabaha oo laga yaabo qaarkood in ay isaga ama asalka uu ka soo jeedo bidaar ku ogyihiin. laakiin xaalku sidaas ma’aha. Waxa uu cilmigu xaqiijiyey in mid ka mid ah hidde-sdeyaasha bidaarta keenaa uu ku jiro “Koromosoomka X” oo raggu ay ka hidde raacaan hooyooyinkooda. Si kastaba ha ahaato ee taas macnaheedu ma’aha in hooyadu ay tahay sababta keliya ee bidaartu ku timaaddo, balse waxaa jira hidde sideyaal kale oo kaalin weyn ku leh bidaarta oo dabcan loo aqoonsan yahay in ay tahay cudur. Taas oo ay soo hoos geli karaan xanuuno ku yimi hidde-sideyaasha aynu aabaha ka dhaxalno. Waa kale oo keeni kara sababo la xidhiidha cimilada iyo deegaanka oo timaha daadiya.

Akhriso: Sababaha keena bidaarta iyo sida looga hortagi karo

KU SARRAYNTA WAXBARASHADA

Ilmuhu boqolkiiba 55 ku wanaagsanaanta waxbarashada iyo in uu darajo sare imtixaanaadka keeno waxa uu ka hidde raacaa waalidkii. Waxa aanay xeeldheereyaashu caddeeyeen in ay jiraan kumannaan hidde-side oo Hawlaha ay qabtaan ay ka mid tahay u maskaxfurnaanta waxbarashada, fahamka iyo sarraynteeda. Sidaas awgeed haddii mid labadaada waalid ka mid ahi uu waxbarashada aad ugu fiican yahay, macnaheedu waa in uu ilmuhuna leedahay karti iyo fursad uu meel sare ka gaadhi karo waxbarashada, waa se haddii marka hore lagula dadaalo waxbarashada, lagana caawiyo ka faa’idaysiga hidde sideyaashaas uu waalidkii ka dhaxlay.

XANUUNKA MACAANKA:

Macaanka noociisa labaad waxa uu inta badan ku dhacaa dadka waaweyn, waxaa se jirta in uu Carruurta qudheedana ku dhaco. Dad badan ayaa ku jaahwareera sababta uu macaanku ugu dhacayo ilme yar oo firfircoonidiisu aad u sarrayso, inta badanna sonkorta jidhkiisa gasha gubaya, miisaankiisuna laga yaabo in aanu weynayn. Laakiin waxa aanay ogeyn in macaanka Nooca labaad uu carruurta ugu iman karo hidde raac, iyo in nafaqo darrada iyo cunto xumida qudhooduna macaanka keenaan.

ARAG LA’AANTA MIDABBADA:

Waxaa jira nooc arag la’aanta ka mid ah oo qofka kaga dhaca keliya dhinaca midabbada qaarkood. Arag la’aanta midabbadu (Color Blindness) waa hoos u dhac ku yimaadda awoodda ay induhu u leeyahay in ay arkaan midabbada qaarkood ama gartaan waxa ay ku kala duwan yihiin midabbadu. Waxaana keena hidde-side uu ilmuhu hooyda ka hidde raaco.

Xaaladdani waxa ay ku badan tahay ragga, sababtuna waa in jidhkoodu aanu awood u lahayn in uu iska difaaco ciladdaas hidde side oo u soo marta Koromosoomka X ee uu ka dhaxlo hooyadii, waayo waxa uu leeyahay Koromosoom keliya oo noocaas X ah, halka gabadhu ay ka leedahay laba Koromosoom X oo ay midkood hooyada ka sidato kan kalana aabaheed.

Xaaladdani waxa ay dhib weyn ku keentaa nolol maalmeedka qofka, maadaama oo ay caqabad ku tahay doorashada dharka, cuntooyinka khudraduhu ka mid yihiin iyo xitaa mararka qaarkood aragtida laydhka ishaarada waddooyinka. Inkasta oo xaaladdani ay dhibaato ku noqoto qaybo ka mid ah waxbarashada haddana, guud ahaan waa xaalad fudud, qofka ay ku dhacdaana inta badan iskala qabsado oo noloshiisa si caadiya u wadan karo.

BUN JACAYL:

Cilmibaadhis lagu sameeyey sababaha keena bun jacaylka ayaa daahfurtay in hidde-sideyaashu ay ka masuul yihiin jacaylka iyo la qabsiga bunka, sidaas awgeed ayaana ay jiraan dad aan bunka la’aantii u akrin in nolol maalmeedkoodu u hagaagayo.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in dadka bunka aadka u jecel uu jidhkooda ku jiro hidde-side sababa in jidhk uu si aad u gaabis ah u nuugo maadadda Caffein ee ku jirta hunka taas macnaheeduna waa in aanu dareemin baahi ama xaraarad uu bunka u qabo. Halka ka kale uu jidhkiisu dhaqso u nuugo caffeine ta taasina sababto xiisaha dheeraadka ah ee uu u qabo iyo in uu bun badan cabbo.

XASAASIYADDA CAANAHA

Waxaa jirta maaddo loo yaqaanno ‘Sonkorta caanaha’ (Lactose) oo ah sonnor ku jirta caanaha oo ka dhalata isku darsanka sonkoraha Galactose iyo Glucose. Waxa ay miisaanka caanaha ka tahay boqolkiiba 2 illaa 8. Haddaba arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in boqolkiiba 65 dadka da’da qaangaadhka ahi aanay lahayn awood uu dheefshiidkoodu ku burburiyo sonkorta caana ama Lactose.

Marka uu ilmuhu aad u yaryaryahay ee uu u baahan yahay caano, waxa uu jidhkiisu sameeyaa dheecaan (Enzyme) awood u leh in uu burburiyo ‘Lactose’ ka, laakiin mar kasta oo uu ilmuhu sii koro waxaa hoos u dhacda awooddaas dheefshiidkiisa ee caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyaba. Dad yar ayuunbaana leh Hidde-side waalidka laga hidde raaco oo awood gaar ah u leh maadadda ‘Lactose’ ka.

GAADHI KAXAYNTA

Qofku waa uu baran karaa dhammaan xeerarka iyo tilmaamaha waddo marista, waxa aanu ku guulaysan karaa imtixaanka darawalnimda oo la siiyo rukhsadda. Laakiin waxaas oo dhan oo jira waxaa haddana barbar socda arrin laga raaco waalidka oo darawalnimada buuxda khatar u ahaa.

Waxaa jira ‘Hidde-sideyaal gaar ah oo saamayn taban ku leh awoodda uu qofku u leeyahay in uu naftiisa hago, waxa kale oo uu ka masuul yahay hoos u dhac ku yimaadda awoodda uu qofku u leeyahay ka jawaabista degdegga ah iyo ka dareen celinta Xaaladaha kediska ah ee ku yimaadda ama xitaa xasuustooda. Haddii qofku uu yahay dadka noocan ahna waa in uu dareensanaadaa Xaaladaha noocan ah in qofku uu isku dayo kaxaynta baabuurta. Waayo waxa uu qofkani khatar u yahay in uu shil galo, maskaxdiisa maahsan awgeed. Waxa ay saynisyahannadu aaminsan yihiin in boqolkiiba 30 dadka adduunku ay yihiin dadkaas leh Hidde-sida saamaynta ku xun ku leh gaadhi wadistooda.

ARAGGA OO DACIIF AH

Waxaa jirta suurtagalnimada in aragga oo daciif noqdaa ay ku timaaddo sababo dhinaca hide-sideyesha ah oo ay ka mid tahay in boqolkiiba konton ay ku timaaddo hidde raaca waalidka. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira xaalado kale oo iyaguna aragga daciifin kara waxaana ka mid ah ilmaha oo Waqti aad u dheer ku qaadata daawashada Shaashadda tv, mobile, ama Tablet ama kombiyuutarka.

Shacbiyad iyo taageero badnida

Waa hubaal in ay dad badan u qaadanwaa ula ekaanayso, laakiin cilmibaadhiso la sameeyey ayaa tilmaamaya in sirta ka dambaysa taageerada ay dadka qaar haystaan ay tahay arrin la xidhiidha hidde-sideyaasha ku jira oo ah kuwo u samaynaya dhaqanno iyo dabeecado dadka oo dhami xiisaynayaan.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanku waxa ay sheegeen in sideedaba aadamuhu uu tan iyo bilowgii taariikhdiisa jeclaa warka iyo helitaanka xogta iyo aqoonta la xidhiidha noloshiisa, sida ilaha uu ka heli karo biyaha, cuntada iyo baahiyaha noloshiisa, sida oo kalana uu mar kasta u dheg taagi jiray in uu helo xogta la xidhiidha cadowga ama khataraha soo waajahaya, sidaas awgeed si gaar ah jacayl iyo taageero ay ugu hayeen qofka ay u arkaan in uu xogtaas hayo ama in uu u leeyahay aqoon arrintaas ka anfacda. Inta badanna dadka taageerada xooggan ku lihi waa dadka aqoonta, xogta, waayoaragnimada, dhaqaalaha, madaxnimada ama wax uun dheeraad ah ay dadku ku tuhmayaan.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in wardoonka iyo ururintaas xogta iyo fahamkeeduba ay ka mid yihiin Arrimaha ku yimaadda sababa la xidhiidha hidde sideyaasha ay dadkani ka hidde raaceen awoowyadood. Si kastaba ahaato ee sida ay ku suurtagashay in dabeecadahaas shakhsiga ahi ay dhex maraan hidde sideyaashu waa arrin aanu weli cilmigu jawaab rasmi ah u hayn, waa se laga yaabaa in mustaqbalka la ogaado.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *