Muhiimadda Ay Leedahay Naasnuujinta (Breastfeeding)

In kastoo aan ognahay ilmaha oo la naasnuujiyo ay muhiimad u leedahay dhalaanka iyo hooyada. Hadana waxaan halkaan ku falaqeyneynaa siyaabaha kala duwan oo ay naasnuujintu ku noqotay faa’ido.

Waxaa ka sugan diinta islaamka in dhalaanka la naasnuujiyo sidoo kale waxaa arintaas ayiday khubarada caafimaadka ku xeel dheer khaasatan caafimaadka caruurta.

Waa maxay faa’idooyinka naasnuujinta ay u leedahay dhalaanka?

Nafaqo: Caanaha hooyada waxaa kujira dhamaan nafaqada uu u baahan yahay dhalaanka, nafaqadaan ayaa ah mid si isku dheelitiran ay ugu jiraan borotiinka, vitamiinada, iyo dufinta ay u baahan yihiin dhalaanka si ay u koraan. Nafaqada caanaha ayaa ah mid ufudud in uu dhalaanka si fudud uga faa’ideyso ayadoo ay culeys ku keeneynin habka dheefshiidka dhalaanka oo ah mid aan wali u baran inuu nafaqada kala soo baxo cunada sidoo kale nafaqada kujirta caanaha hooyada waa kuwa usahlan kilyaha marka lala barbardhigo caanaha kale ee gasaceysan oo lagu gado goobaha ganacsiga.

Difaaca jirka: Caanaha hooyada waxaa kujira walxaha la dagaalamaha fayrusyada iyo bakteeriyada waana walxa hoos udhiga fursadaha uu dhalaanka kula soo darsi karo xasaasiyad ama neef. Waxaa la ogaaday ilmaha  lixda bill ee ugu horeysa la naasnuujiyay  in ay yar tahay fursadaha uu kula soo darsi karo infekshanada dhagaha, iyo xanuunada ku dhaca habka hawa mareenka taas oo loo sababeynaayo walxaha difaaca ee laga helo caanaha hooyada, walxahaan waxay dhalaanka ka difaacaan xanuunada lixda bil ee ugu horeysa nolosha dhalaanka.

Nadaafad: Caanaha hooyada waxay dhalaanka u yihiin raashiin aan lahayn wax wasakh ah, waana wax aad ugu wanaagsan jirka dhalaanka, sababtoo ah difaaca dhalaanka ma ahan mid si buuxda ushaqeeya oo iska dhicin kara fayruska iyo bakteeriyada, sidoo kale waa raashiin raqiis ah oo aan hooyada uga bixin wax kharash gaar ah si ay u koriso dhalaankeeda.

Xiriirka hooyada: Naasnuujinta waxay adkeysaa xiriirka ka dhexeeya hooyada iyo dhalaanka, waana mid u carbisa in ilmaha ay dareeman amaan xiliga ay lajoogaan hooyada, waana arin ka caawisa ilmaha sidi ay ula macaamili lahaayeen bulshada marka ay koraan, waxaa la’aaminsan yahay ilmaha la naasnuujiyay iney yihiin kuwo awooda maskaxda  ee loo yaqaano IQ ay tahay mid kasareysa kuwa aan la naasnuujin, waana arin si weyn uga qeyb qaadan karta macaamiil wanaaga dhexmari kara ilmaha iyo bulshada ay ku dhex noolyihiin.

Waa maxay muhiimada naasnuujintu ay uleedahay hooyada?

Dadka inta badan ma fahansana naasnuujinta iney muhiimad gaar ah ay uleedahay hooyada laftirkeeda, muhiimadahaan waxaa ka mid ah:

Niyad jab: Inta badan dumarka marka ay dhalaan waxaa lasoo derista niyad jab oo aysan qabin inta aysan dhalin ka hor, waxaa yareeya niyad jabkaan nuugista ilmaha ay nuugayaan naaska hooyada. Marka dhalaanku uu jiqo ibta naaska, maskaxda waxay soo deysaa hormoon loo yaqaano oxcytocin, hormoonkaan wuxuu jirka ka dhigaa mid nasiino dareemo, sidaa darteed dumarka intooda badan waxay dareemaan nashaad iyo rayn rayn mar kasta oo ay naasnuujiyaan, waana dareen ka dhasha jiqidda uu dhalaanku jiqayyo ibta naaska hooyada, sidoo kale naasnuujinta waxay ka yaraysaa hooyada iney dareento wax walwal ah.

Ilmo galeenka: Hormoonka ogsitosin oo ay maskaxdu soo dayso xiliga naasnuujinta waa mid lug weyn ku leh foosha, marka la soo daayana wuxuu dib ugu celiyaa ilmo galeenka sidii uu ahaa inta aysan hooyada uurka qaadin ka hor.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara naasnuujinta

Waxaa jira waxyaaba badan oo ay hooyada ugudbin karto dhalaanka marka ay naasnuujineyso, waxaana loo bahan yahay hooyada ineysan naasnuujin dhalaanka hadii ay qabto xaaladahaan soo socda.

  • HIV: Fayruskaan waa mid ay hooyadu ku qaadsiin karto dhalaankeeda naasnuujinta, waxaana looga baahan yahay hadii hooyada ay qabto xanuunkaan aysan naasnuujin.
  • Qaaxo: Qaaxada xiliga ay tahay mid kacsan waxay ku gudbi kartaa naasnuujinta
  • Waraabow: xanuunka waraabowga sidoo kale wuxuu ku gudbi karaa naasnuujinta
  • Maandooriyaasha: hadii ay hooyada isticmaasho wax maandooriya ah waxay halis galin kartaa nolosha dhalaanka, maandooriyaha waa mid ugudbi kara dhalaanka oo faragelin ku sameyn kara maskaxda dhalaanka.
  • Dawooyinka qaar: waxaa jira dawooyin aysan hooyada qaadan karin xiliga naasnuujinta, sidaa darteed waa muhiim in ay hooyada hubiso dawooyinka ay isticmaali karto xiliga naasnuujinta oo ay latashato dhaqtarkeeda inta aysan qaadan wax dawo ah.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *