Xanuunka Xididka Wadnaha: Astaamihiisa, Sababaha Keena Iyo Hababka Looga Hortago

Wadnahu waa xubinta jirka u qaabilsan inay gaarsiiso dhiiga, ogsijiin iyo macdanta kale ee muhiimka u ah jirka iyadoo marsiinayso xididada halbawlayaasha ah ee dhiiga ka qaada wadnaha una safriya qeybaha kale ee jirka, waxaana wadnaha dhiiga kusoo celiya xidido loo yaqaan aroore kuwaasoo dhiiga bilaa ogsijiin ah kusoo celiya wadnaha si maadada ogsijiin looga soo qaado sambabada. Wadnuhu waa dhexyaalka wareega dhiiga, ogsijiinta iyo macdanta kale ee jirka waana muhiim in lajoogteeyo kawarqabka caafimaadkiisa.

Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale ee jirka, waxaana uu u baahan yahay ogsijiin iyo macdanta kale ee lagama maarmaanka u ah noloshiisa. Sidaa darteed waxaa jira xidido yaryar oo dhiig iyo ogsijiinta u qaada muruqa uu wadnuhu ka sameysan yahay. Xididadaas waxaa loo yaqaana Coronary.

Hadii uu xanuun saameeyo xididada dhiiga u qaada wadnaha waxaa yaraada dhumucda xididada taasoo keenta inuu yaraado dhiiga u socda muruqa wadnaha.

Sababaha xanuunka xididka wadnaha

Si rasmi ah looma tilmaami karo waxa sababay xanuunkan, laakiin waxaa la fahansan yahay inuu jiro dhawr qodob oo halis unoqon karo inuu dhaco xanuunkan waxaana kamid ah:

  • Da’da: Dadka waa weyn ayaa uga badan dadka yaryar
  • Dhaxal: Waxaa la garawsaday in hadii qof qoyskiina kamida uu qabo xanuunkaan aad jaanis u leedahay inuu adna kugu dhici karo
  • Dhiigkarka
  • Xayrta loo yaqaan kolesterool oo heerkeedu sareeyo
  • Cabida sigaarka
  • Cunida cunno aan isu dheelitirnayn
  • Cayilka saa’idka ah
  • Jimicsi la’aan joogto ah ama dhaqdhaaq la’aanba.
  • Xanuunada sida sonkoroowga

Sidee bay u yaraadaan xididada wadnaha?

Haduu dhaawac gaaro xididka ,waxaa gudaha xididka ku samaysma wax loo yaqaan plaque oo ah walxa gufeeya gudaha xididka. Walxaha gufeeya waxey ka sameysan yihiin kolesterool iyo walxa unugyada difaaca jirka ay soo daayaan. Tani waxay keenaysaa inuu wada gufaysmo ama qayb ahaan gufaysmo xididkii wadnaha siinayay dhiiga, waxaana yaraanaya dhiiga iyo ogsijiinta gaaraysa muruqa wadnaha taasoo sababta in unugyada wadnaha ay dhintaan. Qofka  wuxuu dareemaa calaamadaha xanuunkan.

Astaamaha xanuunka xididka wadnaha

  • Xabad xanuun: Aad moodo in xabadka la isugu keenayo cadaadis xoogleh
  • Neef qaadashada oo yaraata
  • Gacanta bidix, qalka hoose iyo dhabarka oo xanuuna
  • Wadna istaag

Side looga hortagi karaa xanuunkaan?

Waxaa loogga hortagi karaa qaabab badan oo aan dawo ahayn, waxaana kamida

  • Cabida sigaarka oo aad gabi ahaanba joojisid
  • Heerka dhiig karkaaga oo aad xadidid
  • Jimicsi joogta ah oo aad samayso
  • Cunida cunnooyin isku dheelitiran una badan qudaar
  • Subaga ama xayrtuna aad isaga ilaalisid

Dawooyin badan ayaa loo qaataa si loo daweeyo xanuunkan, sidoo kale qaabab qalliin ayaa lagu daweeya, waxaana fiican inaad la xariirto dhakhtar hadii aad aad isku aragto calaamadaha xanuunkan.

Talo

Waxaa  lagula talinayaa inaad ka hortagto waxkasta oo halis ku noqon kara inuu xanuunkan dhaco, adoo wax kabadalaya sida aad u nooshahay sida; jimicsi jogta ah, cuno caafimaadka u wanaagsan, kana fogoow subaga iyo baruurta.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *