Kolesterol kacsan (Hypercholesterolemia)

kolesterol waa nooc dufin oo kale ah taasoo laga helo dhiiga.

Hadaba kolesterol waa shay uu jirku u baahanyahay waxa uu jirku u isticmaalaa dhisida unugyada jirka, balse waa in xaddi sax ah ay jirkaaga kujirtaa, hadii caddadka kolesterol ee kujira dhiigaaga ay badato waxay khatar ku noqon kartaa caafimaadka wadnahaaga.

Marka caddadka kolesterolka kujira dhiiga ay badato waxaa loo yaqaanaa= “Haybar kolesariimiya” (hypercholesterolemia). Waa xaalad la iska dhaxli karo, balse badanaa waxay timaadaa marka qofku ka taxadari waayo caafimaadkiisa ama uu dayaco noloshiisa, sidoo kale waa xaalad laga hortagi karo lana dawayn karo.

Majiraan wax calaamado ah oo lagu garto kor u kicida kolesterolka, qaabka kaliya ee lagu ogaan karo inay kacday waa in qofka laga qaado dhiig, dhigaas ayaana cadayn kara hadba xaalada ay ku sugantahay kolesterolka

Maxaa sabbaba in kolesterolka uu kor u kaco?

Waxaa jira dhawr nooc oo ay u qaybsanto cholesterol-tu kuwaasoo kala ah;

  • Low Desnity lipoprotein” LDL: noocaan waxaa kaloo loo yaqaanaa “ bad cholesterol “ ama kolesterolka xun, waa nooca ugu xun noocyada cholesterolka waxay sababtaa in dufan badan ay ku dhegto darbiyada xididada dhiiga qaada taasoo sababaysa in dhuumaha xididadu yaraadaan kadibna isku socodka dhiigu uu yaraado. Taasoo aakhirka keenta wadno xanuun khatar ah.
  • High Density Lipoprotein” HDL: waxaa kaloo loo yaqaanaa “ good cholesterol “ ama kolesterolka fiican, waxay soo uruurisaa dhamaan dufanta kujirta jirkaaga waxayna iskugu keentaa beerka.  Waxay kaloo kahor tagtaa in xididada dhiiga qaada ay dufantu ku dhagto ama dhuuntoodu yaraato.

Hadaba waxyaalaha sabbaba inay kolesterolk kacdo waxaa kamid ah:

  • Fadhiga badan oo aan qofku wax shaqaa hayn
  • Buurnaanta, iyo cuntada oo aan ahayn mid caafimaadka u roon
  • Sidoo kale waa la iska dhaxli karaa.

Yaa khatar ugu jira in kolesterolkooda kor u kaco:

Waxaa jira jira dad badan oo khatar ugu jiri kara xaaladan waxaana dadkaas kamid ah,

  • Dadka caba sigaarka: sigaar cabidu waxay dhaawacdaa darbiyada xididada dhiiga qaada taasoo sahlaysa in dufantu ku dhagto darbiga dhaawacmay. Sidoo kale sigaarku wuxuu hoos u dhigaa caddadka kolesterolka fiican.
  • Dadka aadka u buuran waxay khatar ugu jiraan inay kolesterolkooda kor u kaco.
  • Cunada xun ama aan isku dheeli tirnayn waxay ka qayb qaadataa kor u kicida cholesterol-ta.
  • Jimicsi la’aanta
  • Dadka qaba cudurka sonkoroowga ayaa sidoo kale u sahlan inay kolesterolkooda kor u kaco, sababtoo ah sonkorta badan ayaaba dhaawacda darbiyada xididada jirka taasoo qayb wayn ka qaadata in dufantu ku ururto darbiyada dhaawacmay ee xididada dhiiga.

Dhibaatooyinka ka imaan kara kor u kicida kolesterolka:

Dhibaatooyinka ka dhalan kara waxaa kamid ah;

  • Xabad xanuun, hadii xididada dhiiga u qaada jirka ay dhaawacmaan ama xirmaan waxaad dareemaysaa xanuun xabadka ka imaanaya sababtoo ah cadaadiska dhiiga oo doonaya inuu xoog ku maro xididada dhuuntoodu yaraatay ayaa keenaya xanuunka.
  • Wadna xanuun,  hadii xididada xirmaan waxaa istaagaya dhiigii aadi lahaa wadnaha taasoo keenaysa in wadnuhu istaago si lama filaan ah.
  • Midaas mid lamid ah ayaa ku dhacaysa maskaxda hadii xididada dhiiga geeya maskaxda ay qaarkood xirmaan waxaa maskaxda ku dhacaya faalug

Sidee looga hor tagaa xaaladan:

Yaree culayska jirkaaga

  • Jooji cabida sigaarka
  • Cun cuntooyinka ay ku yartahay dufanta iyo cusbada
  • Samee jimicsi joogto ah

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *