Xaaladaha Sababa Xinjirowga Dhiiga Iyo Dadka Halista Ugu Jira

Waa xaalad khatar ah taasoo dhacda marka dhiigu uu ku xinjiroobo xididada qotoda dheer ee jirka. Xinjirowga noocaan ah wuxuu badanaa ku samaysmaa bowdyahay ama cajirada iyo lugaha hoose, balse way ku samaysmi karaan qaybaha kale ee jirka.

Astaamaha badanaa lagu garto:

  • Cagaha, canqowga, ama lugaha oo barara.
  • Xanuun kaa qabanaya meesha xanuunku kaa asiibay kaasoo badanaa kasoo bilowda kubka.
  • Maqaarka meesha xinjirowgu ku dhacay oo kululaata
  • Maqaarka oo isku badala cadaan khafiif ah

Waxaa laga yaabaa in dadku aysan si sahlan ku ogaan in xanuunkan hayo ilaa ay isbitaal katagaan.

Waa maxay khatarta xanuunkan?

Qofka qaba xanuunkaan wuxuu usii gudbi karaa xaalado kale oo khatar ah sida xinjirowga xididada wadnaha iyo halbowlayaasha xubnaha waawayn ee jirka, taasoo sababaysa in dhiigu ka xirmo xubnaha muhiimkaa ah ee jirka taasoo  keeni karta xaalad khatar wayn ku ah nolosha qofka.

Bahda caafimaadku waxay kula talinaysaa bukaanka isku arka calaamadaha soo socda inuu si degdeg ah isbitaalada u aado, waxaa kamid ah calaamadaha;

  • Wareer ama dawakhaad
  • Dhidid
  • Xabadka oo xanuuna kasoo sii siyaadaya marka qofku qufaco ama uu hawo qaadanayo
  • Neefsasho degdeg ah
  • Qofka oo qufacaya xaako dhiig leh,
  • Wadno garaac siyaado ah.

Yaa khatarta ugu jira inuu ku dhaco xanuunkan?

Xanuunka wuxuu badanaa ku dhacaa dadka da’da wayn ama kawayn ilaa 60 sano. Waxaa kaloo khatar ugu jira dadka wareega dhiigoodu uusan wanaag sanayn, qof la qalay oo dhaawac loo gaystay xididdadiisa, qofka aadka u cayilan, dadka waalidkood ama reerkoodu horay u qabay, qofka xididada laga galiyo katheter-ka, gabdhaha qaata dawooyinka dhalmada joojiya, sigaarka, iyo dadka safarka dheer gala sida dadka diyaaradaha ama gawaarida saarnaada saacadaha badan kuwaasoo aan kala bixin ama dhaq dhaqaajin lugahooda.

Xanuunkan wuxuu khatar gaar ah ku yahay gabdhaha uurka leh sababtoo ah gabadhu markay uurka leedahay waxaa siyaadaya dheecaanada jirkeedu soo daynayo, waxaa kaloo yaraanaya dhiiga ku wareegaya jirka marka minka gabadhu uu fidayo, fididaas uu minku kala baxayo ayaana yaraynayssa dhiiga ku wareegi lahaa qaybaha hoose ee jirka gabadha sida lugaha iyo bawdyaha taasoo sababi karta in xinjiro galaan xididada lugaha iyo bowdyaha ama cajirada maadaama uusan dhiig badan marayn xididadaan.  Xaaaldan waxay gabadhu kujiraysaa 6 isbuuc oo ka danbaysa marka gabadhu dhasho.

Ka hortagga xinjirowga xididada:

Xaaladan waa mid laga hortagi karo balse si qofku uga badbaado waa inuu sameeyaa qododbada soo socda; cadaadiska dhiiga oo la yareeyo, sigaarka oo la joojiyo, cayilka oo la yareeyo, lugaha oo la dhaq dhaqaajiyo hadii qofku uu jiifay ama fadhiyay cabaar, dadka safarada dhaadheer gala waxaa lagula talinayaa inay soc socdaan ama dhaq dhaqaaq sameeyaan intay safarka kujiraan si ay uga hortagaan xaaladan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *