Xabad Xanuunka: Noocyadiisa Iyo Sababaha Keeno

Xabad xanuunka (angina) waa digniin caafimad oo taxadarkeda ubaahan wana ciriri iyo culeys laga dareemo xabadka taaso keenta iney yaraato awooda qofka ku qaadan karo hawada una eg wadno istaaga waa fariin ama dignin u dirayo muruqa wadnaha kaso daremaya xanuun ama dhaawac ku yimid islamarkaana dalbanaya wax ka qabasho degdeg calaamadaan waa mid inta badan ay la kulmaan dhaqatirta ku taqasustey xaladaha wadnaha inta badan calamadan waxey jogta waqti yar sida 3 daqiiqo taaso kadeed kurida qofka kuna abuurta cabsi ah inu wadnuhu istaagayo hadi aan ladaweyn sababta keenta calamadan badana wa’ay sonoqnoqota

Labo qeybood aya lokala qaada darenka ay keento calaamadan:

  • Mida 1ad waxa lagumagacaba (stable angina) waxeyna timada marka qofku usameynayo jimicsi ama uu walwalsanyahay waxeyna baab’ada marka uu qofku nasto kadin xanuunkan ma’ahan wadno istaag laakiin waa digniin ah inaad lakulmi karto wadno istaag mustaqbalkaga waxana haboon inad dhaqtar wadnaha ah aad la xiriirto
  • Mida 2aad waxa loyaqan (unstable angina) waxana ladaremi kara iyado la nasanayo waxey joogta mudo ka badan waqti mida 1aad weyna sonoqnoqota badana
  • Waxa sido kale jirta mid 3aad oo loo yaqaano (varianta angina) kaso la dareemo xilliga hurdada xaaladan waxey cadeynesa inusan wadnuhu helin OXYGEN ku filan

MAXA SABABA XABAD XANUUNKA?

Sababta ugu weyn ee calaamadaan aya ah in xididada dhiiga uqaad wadnaha ay gufeyaan ama xiraan waxyaabo ka sameysan dufan taaso keenta in muruqa wadnaha uu san helin hawo ku filan muruqu wuxu sishaqeya isago helaya dhiig yar taas ayana ah sababta lo daremayo culeys saran xabadka xanuno kale oo wadnaha ku dhaca ayaa sido kale keeni kara calaamadan

Calaamadaha kale ee la socdo waxaam kamid ah Kuleyl xabadka laga daremo, damqasho iyo culeys darbiyada xabadka khaasatan muruqa loyaqano (pectoris major) ee kuyaala hareraha naasaha waxa laga yaaba iney ku fido garbaha iyo gacmaha ilaa lafta kala barta xabadka

Talo:

Iskayarey walwalka, badi jimicsiga, mar walbo aad dareento calaamadan ha fududeysan la xiriir dhaqaatirta caafimadka (cardiologist) ka warqab caafimaadka wadnahaaga waa xubin xanaaneynteda leh.

Akhriso: Sida loo kobciyo caafimaadka wadnaha

Akhriso: Sababaha Keena Wadne Istaagga (Heart Attack) iyo Habka Looga Hortagi Karo!

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *