Sababaha Keena Wadne Istaagga iyo Qaababka Looga Hortagi Karo

wadne istaagga,

Wadne istaagga:

Wadnaha oo istaaga waa khatar caafimaad oo aad u sareysa, waayo waa xubinka dhexyaalka u ah gaarsiinta jirka ogsijiinta iyo macdanta kale, dhimasahada ugu badan ee dunida waxaa sababa xanuunada ka dhasha wareega dhiiga, wadnaha oo istaaggana waxay keeni kartaa dhimasho degdeg ah.

Maxaa sababa?

Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale ee jirka wuxuuna ubaahan yahay dhiig iyo macdan si uu unoolaado una qabto shaqadiisa, waxaa dhiiga iyo macdanta siiya xidido loo yaqaan Koranari hadii mid ama qaar kamid ah xididadaas ay xinjiri gufayso waxaa yaraanaya dhiiga gaaraya wadnaha
ama qayb kamid ah wadnaha, taasoo keenaysa in wadnuhu uusan helin ogsijiin ku filan si uu shaqo uqabto ama u noolaada, taasna waxay sababaysaa in shaqada wadnaha ay laba jibaaranto waliba asagoon wadnaha haysan shidaal ku filan, shaqada
wadnaha oo sii badata waxay kor uqaadeysaa baahida uu uqabo ogsijiin iyo nafaqada ku jirta dhiiga, waana bilowga dhimashada muraqa wadnaha ama waxa loo yaqaan wadna istaag.

Astaamaha wadne istaagga

Astaamaha qofku uu dareemo waa kuwa ka dhasha dhaawac soo gaara muruqa uu ka sameysan yahay wadnaha, dhaawacan ayaa soo jiita in mudo ah, hadii qofku uusan aqoon buuxda u lahayn astaamaha wadnaha waxaa laga yaabaa inuu iska sii wato nolol maalmeedkiisa asagoon raadin daryeel caafimaad, astaamaha wadne istaagga waa kuwa si aan joogta ahayn loo dareemo waxaana kamid ah:

  • Xabad xanuun
  • Xanuunka gacanta bidix ama garabka bidix,
  • Wadna garaac
  • Neef qaadashada oo aad u yaraata
  • Qufac
  • Walwal iyo dhidid kuyimid baqdinta bukaanka
  • Lalabo iyo matag.

Sidee looga hortagi karaa wadne istaagga?

Wadna istaaggu waxuu lee yahay ka hortag wayna adag tahay in la daweeyo mar haddi uu dhaco sababtoo ah waxaa yar waqtiga uu wadnaha ku istaago taas oo keeneysa dhimasho deg deg ah. Waxaa looga hortagaa qaab aan dawo ahayn waxaana ka mid ah:

  • Jimicsi joogta
  • Xakamaynta ama joojinta sigaarka
  • Yaraynta ama joojinta dufanka sida subaga ama cunooyinka uu ku badan yahay subagu
  • Inaad badasho qaabka aad u nooshahay sida cunada qudaarta u badan oo aad quudato.

Hadii uu dhaco wadne istaag waxaa dhakhaatiirtu la tacaali karaan saacad ama labada saac ee ugu horeeya, hadiise bukaanku dareemayay calamadahan mudo ka badan waqtigaas way adag tahay in lagaaro yoolka badbaadada bukaanka.

Talo:

Dhimashada deg dega ah ee inta badan ku dhacda bulshada soomaaliyeed waa wadne istaag, ama xanuunada ku yimaada daryeelka dhiiga, sidaa darteed waa muhiim in qofka kasta uu ogaado muhiimada wadnaha uu ulee yahay nolosha qofka iyo in qofka kasta uu qaado talaabooyin uu kaga hortagi karo iney caafimaad daro lasoo deristo wadnaha, sababtoo ah wadnaha wuxuu dhintaa marka uu soo gaaro dhaawac uusan ka kabsan karin, sidaa darteen waa in qof walba uu dareen gaar ah u yeeshaa wadnaha uuna siiyaa daryeelkiisa.

Jimicsigu waa dawo aan la yarey san karin, waxuuna ka hortag u yahay cuduro tira badan oo kuwa wadnuhu kow ka yihiin, iskuday inaad samayso jimicsi jadwal leh, ama ugu yaraan lugee maalintii 30 daqiiqo.

Jimicsigu waa dawo aan la yareysan karin, waxuuna ka hortag u yahay cudurro tiro badan oo kuwa wadnuhu kow ka yihiin, iskuday inaad samayso jimicsi jadwal leh, ama ugu yaraan lugee maalintii 30 daqiiqo.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *