7 Hab Oo Looga Hortago Walwalka Iyo Isku-Buuqa!

Walwalka waa dareen dabiici ah kaasoo ka yimaada hadba xaalada ku xeeran qofka. Waa xaalad ay keeni karaan sababo kala duwan ku waas oo isagu jira kuwo u baahan in si degdeg ah go’aan looga gaaro iyo kuwo ay la qabatinto nolosha qofku. Dareenkaan ayaa noqon kara mid wata farxad ama murugo, yididiilo ama isdhigasho. Walwalku waa mid ku yimaada soo qabashada ama tiigsiga waxaadan hayn, sugida natiijada waxyaabo ku cabsiya galiya iyo wajahida xaalad ka badan awooda qofka. Maahan xanuun lala jiifsado balse waa dareen keeni kara xanuuno badan, sida kuwa saamayn ku leh wadnaha, maskaxda, ganaca iyo xididaba taas ayaana keentay in kahortagidiisu ay ka hormarto maareyntiisa.

Cabsida ama walwalku waxuu siyaadiyaa habka garaaca wadnaha, taasoo keeni karta xanuuno ku dhaca, waxuu yareeyaa dhumucda xididada dhiigga, waxuu sababaa dhiig kar, sonkoroow, murugo, sas iwm. Kahortagida dareenkaan ayaa u baahan joogteynta qodobo muhiim u ah nolosha. Waxaa kamid ah hababka looga hortago dareenkaan;

Noqo qof Alle ku xiran; ku xirnaanshaha Allaha weyn iyo ku camal falida diinteena suuban ayaa ah mid ay ku dhanyihiin daganaanshaha qalbiga iyo caafimaadkiisuba. Hadii aad tahay qof sameeya intii wanaag ahayd oo Eebbe faray kana dheeraada waxyaabaha dunuubta ah, waa lagama murmaan inaad noqonaysid qof ku nool nolol cajiib ah, waayo degananshahu qalbigu waa mid ku xiran xuska iyo digriga ilaahay uu kaliya. Qofkii sameeya acmaasha wanaagsan ee Alle farey waxuu noqonayaa mid ka maran walwalka.

Ogow waxyaabaha aad isleedahay waa ku walwal galin karaan; ogaanshaha waxyaabaha walwal galin kara naftaada,  waxay kuu sahlaysaa inaad ka gaashaamato, lana imaato xalka ama qaabka aad u wajahayso xalaadahaan, tusaale ahaan xalinta khilaafaadka qoyska, joojinta xiriirka xun, ka guuridda deegaanka aysan naftaadu ku qanacsanayn, iyo helidda natiijada caafimaad qabkaaga. Markii aay ogaatid xaaladaha keeni kara walwalka waxaa lagama maarmaan ah inaad ka shaqayso sidii aad ku xalin lahayd dhamaantood si aadan u dareemin wax walwal ah.

Daji goolashaada; mararka qaarkood waxaad iska qaniintaa carabka adiga oo aan ogeyn ama ugu tala galin, waxaa la micno ah adoo isku qaba inaad guul gaartay inay kugu soo baxdo waxyaabo aad ka tagtay ama ka dhimanaa shaqadii aad guusha ku gaarta. Hadii aad dajis qodobo la xariiro joogteynta habka noloshada waxay u badantahay inaad noqoto qof kamaran walwal. Waa inaad noqotaa qof daacad ah oo og meelaha uusan ku fiicnayn. Hadii aad gasho ama ku milanto waxyaabaha aadan shaqsiyan ku fiicnayn waxaa imaan kara inaad noqoto mid walwal daris la ah, taasoo kugu reebi karta mahadho ayna kugu  adkaan doonto maareynteedu.

Noqo qof furfuran;  xirxirnaanshaha qofka ayaa keeni karta inuusan ahayn mid ku dhex Milan bulshadda kuwooda wanaagsan. Gooni socodnimadu waa mid aan u fiicnayn caafimaad qabka maskaxda, maadaama awooda qofku ay tahay mid marwalba kooban waxaa dhici karta inuu lakulma ama ka fakaro waxyaabo caqabada ah kuwaasoo kusoo wajahan uusan aqoon qaab ama si uu ku xaliyo, hadii uusan qofkaasi la kaashan dadka saaxibadiis ah waxaa adkaan ku adkaan doonta maareeynta xaaladaas iyadoo ugu danbeyn ku keeni karta inuu qofku noqdo mid u nugul dhibta iyo walwalku.

Samee jimic joogto ah; waxaa jira habab badan oo jimicsi ah oo ay kamid yihiin dabaashu, rucluhu, iyo yoogadu. Hadii aad joogteysid jimicsi ay naftaadu kahesho waxaad noqonaysaa mid ku nool nolol farxad iyo nashaad wadata iyadoo caafimaad qabka jirkaagu uu noqonayo mid aad u wanaagsan.

Noqo mid ka ka fog khiyaaliga; daacadnimada iyo ogaanshaha xaqiiqda naftaada iyo dadka ku xeeranba waxay kuu sahlaysaa inaad noqoto mid dadka kula nool xushmad iyo qadarin. Falceliska kaaga imaanaya bulshada inteeda kale ayaa ah hadba nooca dabeecadaadu tahay. Ku dadaalida waxii xaqiiqo ah iyo ka fogaanshaha khiyaaliga ayaa ah qodob dhaxal gal u ah ka hortagida walwalka.

Seexo hurdo kugu filan: hurdada la seexdo xili ku filan qofka, ayaa ah mid yareynaysa heerka walwalka, waxaana ay sare u qaadaysaa nasashada jirka iyo masxkaxda labadaba. Waxaa haboon inla hagaajiyo makaanka hurdada si ay hurdadu u noqoto mid raaxo badan oo wax ku ool ah.

Cun cunno dheelitiran: cunadda u wanaagsan caafimaadka, oo aysan ku badnayn saliida iyo cusbadu, ayaa ah mid siinaysa jirka nafaqo wanaagsan, qudaarta iyo miraha ayaa ah kuwo aad loo amaanay in la joogteeyo xiliga walwalka.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *